waa ayaan culusoo
cisi sharaf mudanoo
calankeena cawaale
ciidiisi weeyaan
cariga somaliland
cawo lagu dabaaldago
******
ciideenu waa hodan
waa cari barwaaqo
waa cudud midahoo
loogu faano caalamka
casiis lagu mahadshaa
******
calankeenan midabada
casaanku waa kifaaxii
curadadu usara kacay
cagta mariyay cadawgii
caradeena xoreeyay
cagaarkuna waa barwaaqda
******
caadilkay na siiyay
caqli mida shacabkuna
camiray somaliland
cadaankuna waa nabad
cawo aan ku noolnahay
cisi sharaf dhaxdeena
******
caawaba ku hurudno
nina caad ka saarnayn
calaamadiisa gaarka ah
calanweeye tawxiidka
lagu sharfay casiiskeen[swt]
caro weeye islaam
******
xidigtuna waa caqli
caynadeedu gaar tahay
cabiray horseed
******
caasimadii hargaysa
ceerigaabo daawada
caynabo wacdaraha
damaashaadka cadaadlay
ceelafwayn dabaaldaga
curadadii rabaso
codka shacabka wadajiree
babinaaya calanka
ciidaaya maantaba
******
cirooliyo caruurba
caawaynu ciidnee
codkarnimo dhamaantiin
aan salaano calankee
caashaqa cawaale
cirka gacanta wada lula
calanyahow ha dheeliyin
cimrigaa ha raago
cadawkuma dhantaalo
codka maqashiiya caalamka
|