ILA QOSOL

 
 
Nabad akhristayaal,
 

Qolyo reer miyi ah, ayaa beri gabadh ka soo doonay qoys reer magaal ah. Qoladii inanta laga soo doonay, ay aa is yidhi iska hagaajiya gacalkan gabadha idinka soo doonay. Waxana loo sooryeeyey raggii gabadha doon ayey, si gobobnimo iy gacalnimaba leh.
Waxase yaabka yaabkii noqotay, markii goobtii loogu yimid; raashinkii oo dhandhamo mooyiye aan cidi dheef san! Tolow maxaa dhacay?

Qolyahan inanta laga soo doonay ee reerka magaalka ahi, waxay is yidhaahdeen; meesha iska tiiriya oo rag ga si fiican u sooryeeya! Raashinkiina waxa laga buuxiyey, nooc kasta oo geedo ah. Ma xawaash baa! Ma basbaas baa! Ma ...!
Ilayn, warba waa ka dambeeyee; qoladan reer miyiga (baadiyaha) ahi weligoodba may arag, manay ururin meel xawaash iyo basbaas lagu hayo!
Haddaba, markii raashinkii loo geeyey ee ay xeedhyihii daboolka ka qaadeenba; hindhiso ayay qaarkood bila abeen, qaarkoodna qufac iyo ilmo! Shaaw ragganoow, maanta ka hor; mabay cunin waxaan cad ahayn - cab bitaankooduna caano geel ayuu ahaa!
Waxase ugu darnayd, markii ay raashinkii dhandhamiyeen ee ay basbaaskii ku gubteen! Markii ay cabbaar dulfadhiyeen ee cid ku dhacda la waayey, ayuu midkood soo jeediyey; in la sugo inta uu qaboobayo!
Waar illayn basbaas ma qaboobo!! Haddana, mar kale ayay hubsadeen raashinkii; waaba sidii oo kulaykii kama bi'in.
Waxay yeelaan inta ay garan waayeen, ayay xeedhyihii iska dabooleen oo dul fadhiisteen - iyaga oo gaajoon aya!
Mar dambe ayaa loo yimid, si weelka looga guro. Waxana la arkay, raashikii oo sidiisii ah oo aan dhandhamo mooyiye; cidi dheefsan ama ka dhergin! Markii la weydiiyey sababta ay cuntada u cuni waayeenna; ninkii ugu da'da weynaa ayaa ku jawaabey, "Cunto dab magaalo lagu kariyey ayay noqotoo, way dami weydey!"
Haddaba markii raggii loo sharraxay, waxay cuntadu u dafi (qaboobi) weydey ee loo sheegay; in lagu daray wax
basbaas la yidhaahdo oo aan qaboobin, ayaa raashin kale loo kariyey. Gabadhiina waa la siiyey waana loo meheriyey oo way kaxaysteen.

Markii ay degaankoodii ku laabteen ee ay ka sheekeeyeen wixii qabsadayna,Waxa gabadhii loo bixiyey, Basb aaso. Waxayna noqotay, naag kulul oo beeshii ka tilmaaman!

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com