HEESTAN WAXA LA YIDHAA SALAAMA CALANKA

 

Heestan ayaa waxay jawaab u noqonaysaa heestii uu abwaan Maxamuud Cabdilaahi Singub u sameeyay Somaliland ee Saado Cali Qaatay.Ayadoo abwaano iiga horeeyay ka jawaabidee da sida abwaan Maxamuud Maxamed Mbraahim [farxaan] iyo Cabdiraxmaan Xxmed Shotaly bal ana aan u raaciyo.

HEESTAN FANAANKII RABA INUU QAADO AMA SAARO LAXAN WUXUU DABCAN IGALA SOO XI DHIIDHI KARAA EMAILKA dheen@live.co.uk


Qofkii tan laga hor qaato,  ha war warin waxa kaydka ku jira ilaa 50 heesood oo aan wali la qaadin,  oo jacayl iyo wadaniya,  waa hubaal inaan mid kaaga xuli doono.
 

BOGGA KOOWAAD

BOGGA LABAAD

Waa saatir mahadii
nolol sare dadkeenoo
lagu seexdo nabad wacan
loo simanyahay sharcigoo
sinaaniyo cadaalad
kala sooc lahaynoo
ruuxna laga sadbursanayn

haduu seeto ila rabo
nin saluugay wanaagay
soo giirtay caawaba
noogu heesay sandule
inuu soo rogaal celin
ana waan ku sugayaa
kula dhawri safarkee
soo soco wax ii sheeg  
sac inaad ka maasho

somaliland midawdoo
way israacday maantee 
shacabkayga sareeyoow
aan salaano calankee
gidgigiin u sara kaca
oo SALAAMA CALANKA
 

 



Samiriyo dulqaadkii
saf midaysan maandeeq
halyayadu surakacay
kifaaxwayn usoo galay
saakay irmaantoo
sadkeedii la dhamayaa
sabigaygii nolol helay

haduu dabino soo wado
ninka samaha diiday
soo wadhay sirtiisii
inuu saaka colaad rabo
saanadiyo hub soo wado
ana seexan maayoo
siyar laymadagayee
soo dhiiro maandhoow
silicbaad ka leefiyee

somaliland midawdoo
way israacday maantee
shacabkayga sareeyoow
aan salaano calankee
gidigiin u sara kaca
oo SALAAMA CALANKA

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London