Masuuliyiinta sare ee Hay'adda samo falka ee Tog-wjaale Found ation & Wasiiro ka socda Xukuumada ,oo si wada jira u dhagax dhigay Cusbitaalka laga hir galinayo magaalada Tog-wajaale

 

 

Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), oo iyadu talada & fikirka Cusbitaalkaba lahay d,ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba .......


Tog-wajaale,31 July,2013 (TNN):-Masuuliyiinta sare ee Hay'adda samo falka ee Tog-wajaale Foundati on (TWF),Dr. Xuseen Muxumed Nuur & Jibriil Cali Caqli,oo ka yimid Dalka Ingiriiska iyo  Wasiiro ka socd a xukummad a Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa si wada jira  u dhagax dhigay cusbitaal weyn oo laga hir galinayo magaalada Tog-wajaale.

Masuuliyiinta Hay'adda samo falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) ,Dr. Xuseen Muxumed Nuur & Jib riil Cali Caqli , ayaa Xukuumadda uga mahad celiyey  gacanta ay ka siinayso sidii ay Hay'addu u hir ge lin lahayd  Cusbitaal weyn , oo daboola baahida caafimaad ee bulshadu u baahan tahay.lagana dhiso magaalada Tog-wajaale.

Masuuliyiinta xukuumada waxaa ka mid ahaa, Wasiirka caafimaadka, Dr . Saleebaan Ciise (Xaglo- toos iye) , Wasiirada Maaliyada,Cabdicasiiscasiis samaale, Wasiirka Waxbarada ,Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Warshadaha ,Abiib diiriye nuur, Xildhibaano , Maamulka Gobolka Gabiley , Mamulka Degmada Tog-wajaale.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr . Saleebaan Ciise (Xaglo- toosye) oo halkaasi ka hadley waxaan a hadaladiisii ka mid ahaa,waxaa manta ii farxad ah inaan socdaal  ku imaado Gobolka Gabiley, anigu wixii karaan kagya ah si fiican oo hawl karnimo leh ayaan u gudanayaa, anigu waxaan ahay inan reer Wajaale ah ,waxaan dugsiyagii hoose iyo dhexba ku qaatey degmada Wajaale.

Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), oo iyadu talada & fikirka Cusbitaalkaba lahay d,ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba dadaal badan ka sameysay,sidii magaalada Tog-wajaale u yeel an lahayd adeeg caafimaad oo ku filan,waxaanay ka diiwaan gashan tahay  Dalalka SomalilandIngi riiska, laamo (wakiilo) badanna waxa ay ku leedahay daafaha dunida.


 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Tog-wajaale, Somaliland