Hay’adda ODHA Oo Abaal Marino Guddoonsiisay Hablihii Kaa lmaha Hore Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Iyo Jaamacada ADMAS.



 

Hargeysa (TNN)-Hay’adda Wadaniga ah ee ODHA ayaa Abaal marino guddoonsiisay labadii Hab lood ee kaalmaha Koowaad ka galay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalada Sideedaad ee Du gsiyada Dhexe iyo Fasalada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo Gabadhii Kaalinta Koowaad u gashay Ardeydii ka qalin jabisay maalintii Arbacadii Jaamacada ADMAS.

Xafladan oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalaga Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ilays Sh. C/raxmaan Aw Axmed oo ay ka soo baxday Gabadhii Dug siyada Sare ee Dalka Kaalinta Koowaad u gashay, Maamulaha Dugsiga Sh. Muxumed Warsame Axmed Maxamed Shirwac oo ay ka baxday isna Gabadhii kaalinta Koowaad u gashay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada Sideedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo Masuuliyiin ka socotay Jaama cada ADMAS oo iyada ay kaalinta Koowaad sanadkan u gashay Gabadh.

Xafladan oo uu ugu horeyn ka hadlay Xasan Waraabe Cade oo ka mid ah Qurbo Jooga Somalil and ayaa hambalyo u diray Hablahan ku guulaystay kaalmaha hore ee Waxbarashadii ay ka qalin jabiyeen, waxaanu xasay in loo baahan yahay in ay Dedaalka halkaa ka sii wadaan, waxaana hadaladii Xasan Waraabe Cade ka mid ahaa “Wax maanta wax aad loogu farxo ah in aynu aragno hablihii oo noqday kuwii ugu horeeyey ee kaalmaha hore galay”.

Guddoomiyaha Somaliland Forum Maxamed Dube oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey sidii Taariikhda barigii hore Somalidu u aaminsanayd in aanay gabdhuhu waxba baran karin in sida ay maanta u muuqato in ay noqdeen kuwii kaalmaha u horeeyey galay, isaga oo hambalyeeyey Hablahan kaalmaha hore galay.

Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Sh. Muxumed Warsame Amxed Muxumed Shirwac oo ku yaala Magaalada Gabiley, isla markaana ah Dugsigii ay ka baxday Gabadhii Fasalada Sideedaad Kaalmaha hore ka gashay oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Hay’adda ODHA oo iyadu Abaal marino ugu talo gashay Hablihii kaalmaha hore ka galay Waxbarashada kala duwan ee Dalka.

Maamulaha Dugsiga Sare ee ILAYS Sh. C/raxmaan Aw Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Qiimaha ay leedahay Waxbarashadu iyo sida ay Diinteenu u dhiirigelinayso in wax la barto Hablo iyo Inamaba, waxaanu sheegay in Diinteenu Islaamku dhiiri gelinayso in wax la barto oo lagu dedaalo.

C /raxmaan Suldaan Saxardiid oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada ADMAS oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu sheegay in ay Jaamacadooda inta u badan ay dumarka kaalmaha hore ka galaan waxbarashada, waxaanu xusay in ay taasi u tahay guul weyn oo u soo hoyatay, iyada oo Dufcadihii hore ee ka qalin jabiyey Jaamacadaasina ay kaalmaha hore u galeen Dumar.

Guddoomiyaha Hay’adda Wadaniga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa hambalyo balaadhan u soo jeedisay Dumarkii kaalmaha koowaad ka galay Imtixaaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe iyo Gabadhii Kaalinta Koowaad u gashay Jaamacada ADMAS, waxaanay Marwo Faadumo Siciid sidoo kale Habalyo u soo jeedisay Waaladiintii la soo dedaalay ee halkan soo gaadhsiiyey Hablahan.

Guddoomiyaha Hay’adda ODHA Marwo Faadumo Siciid ayaa Waxa ay Gabadhii kaalinta Koowaad u gashay Dugsiyada Dhexe Sahra Aw Ciise Jaamac Qaalib oo ka baxday Dugsiga Dhexe ee Sh. Muxumed Warsame Guddoonsiisay Buugaagtii iyo Qalimaantii ay ku dhigan lahayd Dugsiga Sare, kuwaas oo ka koobnaa kuwa wax lagu qoro iyo kuwo daabacan oo wax lagu dhigto.

Gabadhii ka baxday Dugsiga Sare ee ILAYS Nasra Jaamac C/laahi Bulxan iyo Gabadhii Jaamacada ADMAS Kaalinta Koowaad u gashay Nasra Xasan Ibraahim oo ay guddoonsiisay min Hal Kombuyutar oo ah nooca loo yaqaano Laptobka,sidoo kalle waxaa nasra loobalan qaadey iney ODHA kula shaqeyso Intership Ahaan. waxaa kalle oo ODHA ay ardeyada kabaxdey dugsiga dhexe iyo ardeyada kabaxdey dugsiga sare ubalan qaadey in mid walba halkasano ee ugu horeeya dugsiga sare iyo jaamacada ay kabixin doonto.sidoo kale waxa ay Hay’adan wadaniga ah Guddoonsiisay Hadyado Waalidkii Hablahan dhalay.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland