ISBEDDELKU TAAGEERO DADWEYNE AYUU U BAAHANYAHAY



Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

 

Alle mahaddii, kale hore dalkeena waxa ka dhacay doorasho xalaal oo xaq ah. Doorasho si na bad ah dadweynahu ugu muujiyeen hiyigooda siyaasadeed, hammigooda mustaqbal iyo hiigsig o oda horumarineed. Waxa ay dhaliyeen isbedel wax weyn durtaba dalka ka qabtay. Waxay do orteen hoggaan u horseeda barwaaqo, cadaalad iyo dhisme bulsho. Waxa guulaystay Kulmiye iyo Madaxweyne Axmed Siilanyo. Waa guul iyo guul ay hanteen bulsho weynta Soomaliland.

Xiligan oo kale waxa yimaada daal kolka xawaare sanad iyo badh ah lagu jiray. Waa caadi oo si yaasaddu waa sida ciyaarta kubbadda oo mar walba ku jirimeysid duulaan. Daalkan waxuu ka dhashay KULMIYE iyo inta isbedelku ka dhabta ahaa oo ka gaabisay la socodka hoggaanka., iya gaa looga baahan yahay taageero, dheerigelin iyo inay ka ilaashaan kana daafacaan inta kolw alba u taagan dibu dhac iyo danno gaar ah.

Mid waan hubaa oo waa Madaxweyne Axmed inuu ka daacad yahay horumarinta iyo u hiilinta bulsho weynta Soomaliland. Waxa awood iyo xaraarad wax-qabad u noqonaysa inuu helo dare en dadweyne oo la raba isbedelka xaqqa ah, kagana dayrnaadaan duufaanada ay soo kicinaya an dibusocod iyo danayste jirjiroole ahi.

Marna ha joojin u darbanaanta ka midho-dhalinta guusha aynu kal hore gaadhnay. Waanu hay naa hoggaan u jeeda danta guud iyo dhismaha bulsho. Waxa jira duul ku mamay kharibaadda iyo majar-habaabinta masiirka ummadda. Ha ka daalin inaad kuwaas ka ilaaliso inay habaas iyo siigo indhaha kaga tuuraan hoggaanka dalka.

Guusha dadweynow adaa dhashay, waanad haysaa oo xilkaad u dhiibtay Madaxweyne Siilaan yo waa mid ay dhab ka tahay isbedel horusocod ee ha ka gabin, ha ka xidhiidh furan, u samir oo ogow inay kol walba jiraan cid diidan oo lid ku ah barnaamalka horumarineed eed doonayso. Ogow inayna dumida jirin meel banaani. Meeshaad banayso, waa la buuxinayaa. Cilmiyan koob ka aad biyaha ka madhisaa, ma banaana ee waxa buuxiya hawo. Sidoo kale ayeyna jirin siyaas adda meel madhani. Kooxaha ku tartamaaya hoggaanka dalku, waxay yihiin qaar kolba mid xag al daacaayo, waa kolka taageerayaashoodu gaabiyaan.

Waa hubaal inayu guul gaadhi doono Insha Allah, kolkaynu aynu si dhab ah taageeradeena u gu fidino Madaxweynaha, aynu noqono dar u taagan ka-midho-dhalinta guushii aynu gaadhan. Waana tan uu Madaxweyne Axmed u baahan yahay si aynu isu-hor-taagno kuwa jecel inaan hore loo socon.

Waa ruugcaddaagi soo rogaal celi. KULMIYE iyo Madaxweynahu waa ul iyo diirkeed. Kulmiye w aa hooyadda xukuumadda. Fikir, taag iyo tamarba waa in la helaa isku-xidh iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay u lisaan guushii aynu gaadhany.

Wax weyn yaa la qabtay muddadan gaaban, waxa se jira dacaayado la buunbuuninaayo una baahan in nafsiyan dawladda laga daafaco, iyo in aan lagaga masuugin talo iyo fikir waxii wax dhisaaya.

Bulshow muuji in isbedelku kaa dhab yahay oo qof waliba ha la yimaado waajibkiisa. Ka guur danta gaarka ah ee gaaban, una guur danta guud iyo u hiilinta mustaqbal horumar dhaqaale, aqooneed iyo bulsho leh.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
 

 

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com