Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation, oo shir ku qabatay magaalada London ee Carriga Ingiriiska
 





London, 11 March,2012 (TNN)-Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), oo shir wada tashi iyo is xog wareysi  isugu jira , ku qabatay magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

Madashaasi waxaa aad loogu jeex jeexay ,laguna lafo guray , sidii looga wada shaqayn lahaa ho rumarka degaanka iyo isku xidhnaanta dadka degaanka ka soo jeeda ee Dalka gudihiisa iyo dib adiisaba ku sugan...Shirkan oo ka dhacay magaalada London ee Dalka Ingiriiska,ayaa waxaa mad ashaa ka hadlay Dr. Xuseen Muxumed Nuur ,sheegayna inuu aad ugu faraxsan yahay,soona dha weynayo Hay'ada Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF).

Dr. Xuseen ,ayaa ka dib war bixin qoto dheer halkaa ka soo jeediyey, kana warramay  baahida d egaanka ka jirta , xidhiidhka ay la sameeyeen aqoon yahanka & Dhakhaatiirta degaanka ee Dalk ii ku sugan iyo sidii gudaha iyo dibadaba la iskugu xidhnaan lahaa,layskagana kaashan lahaa hor umarka iyo wax ka qabashada danta guud. Dr. Xuseen ,waxa a kale oo uu shaaciy ey inay sida ugu dhakhsaha badan ay daraasad ugu sameyn doonaan Mashaariicda baahida badan loo qabo, ka dibnna qorshe cilmiyeysan u sameyn doonaan.

Waxaa isnna madashaasi si qoto dheer uga hadlay , aqoon yahan Jibriil Cali Caqli,kuna dheeraad ay siday lama huraan u tahay in dhinac looga soo wada jeesto horumarka iyo dhismaha degaan ka,waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay cid kale hawshan wax ka qabashadeedu sugayn , waaj ibna ku tahay shaqsi kasta oo degaanka ka soo jeeda ,dibad iyo gudaba, una sara kacaan,una g untadaan ka qayb galka  horumark degaanka.


Sheekh Xasan Muse Cali
, oo isnna hadallo dar daaran iyo diini ah madasha ka soo jeediyey, ayaa aad ugu dheeraaday xasanaadka ku jira in ummaddu kheyrka u midoobaan,danta guud ka wada shaqeeyaan, iftiimiyeyna faaiidooyinka bulshada ugu jira inay waxa wada qabsadaan,oo ay ka mid yihiin buu yidhi  ,umadda oo walaaloowda,is gar gaarsata,talo wadaagta ,wax wada qabsata iyo Allaha awoodda leh oo nimcooyinkiisa u fura , markay quluubtoodu midysan tahay.



Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),ayaa dhammaan dadka degaanka ee gud aha iyo dibaduba ,ay  aad u soo dhaweeyeen , kana shaqeyn doonta horumarka iyo wax ka qaba shada danta guud  ee dadka degaanku u baahan yihiin.

 


Timacade News Desk
London, UK