Doorkii
Salaadiintu ka Qaateen Xalinta Khilaafka w
axaa Xusid Mudan Doorkii weynaa ee
u ka qaatay Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan
Waxa
toddobaadyadii ina dhaafay uu qof kastaa si weyn u
dareemay khilkaafkii siyaas ad eed ee ka dhex
taagnaa saddexda xisbi qaran ee Somaliland, khilaafkaasi
siyaasade ed oo qoqdobkiisa ugu weyn ku saabsanaa
murankii diwaangelintii Dalka ka dhacday.
Iyadoo axsaabtu isku khilaafsan yihiin arrintaasia yaa
waxa xigtay in golaha wakiilada ee Somaliland ay soo
bandhigeen laba mooshin oo buuqii iyo gacan kahadalkii
keentay aan ci dna loo sheegayn oo aynu ka wada
dheregsanahay. Haddaba khilaafkaasi isbi irsaday
ee axsaabta qaranka ka dhex aloosnaa waxa dadkii
xalintooda si weyn uga ha wlgalay ka mid ahaa
salaadiinta Somaliland kuwaasi oo xalkii ay keeneen isku
soo jiiday dhinacyadii khilaa fku ka dhex taagnaa.
Salaadiintaasi oo ay kamid ahaayeen
Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan
iyo Suldaan Maxamed Suldaan
C/qadir waxay si weyn uga shaqeeyeen inay si
waadix ah ku xaliya an khil aafkii sii
jiitamayay maalinba maalinta ka danbaysa. Waxaana taasi
kaaga mark haati kaca ya hadalkii
guddoomiyaha xisbiga UCID
Faysal Cali Warabe ka
jeediyay war baahinta
uu kuna sheegay in Suldaan
Ismaaciil Suldaan C/raxmaan inuu
habeenimadii ilaa 3-dii
habeenimo uu ka hawlgayay siddii uu iskugu
soo jiidi lahaa dhinacyadii
isku kh ilaafsanaa siyaasada.
Sidaasi daraadeed waxaynu odhan karnaa
Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan
oo ha dda wakhtigii Suldaanimada loo
caleema saaray laga
joogo
8 bilood, waxa uu
muujiyay talaabo fiican oo dhinac
kasta iyo shacbiga Somalilandba wada qancisay laguna
farxay.
Waxaa sidookale xusid mudan Suldaanku kaalinta uu ka
galay Golaha Guurtida ee
Som aliland, waxaana aynu odhan karaa waxa uu muujiyay
sidii lagu bartay Aabihii
Eebe na xariistii janno ha ka waraabiyee
Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa
Shantii
Oday ee sida weyn
uga shaqeeyay Nabadda aynu
maanta
hadhsanayno
Qof kastaa wuu dareesan yahay markii ay golaha guurtida
ee Somaliland ay go’aankoo dii ku dhawaaqeen
dadweynihii taagnaa suuqyada iyo askartii amnigu waxa
mid walba gacan qaaday ciidamadii iyadoo maalintaasi
aanay rabshad iyo buuq midna aanay dhic in.
|