Gabiley: Horumarka Gobolku Garaadka Bulshadiisa
Ayuu Ku Jiraa

 



Gobolka Gabiley oo dhaca boqcad ‘ strategy’ ah , caana ku ah Waxsoosaarka Beeraha iyo Xool aha isla markaana leh Kastamka labaad ee ugu waxsoosaarka badan Dalka, waxa uu leeyahay 5 Degmo oo ay Xarunta Gobolku ku jirto iyo 76 Tuulo oo Gobolka hoos yimaad. Waa Gobol Baahiya ha kala duwan ee bulshadu ay aad u hoosayso. Waa Gobol tabaaya Bulshadiisa. Waa Gobol gur mad degdeg ah u baahan.

Haddii aan hoos ugu daadego ujeedada Maqaalkaygan, sidaynu ognahay Bulshada Somaliland w axay caan ku tahay inay iyadu wax qabsato oo aaney cidkale waxba ka sugin , Bulshada Somalila nd ma aha Dawlad kunool, haddaba bulshada Reer Gabiley ma waxay lamid noqdeen Bulshada Re er Boosaaso , Somaliya oo ah ummad dawlad ku nool ah? Isbedelka Dalka ka dhacay ee Sannad jirsaday ayaa Gobolka waxaa ragaadiyey Murano iyo Khilaafaadyo Maamul oo saamayn weyn ku yeeshay Bulshada inteedii kale , niyad jab weyna ku riday, balse Isbedelka Cusub ee Maamulka Gobolka iyo Dawlada Hoose ayaa ah Rajo wanaagsan iyo Cadceed cusub oo Gobolka usoo baxday.

Horumar laga sameeyo Dal ama Gobol waxaa fure u ah hogaamiyayaal daacad ah iyo hagid suuban oo uu helo. Istixgalinta bulshada dhexdeeda. Kala xadaysnaanta masuuliyadaha kala duwan ee bulshada loogu adeegaayo. Wada tashi iyo tixgalin wanaagsan oo dhexmarta Masuuliyiinta iyo Bulshadda inteeda kale, sidaa awgeed , haddii uu garaadku shaqeeyo, oo arintan sare kuxusan la dabakho, oo waliba Masuuliyiinta Gobolka kasoo jeeda ee Xukuumadda ku jiraa ay garawsadaan inayna kuraasta ku helin Imtixaan( examination) balse ay ku tageen Magaca Gobolka Gabiley , ficil waxqabadna ay la yimaadaan iyana waa marinka gobolku horumar ku gaadhi karo. Xildhibaanada Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolka oo ah kuwii shacabka soo doorteen waxaa ka saaran Masuuliyadda ugu weyn waxaanan ka codsanayaa isxilqaan, waxaanan leeyahay “ Inta Xildhibaan NAC-NAC ka qabtay Degmada Axmed Dhagax miyaad awoodi kari weydeen” waad awoodaan haddii uu Garaadku shaqeeyo. Golaha Degaanka waxaan leeyahay oo aan ka codsanayaa waxqabad iyo ugu yaraan taageero iyo isgarab-taag cida Mindida daabkeeda haysa si Horumar Gobolku u gaadho. Madaxdhaqameedyada oo ah kuwa bulshada qayb muhiima kaga jira , shaqo culusna u haya, oo ah kuwii gacantooda ku yagleelay Qaranka maanta jira , haddii ay shaqadooda ku ee kaadaan , waa Horumar Gobolka usoo kordhay. Qurbajoogu waa inay jeebadahooga gacanta galiyaan una huraan Gobolkooda , Maamulka Gobolkana waxaa waa jib ku ah Qorshe cad iyo strategiyad kalsoonida qurbajooga kor u qaada.

Haddii la qaato arimaha sare ku xusan waxaa hubaala in horumarkii Gobolka ee la tabaayey dhak hso ku iman doono. Horumar la’aanta iyo baahiyaha Gobolka ka jiraa waa kuwa manta dhalinyarada Gobolka qaar kamid ahi ay ku fikireen qaban-qaabo Shirar Gobolka ka qabsooma, hasayeeshee, aniga oo marka hore u mahadcelinaya dhalin yartaa islamarkaana la qaba dareenkooda ku aadan baahiyaha Gobolka wehelka la ah ,hadana , waxa mudan in la isweydiiyo , Sideebaa gobolka horumar loo gaadhsiin karaa? Iyada oo aan wax loo dhimayn Midnimadda Bulshada Bobolka ku wada nool, iyada oo aan Amniga Gobolku caan ka ku yahay la mijaxaabineyn, iyada oo aan Dimoqoraadiyada iyo Nidaamka Axsaabta badan ku dhisan dhaawac loo gaysanayn, iyada oo Tixgalinta iyo Sharafta ay mudan yihiin Madaxda Gobolku meel lagaga dhacayn. Tanaasul ayaan ka codsanayaa dhalinta qaban-qaabada ku guda jirta, is-qancin iyo garawshiyo waa furaha guusha balse isku –carayn la is dhaafsado xal kuma iman karo. Waxaan qabaa in horumarka gobolku uu iman karo marka la helo wada tashi iyo wada shaqayn wacan oo ku aadan Bulshada Gobolka, waana in hormoodka gobolku oo masuuliyadu ay saaran tahay iyaga ay abuuraan kulamo bulshadu u dhan tahay oo lagaga wada tashanaayo habka ugu wanaagsan ee gobolka loo horumarin lahaa.

Gabagabadii, Odhaah Soomaliyeed ay tidhaa “ Candho Xoolaad Nin Waliba Intuu Gashado Ayuu ka maalaa” waxaan leeyahay dhamaan Masuuliyiin iyo shacaba halala yimaado Fakir wadaninimo . Badhasaabka Gobolka Mudane Cali Aw Aden Meecaad, waxaan leeyahay Gobolka waxaa hore magac ahaan u jirey Guddi Horumarin Gobol oo fadhiid noqday, sidaa awgeed , Guddi Cusub inaad magacawdo waa mid muhiim u ah Gobolka, si ay uga qayb qaatan Horumarinta Gobolka iyaga oo noqon doona Bridge ka isku xidha Qurbajooga iyo Gobolka, Hayadaha Caalamiga ah iyo waliba wixii waxqabad ah ee looga baahdo Xukuumadda oo aan qabo inay wax walba diyaar ula tahay gobolka. Waxaa kale oo amaan mudan bulshada gobolkana looga baahan yahay inay is-garab taagaan talaabooyinka qiimaha leh ee wax qabad ee ay la timid Gudoomiyaha Degaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Wabillahi Tawfiq

 

 

 


 

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Political Analyst
Hargeysa, Somaliland