ILA QOSOL

 
Nabad akhristayaasha sharafta lahoow,

 
Bariido kaddib, waxaynnu halkii ka sii wadi doonnaa sheekooyinkeennii todobaadlaha ahaa ee la magacbaxay; Ila Qosol.
Sida la sheegay, xilli taariikh ahaan ku beegnaa; 1970 naadkii, ayaa nin Jannaale ahi soo degey oo ka yimid waddamada Khaliijka Carabta
Wax yar markii uu joogeyna, wuxu guursadey gabadh ay ilma-abti ahaayeen oo reer miyi ah.
 Markii uu muddo joogeyna waxa ka dhammaaday fasaxii oo wuxu ku noqday waddan ka mid ah waddamada Khaliijka Carabta oo uu ka shaqayn jirey.
Ninkan oo woxogaa lacag ah dalka la yimid, ayaa alaab fiican gabadha u dhigay _ maadaama oo ay ina-abtidii ahayd. waxyaabaha uu u soo iibiyeyna waxa ka mid ahaa; rikoodh ay cajaladaha ku dhageysato oo (Panasonic) ahaa.
 Maalmihii u ka tagayeyna, wuxu si wanaagsan u tusay; sida rikoodhka loo shido iyo dhammaanba sida uu u shaqeeyo! Waxa kale oo uu u geeyey mowjaddii uu Reedhiyoow Muqdisho ka soo geli jirey oo ay galabtii ka dhegeysan jirtey; barnaamijkii Imaqashii ee dalabaadka iyo heesaha ahaa oo ay inantu aad u jeclayd.
Markii uu ninkii muddo sii maqnaa, ayay niman ay ninka ehelo ahaayeen oo iyadana dumaashiyadeed ahaa; ayaa maalin rikoodhkii ka amaaneystey - si ay ugu soo qayilaan, galabnimadana ay laanta Afsoomaaliga ee BBC da uga dhageystaan. Waxa haddaba mashkiladi dhacday, markii ay raggii fiidkii rikoodhkii soo celiyeen ee ay gabadhii rikoodhkii ka weydey; Reedhiyoow Muqdisho!
Toloow maxaa dhacay? Show nimankii rikoodhka ergistey (amaaneystey), galabnimadii ayay mowjaddii ay taqaanney ka kaxeeyeen oo ay BBC da ka dhegeysteen.
Gabadhii markii ay ridhoodhkii ka weydey intii ay taqaanney, ayay arrintii u sheegtay, gabadh ay ninkeeda qaraabo ahaayeen oo ay inamadana isku dhawaayeen abtirsiimo ahaan.
Waxayna tidhi, " Naayaa heblaayo, dee nimankii shalay rikoodhka iga qaatay; ceeb bay sameeyeen oo waxay rikoodhkii kala soo baxeen Reedhiyoow Muqdisho!"
Gabadhii loo sheegay arrinta oo yaabban oo dhan ay warkan u qaadana garan la'; ayaa ku tidhi, " Bal aniga ayaa soo weydiine, rikoodhkana ii keen, igana war sug oo cidna ha u sheegan!" Haweeneydiina waxay ugu jawaabtey, " Waayahay!"
Markii gabadhii rikoodhkii loo keenay, ayay dhan kasta ka rogtey oo dilaac iyo jabniinba ka weydey. Waxay dabadeedna eegeegtay badhanadii rikoodhka iyo mowjadihiisii. Waxayna aragtay, in mowjadda BBC ee 31ka la geeyey.
 Kaddibna, inta ay ka kaxaysay oo ay mowjaddii dhexe iyo Reedhiyow Muqdisho u geysey; ayay maalintii dambe u geysey gabadhii lahayd!
 Waxayna ku tidhi, " Waanigaa kaaga soo qaadaye, maalin dambe ha iskaga dhiibin!"
Gabadhii rikoodhka lahaydna, iyada oo aad u faraxsan; ayay ugu jawaabtay, " Waa yahay walaal, waanad mahadsan tahay."

Waar illayn badownimo ba'anaa!

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com