Hotel Crown iyo kurbada Dhaqan Bi’iska

 


Waxa maanta qalinku dul joogsaday dhaqano dalka ku cusub oo dhalinyarada u horseedaya halaag,caafimaad darro iyo nolol ka gudhan aayatiin horumar leh oo ay hotelada ka furan ca asimada qaarkood albaabada u fureen habeenimada.

Hotelada dhaqan bi’iska u horseeda dhalinyarada waxa hormood u ah HOTEL CROWN oo uu leeyahay Cismaan Hindi.Ayaan darrada ku habsatay Cismaan Hindi kadib markuu ka siibtay siyaasadii uu dhex muquurtay waxuu miciinsaday dhaqan xumo uu ugu baaqo dhalinyarada shaqo la’aantu daashatay inay ku kulmaan wax uu ugu yeedho Crown iyo kurbada caysnimo.

Mashruucyada noocan oo kale waxay dhalinyarada ka leexiyaan diinta,dhaqanka suuban iyo dadnimadaba.Balse Cismaan Hindi isagu waxa uu ka raadinayaa waa shilimaad ee dan kama laha cidii lumaysa iyo waxii ku kharib-maaya midna.
Waxyaabaha Cismaan Hindi ku soo kordhiyay HOTEL CROWN waxa ka mid ah:

1.Badeecado kirada cabitaankoodu yahay $5.
2.Xaflado dhaqanka ka baxsan oo uu ugu yeedho(Music Show) lagana baxo waabariga.
3.Kulan dhalinyaro oo anshaxa islaamka ka baxsan.

Hadal haynta dhalinta dhexdeeda waa sheekooyinka anshax xumo halaag xambaarsan oo ka socda Hotel Crown.

Waxa aan ugu baaqayaa gudida xumo reebista iyo wanaag farista inay talaabo ka qaadaan anshax xumada uu Cismaan Hindi ku soo kordhiyay caasimada.Waxa kale oo aan ugu baaqay aa Wasaarada Awqaaftu inay fiiro gaar ah u yeelato waxyaabaha habeenkii ka socda Hotel Crown.
 

 


Xuseen Xasan Badmaax