WARSAXAAFADEED

 

 

 

Ku: Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland

Cc: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland




Taariikh:24 February 2012

Qoraal #:TWF-224022012





Ujeeddo : Hambalyo & mahad celin ku socota Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland



Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation ,waxay hambalyo & mahad celin u diraysaa Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland,mudane,Eng. Xuseen Cabdi Ducaale,sida sharafta iyo qadarinta leh ,ee uu uga soo jawaabay warsaxaafadeedka, Taariikh:18 February 2012 ,Qora al #: TWF-118022012 , ee aanu ka soo saarnay Biyo la'aanta baahsan ee ka jirta xarunta Gan acsiga Somaliland ee magaalada Tog-wajaale.


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland,mudane,Eng. Xuseen Cabdi Ducaale,waxaa uu maalin tii Khamiista,23 February 2012, kormeer shaqo ku tagay magaalada Tog-wajaale, si uu ugu ku ur galo biyo la'aanta ka jirta degaanka, waxaanu kala hadlay bulshada  , qorshaha Biyo gelint a  ee uu sannadkan gudihiisa  rajaynayo inay hir geliso Xukuumadda uu ka tirsan yahay ,ee uu hoggaminayo  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Mar labaad , Hambalyo & mahad celin ayaan u diraynaa, Wasiirka Macdanta & Biyaha Somalila nd,mudane , Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.




 




Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation


Guddoomiye , Eng.Maxamed Cali Muse

TogwajaaleFoundation@Gmail.com