ILA QOSOL

 

Qaybo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto, waxa dhaqan ahaan ku adag; in labada isqabtaa isugu yeedhaan magacyadooda! Halkii ay hebal iyo heblaayo is odhan lahaayeenna, ay waxyaabo kale adeegsadaan. Sida: Carruurtayda hooyadood, tan aannu wada joogno ama dabka ii shidda iyo wixii la mid ah! Haweeneyduna ay tidhaahdo, carruurta aabbahood, odaygayga, saygayga iyo wixii la mid ah.
Haddaba, beri ayaa waxa is raacay; oday Maxamed la yidhaahdo iyo islaantiisii. Iyaga oo wada socda, ayaa waxa ka soo horbaxay; niman ay odayga is garanayeen. Markii ay cabbaar odayaashii is waraysteenna, waxa odaygii Maxamed raagsatey; islaantiisii oo meel ragga ka durugsan ku sugeysey.
 Dabadeedna, islaantii oo ka khajilsan; inay odayga magaciisa ugu yeedho oo u arkaysa ceeb, dhinaca kalana ka baqaysa in uu la diriro; ayaa dhawr jeer tidhi, " Ee hooy hooy!" Markii uu soo jeedsan waayeyna, waxay u raacisay, " Ee Maxamadoow."
Odaygii ayaa maqlay, iyada oo magaciisii higgaadinaysa. Dabadeedna, intuu cadho cirkaasi maray, ayuu raggii ku yidhi, " Nabagelyo." Wuxuna u yimid islaantii oo meel halkeer ah ku sugeysey. Waxana uu islaantii ku yidhi, " Ee miyaad waalatay? Maxaa magacayga kuu geeyey?" Islaantiina waxay ugu jawaabtey, "Dee mayee ma waalane waad soo dhaqaaqi weydey!"
Markii ay intaasi is dhaafsadeenna, inta uu hor dhaqaaqay isaga oo caydhaysan; ayuu ku yidhi, " Ee dad waaweyn baynu nahaye, ayaynaan is Maxamedsanin!"

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com