Hay’ada Interpeace Oo
Ayaan Darro Ku Tilmaan tay Agaasimaheedii
Somaliland Laga Caydhiyay
Nairobi(Longlivesomaliland News)–
Hay’ada Interpeace ee komishanka doo rashooyinka Somaliland ka
kaalmeyn jirtay dhinaca farsamada, oo wakii lke edii Robin
Zamora dalka laga mastaafuriyay 30-kii bishii July, ayaa maanta war-saxaafadeed
ay ka soo saareen magaalada Nairobi kaga hadlay eriga wakiilkoodii
waxaanay ku sheegeen in ay si toos ah u joojiyeen hawl kasta oo ku
saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland.
War-murtiyeed ay hay’adu maanta ka soo saartay Magaalada Nairobi
wax ay ku sheegtay in ay u heelan tahay inay dib u ambo qaado,
gedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland haddii ay dhinacyada ay
khusaysaa dhama ystiraan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho
lagu kalsoonaan karo.
Warka Interpeace wuxuu u qornaa sidan:-
“Hay’ada Interpeace aad ayay uga xun tahay go’aankii wasaarada
Arrimaha Gudaha Somaliland iyadoo meel marinaysa codsi ay ka heshay
Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka ay 30-kii Bishan ku
mastaafurisay Agaasimaha Interpeace ee Barnaamijka dimuqraadiyada
Soomaalida Md. Robin Zamora, oo ah qareen arrimaha dastuurka ah oo
dunida aad looga yaqaan wuxuu tan iyo sanadkii 2004-tii uu gacan
siinayay Guddida doorashada iyo guud ahaanba gedi socodka
dimuqraadiyada Somaliland.
Interpeace waxay go’aankaasi u aragtaa mid ayaan darro ah, maadaama
uu Agaasimuhu fulinayay go’aan ay hore dhinacyadu u wada gaadheen
kaasi oo ahaa in liiska codbixiyeyaasha ansaxa ah, oo dhan 1.4
Milyan oo ah tiradii la faafiyay 27-kii July 2009 la siiyo guddida
doorashada, xisbiyada iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Dhacdadaasi awgeed, Haayada Interpeace dhammaan hawl-wadeenadeedii
aan Soomaalida u dhalan way ka saartay Somaliland waanay hakinaysaa
hawl kasta oo si toos ah ula xidhiidha doorashada madaxtooyada.
Hay’ada Interpeace, dhinaceeda way dhawri doontaa balanqaadkeedii
ahaa inay dadweynaha Somaliland u soo saarto kaadhadhka aqoonsiga
iyo kuwa cod-bixinta muwaadiniintii si sugan isku diiwaan geliyay
wakhtigii korodhsiimada.
Hay’ada Interpeace, qadarin ayay u haysaa iskaashigii mudada dheer
soo socday ee dhex maray iyada iyo Dadweynaha Somaliland, waxaanay u
heelan tahay inay dib u ambo qaado taageeradii gedi socodka
dimuqraadiyada Somalialnd markay dhinacyada ay khusayso ay taabo
geliyaan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho lagu kasloonaan karo.”
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland
|