ILA QOSOL

 
Salaan kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii la magacbaxay; Ila Qosol.
Salaad jamac ahayd oo ka mid ahayd saddexda salaadood ee kor loo akhriyo, ayuu wadaad imaam ahaa dadkii tukiyey. Akhriskii (qiraa'adii) ayuu meel ku margadey, waxana u saxay nin jamaacada ka mid ahaa. Haddana mar labaad ayuu wadaadkii qiraa'adii khalday. Markii labaadna waxa u saxay nin kale oo ma'muumiinta ka mid ahaa.
Markii xaaladdu halkaasi maraysey, ayuu nin jamaca ka mid ahaa oo ay wadaadka isku reer ahaayeen gartay; in labada nin ee wadaadka Qur'aanka ka saxayba reer kale yihiin. Dabadeedna, intuu is-hayn kari waayey; ayuu isaga salaadii ku jira yidhi, " Waar wadaadka u kala hadha!"

 
Mar haddii salaadana la isugu hiilinayo, miyayna bahashii meel xun innala marayn? 
 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com