Hambalyo Hambalyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Tog-wajaale


 



 

Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhammaan shacabka karaamada,sharfta iyo qadarinta mud an ee Somaliland,meel walbba oo ay joogaanbba.waxaanan Allaha weyn innoga baryayaa inuu  in naga yeelo kuwo xaqa u hiiliya, dulmigana ka fogaada.

Bal aan u soo noqdo,si koobanna aan qalinka ugu duugo dulucda qoraalkaygan.War dhagaha iyo qalbigaba culay ayaa ka yimid goobtii ilaahay igu dhaliyey ee magaalada Tog-wajaale.

Bulshada degaanku waxay ku tashadeen inay taariikhda qormaysaa kaalin dahab ah ka  galaan, d hallaan iyo waayeel,caruur iyo ciroole ,gabdho iyo wiilal, haween iyo ruug caddaaba,waxay  taage ero hagar la'aan ah u muujiyeen xisbiga KULMIYE,isla markaana ka tashadeen maamulka Riyaale ee masuuliyadii ummaddu u igmatay la anbaday,dhaartiina baal maray.


Ma aha marki ugu horreysay ee ay bulshadani xaqeeda u istaagto, dulmigana gaashaanka u daru urto.Sida taariikhda Somaliland ee ma guuraanka ahi iftiiminayso,waxay bulshadani hormood ka ahaayeen Jabhaddii Afraad ee SNM horteed dulmigii Siyaad Barre tidhi ,"Geeri baan ka xignaa Gun nimo," qorigana kala hor timid.


Akhristaw, xaaladda ay UDUB ku sugan tahay maanta, waxaa dibadda soo dhigaysa heestii khadra Daahir ee ahayd:Qalbi gudhan miyaa qosol lagu godlaa,ee bal qadar igula naso.

 

 

Bishu galab ay tahay
Saddex tirada guud
Gogoshu fadhiyay
Ruuxii ka guday
Way soo gabtaa

Garkan iyo garkaa
Midna gaadhi waa
Sow muu garan
Laba guri dhexdood
Gabal ugu dam yidhi
Maan gorfaynin waa

Anigana gaddaa
Ma gufaysantahay
Gal dalooladaan
Go'a saar lahaa
Gacalkiyo bulshadu
Sow iguma garan

Sida gebi cidla ah
Gaysaye miyaan
Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi

Kaa gaabsadee
Niyad kaa go'diyo

Qalbi gudhan miyaa
Qosol lagu godlaa

*******

Gooran sheedaha korey
Geedaha ku yaal
Wuxuu goosta uu
Gaam gaambiyaba

Sow inuu gadaal
Dhul nagaadiyo
Durdur labada garab
Gees inuu u dhaco
Ma gorfaynin waa

Anna goortii aan
Giringriisayeen
Dhawrkii gamoon tiriyay

Gaddi hay is garab socden
Inaad laba gar daaq
Laabta u gabiday
Waan kugu gartee

Gar ma qaadatide
Gododlow miyaan
Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi


Gadhka iyo maxaad
Ii qaban gondaha

Qalbi gudhan miyaa
Qosol lagu godlaa

.......................

 


Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan, Hambalyo Hambalyo, dhammaan taageerayaasha Xisb iga Kulmiye ee magaalada Tog-Wajaale , halkaad iga xigtaanna waan ku diirsadaye, Allaha weyni guusha ha innagu simo,Aamiin Aamiin.


 

 

 

 

 

 

Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birmingham UK