HIRDANKA IYO LOOLANKA SIYAADA YAANAY BULSHADU KU DHEX ASQOOBIN

 

Marka hore waxaan halkan ka salaamaya bahweynta reer somaliland meelkasta oo ay  joo gaanba iyo shabakada TNN, waxaan jecelahay inaan halkan kaga jawaabo qoraalo badan oo waajahnaa hadal kasoo yeedhay Badhaskaab gobolka Maroodi jeex oo uu qoray Cali  Cu mar Xasan 18Jan2010 oo kusoo qoray shabakada wararka ee TNN.


Xaqiiqdu sida ay tahay waxaad moodaa in bulsho wenytii reer somaliland ay ku dhex   asqo obeen hirdankii iyo loolankii siyaasadeed, aniga oo aan runtii soo dhawaynayn wixii qaldan ama meel kadhac ah ama gaf ah, ayaa hadana waxay siyaasiintu caadaysteen in ay  waxy aabo aan bulshada ka qaban ku dhawaaqaan. Hadii fikir qaldan la saxayana runtii ma   mud na in fikir kale oo qaldan lagu saxo waayo maah-maah qaaliaya ayaa waxay tidhaahdaa  Q ALAD LAGUMA SAXO QALAD, hadaba Cali Cumar Xasan oo aan u arkaayay inuu islahaa wax sax ayaa asagii qalad aad u weyn uu ku kacay hadalkaas oo ahaa mid uu kasoo xiganayay hadal uu hore u yidhi Mohamed Kahin, hadalkaas oo waa sida uu hadalka u dhigaye uu yidhi (QOLYAHA GALBEED WAA ISAAQA-DHEDIG).


Qoodhaa iyo xeradaa ma wax qof damiir lihi ku hadlaa, waxaana layaab leh in oo ceeb inagu ah in hadaladii makhaa-yadaha iyo baalash-layaashu ku hadlayeen aynu kusoo bandhigno shabkada wararka ee somaliland. Miyaanay kaf lagula kacay bulsho, kii ugu weynaa ahayn ayaadoo waliba magaca ISaaq ka dhex muuqdo in lagu tilmaamo 'Dhedig' kaftanka  waligee dba rag waa kaftami jiray oo kaftan aan turxaan lahayn ayaa lagu kaftami jiray laakiin  ma anta waxaa muuqata in dadka ayagu isleh wax saxa ay sii abuurayaan mushkilad ka weyn wixii loo baahnaa in la xaliyo. Anigu dee garan maayo ceeb ka dambaysa nin RAG ah oo  la gu misaalo DHEDIG (haween ama dumar) ayadoo waliba aanay ku waajahnayn shakhsi  bal se lagu tilmaamay bulsho dhan oo waliba sida hadalka loo dhigay la yidhi Galbeedka.


Guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay shakhsiyaada hadalada odhanaya iyo kuwa  qoray aaba waa inay ka fiirsadaan waxa ay leeyihiin hore ayaa loo yidhi HADAL INTUU AFKAAGA KUJIRO AYUU AMAANADAA YAHAY. Xumahana yaan loo garaabin wixii xun waa xunyahay cidii doontaaba hakasoo yeedhe, Nimanka siyaa siyiinta ahna waxaan leeyahay adeerow  b ulshadu waxay idin kaga dayato ha la idin ka arko.

 

 

 

X. Mahdi Ali
UK/London
xaajimahdi@hotmail.com