Horn Cable Tv waa Al Jasiirada Saxaafada Somaliland
Jawaab ku socota Mr. Ubaxle




lWaxaan daba socdaa maqaal cinwaankiisu ahaa Farxadii Soo dhoweynta Qurbajooga Somaliland ee Horn cableTV oo Qalbijab ku danbaysey maqaalkaas oo uu qoray ninka la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cali Ubaxle. Wuxuu ninkaasi ku eedeeyay Horn Cable Tv inuu caadeystay inuu wax kastoo wanaag ah oo Somaliland u soo kordhay qariyo, isla markaana uu raadiyo ceebaha iyo xumaanta Shacbiga iyo xukuumada Somaliland


Haddaba waxaa la yaab leh in Mr. Ubaxle eedaymahan uu kula dul kufay Horn Cable Tv aanu tusaale cad
oo kaliya ka bixin bal goorta iyo barnaamijka ay Horn Cable ay gashay qaladaadka uu sheegayo. Mr. Ubaxle waxaan odhan lahaa indhihii caafimaad qabaa way ku farxeen kunna diirsadeen in Horn Cable Tv uu soo ga lo hawada Europe oo aanu ka raysanay TV-gi nagu haystay Kootada ee Universal Tv. Anigu maan arag Ho rn Cable Tv oo wax u dhimaysa Qaranimada Somaliland iyo xukuumadeeda waxaana ka muuqata Horn  Cab le Tv inuu yahay Tv dhex-dhexaad ah oo siman mucaarid iyo muxaafidba isla markaana si hufan u soo band higa arimaha siyaasada iyo bulshadaba.


Waxaan xusuustaa in Mr. Ubaxle oo ahaan jirray wakiilka UDUB ee Birmingham uu beryihii olalaha  doorasha da uu bilaabay inuu u xagliyo dhinaca Kulmiye oo uu kolba madaxda Kulmiye soo dhawayn jiray markay  yim aadaan Birmingham isla xafladahaasna ku dhaleeceeyo xisbiga UDUB. Arintaasna waxay ahayd siyaasad  la gu wiiqayo xisbiga UDUB iyadoo wali la iska dhigayo in xisbigi laga mid yahay balse run ahaan laga baxay  xi sbigi. Malaa Mr. Ubaxle oo hadda noqday muxaafid Kulmiye ah wuxuu jeclaan lahaa in Horn Cable Tv ay no qoto mid amaanta xukuumadda Somaliland oo qarisa ceebaheeda una shaqaysa sidii State Tv fidisa propa ganda-da dawlada ay u shaqayso. Haddaba waxaan u shegayaa in Horn Cable iyo saxaafadda xorta ahi  a anay cidna uga gabanayn inay qariyaan wixi qalad ah ee ay xukuumadu ku kacdo, ama ha noqoto  wariyay aasha loo taxaabay xabsiyadda, ganacsatada la siiyay Kootada xadhkaha Cable-ka, maceeeshada qaali garawday iyo dhamaanba dhaliilaha kale ee ay xukuumada hadda talada haysaa leedahay.


Waxa kale oo uu Mr. Ubaxle yidhi Horn Cable waxay caado ka dhigatay inuu raadiyo qof meel iska fadhiya oo ay yidhaahdaan ku hadal magac beeleed oo halkan ka cay ama ka cambaaree cidaad doonto Haddaba waxaa nasiib darro ah in Mr. Ubaxle oo ah ninka eedaynta intaa leeg soo jeediyay uu sheegi karri waayay tusaale kaliya oo tilmaamaya arintaa uu ku eedaynayo Horn Cable Tv. Haddii ay dhab tahay wuxuu  sheeg ayaa waxay ahayd inuu cadeeyo

1. magaca qofkaa la soo fadhiisiiyay ee ku hadlayay magaca beeleed iyo

2. waxa uu ku hadlay qofkaasi ee ahayd cayda. Ma fiicna in la iska soo jeediyo eedayn ama Accusation aan lahayn sal iyo raad toona.


Ugu dambaynti waxaan odhan lahaa Mr. Ubaxle, Horn Cable Tv- oo looga bartay dhex-dhexaadnimo wuxuu shacabka Somaliland uga dhiganyahay sida TV-ga Al Jasiira. Haddii aad doonaysid Tv qariya ceebaha  xuku umadda, sida TV-ga dawlada Masar, oo ka been sheega xaaladaha dhabta ah, waxaad sugtaa ilaa inta TV-ga dawlada ee SLNTV uu ka soo gali doono hawada Europe. Inta ka horaysanna Mr. Ubaxlow waxaad ka dhi gantay nin magaala ka dudow, yaa ku og , ama siiga yarre.

LONG LIVE THE RIGHT TO FREEDOM OF EXPRESSION AND A FREE PRESS

 

 

 

 

 

Faisal Haji Noor Abdalla
Strasbourg, France
farhaan_111@hotmail.com