ILA QOSOL

 
Nabad akhristayaal,
 
Marka aad salaan qaaliya guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii, Ila Qosol.

Nin Soomaaliyeed oo qurbojoog ah, ayaa carruurtiisa oo markaasi yaryarayd kula dardaarmay; in ay telefishan (television) iska kaxeeyaan haddii wax qaawan soo galaan! Sidaa awgeedna, yaryarkii waxay caadeysteen; mar kasta oo ay telefishanka ku arkaan  wax si xun u labisanba, in ay ka kaxeehyaan.
Haddaba, maalin aad u kululayd oo ahayd xilli Xagaa ah; ayay salaaddii Duhur u soo gashay aabbihii oo guriga joogey. Kulaylkii aawadii ayuu aabbihii is yidhi, garan gacmo gaaba iyo macawis iskaga tuko!
Aabbihii oo salaaddii ku jira, ayay yaryarkii oo dibadda ku ciyaarayey soo galeen gurigii - iyaga oo yaacaya. Mid carruurta ka mid ahaa oo afar jir ahaa ayaa arkay, aabbihii oo gashan garankii yaraa oo salaaddii ku jira!
 Ka darane, yaryarku maalintaasi ka hor; weligood may arag aabbahood oo dhar sidaasi xidhan. Yarkii afar jirka ahaa, markaasi wuxu u qaatay, in aabbihii qaawan yahay oo uu u baahan yahay, in laga kaxeeyo - sidii telefishanka! Dabadeedna oohin ayuu bilaabay, isagoo walaashii oo ka weyneyd ku leh, Aabbo ka kaxee!"
Walaashiina intay alaabta ay carruurtu ku ciyaarto qori yar oo u eg (remote control)ka ka soo qaadatay oo ay xaggii aabbahood u soo fiiqday, ayay ku tidhi, Walaal iska aamus waanigaa ka kaxeeyaye!" 
Aabbihiina, inta uu salaaddii ka baxay oo uu shaadh degdeg u gashaday; ayuu inantiisii ku yidhi, " Fariid, sidaa aabbo uga kaxee haddii aad wax qaawan aragtid, xataa aabbana ha ku ahaatee!" 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com