Haya'da Wadaniga ah Ee SOYDA oo 50 Ardey oo kasoo Qalli njabiyey Jaamacadaha Dalka Gudihiisa Iyo Dibdiisa Ugu De eqday Tababar Kor Loogu qaaday Xirfadooda Shaqo

 

 

Hargeysa (TNN)-Hay’adda Wadaniga ah ee Soyda Ayaa maanta u furtay Mashruuc Socon Doona a Saddex Bilood oo lagu tababarayo kor u qaadida xirfaddooda shaqo 50 arday oo jaamacaddaha dalka iyo dibaddaba ka soo qalin jabiyey ka furtay Hotel Emperial ee Magaaladda Hargeysa.

Mashruucan oo ay ka maalgelisay Hay'adda Terri Solidali, ayaa waxa furitaankiisii ka qayb Galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda, Agaasimaha Guud ee Was aaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Masuuliyiin ka kala socday Shirkaddaha Telesom, Dahabsh iil,ODHA, Agaasimaha Dalladda Dhalinyarada ee SONYO, Hay’adda Terri Solidali, Masuuliyiin ka soc otey Jaaamcadaha Hargeys Iyo Admas iyo ardayda Jaamacaddaha ka soo qalin jabisay ee iyaga loo furi doono aqoon is weydaarsigan

.Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha Hay'ada Soydo Fu’aad Xasan Cabdilaahi, ayaa waxa uu kaga waramay doorka ay SOYDA kaga jirto horumarinta dalka iyo waliba wax la qabashadda dhalinyarada reer Somaliland.

Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyay hay
Ā’adda Terri oo uu sheegay in ay mashruucan maal gelintiisa qayb libaax leh ka qaadatay, waxaa na hadaladiisii ka mid ahaa "Marka hore waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaanba marti sharaf ta kala duwan ee ka soo qayb gashay xafladdan lagu furayo mashruuca aqoontooda sare loogu sii qaadayo ardaydii ka qalin jabisay jaamacaddaha dalka iyo waliba dibadda, kaas oo ay maal gel intiisa si weyn nooga caawisay Terri SolidaliĀ" ayuu yidhi

Waxa kale oo uu u soo jeediyay dhamaanba ardayda iyagu nasiibka u helay in ay tababarkan qaa taan in ay ku dedaalaan siddii ay wakhtigooda inta ugu badan siiyaan sidii ay tababarkaas uga faa'iidaysan lahaayeen.


"Waxa aan u soo jeedin lahaa ardaydan ka qalin jabisay jaamacaddaha dalka oo iyagu cilmigii leh, balse ay ka dhiman tahay uun xirfadihii in mudada ay ku jiraan tababarkan ay nafta dul dhigaan siddii ay wax u korodhsan lahaayeenĀ" ayuu yidhi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Mr. Baashe Yuu suf oo isna halkaas ka hadlay ayaa Ururka SOYDA ku hambalyeeyay dedaalka ay ka muujiyeen si dii ay dhalinyaradda wax ugu qaban lahaayeen.Ā‘Marka hore aan u hambalyeeyo ururka SOYDA oo iyagu xil wayn iska saaraya, sidii ay dhalinyarada wax badan ugu qaban lahaayeen.

Runtii in dhaliinyaradeena oo maalinba maalinta ka dambaysa ka soo baxaysa jaamacaddaha dal ka, waxa loo baahan yahay in la jiheeyo, waxaanan maalmihii ugu dambeeysay soo yeedhaysay qaylo ah in dhalinyaradeenu markii dalka laga saaray ajaanibkii kale aanay qabanayn shaqooyin ka, waxa aan soo jeedin lahaa in ay ku dedaalaan sidii shaqooyinka hoose u qaban lahaayeen, wa ayo taas ayaa lagu gaadhayaa shaqadda kale ee aad raadsanayso Ā" ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Muuse Aadan Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uru rkan ku hambalyeeyay fekerkan cusub ee ay keeneen, waxaanu tilmaamay in ay ka faa Ā’iidays an doonaan arday badan.

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha qorshaha ugu jira isaga oo balan qaaday in ay soo saari doonaan arday dhinac walba ka dhisan "Runtii fekerkan waa mid u baahan in lagu dhiiri geliyo cid ii iska lahayd, waxaanan qabaa in ay ka faaĀ’iidaysan doonaan arday badan"

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan sidii ay wadaninimadu u noqon lahayd mid ku xoo g badan ardayda maalinba maalinta ka dambaysa ka soo qalin jabinaysa Jaamacaddaha dalka
Ā"Anagu hadii aanu nahay Maamulka jaamacadda ardayda tiradda badan ee aanu soo saarno waxa aanu barnaa marka ugu horeysaba wadaninimadda, waayo qofku in uu dalkiisa iyo dadkiisa ba jeclaadaa waa mid meesha taalaĀ" ayuu yidhi.

Masuuliyiin ka socotay Shirkaddaha, Telesom Dahabshiil iyo waliba Hay'ada Ā’adda Terri oo iyagu na halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay la dhacsan yihiin qaabka loo soo xulay ardaydan, wax aanay balan qaadeen in ay taageero la babar taagan yihiin.

Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay dhalinyaradda reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku sugan looga baahan yahay I ay dedaal la yimaadaan si ay u dhaa faan qayrkood, waxaanay tidhi iyada oo arimahaasi ka hadaysa  "Waxa aan dhalinyaradda reer Somaliland kula dardaarmayaa in ay dalkooda aamiinaan, maalinbaa waxa dhacday waxa igu ag sheekaysanayay wiil ka yimid qurbaha iyo gabadh aan dalka dhinacnaba uga bixin, dabadeedna gabadhii baa ku tidhi wealaalo maxaad ka shaqaysaa, wiilkii ayaa soo booday oo yidhi waxa fooq dheer ayaan furayaashiisa hayaa oo ilaa aan ka furo qofna ma soo galo, waa run oo furaha isaga ayaa haya, laakiin waa waashmaan oo isaga ayaa ilaaliya, markaa waxa aan leeyahay qof waliba halka uu is dhigo ayuun buu oolayaa markaa dalkeena ha la aamino ayaan idin odhan lahaaĀ" ay ay tidhi Marwo Faadumo Saciid.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Mustafe Maxamuud Qodax oo is na oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ka wasaarad ahaan soo dhaweynayaan in shaqooy in loo abuuro dhamaanba ardayda reer Somaliland


"Waan soo dhaweynaynaa in dhalinyaradda dalkeena shaqooyin loo abuuro, laakiin waxa aad m oodaa in ay meel sare uun dhalinyaradeenii doonayso waayo wasaaradda dhalinyarada iyo ciya araha ee aan joogo weli maan arag qof dhalinyaro ah oo codsi u soo qortay, markaa waxa aan xaqiiqsaday in dhalinyaradeena jaamacadaha ka soo baxaysaa aanay diyaar u ahayn in ay wasa aradaha dawladda shaqooyin ka qabtaan, markaa waxa aan u soo jeedin lahaa in ay shaqooyinka sarsare uun raadsan ee ay meelo hoose horta ka bilaabaan" ayuu yidhi.
 


Axmed Maxamed Shaqale
Shaqalle02@gmail.com