HAMBALYO:
MAAREEYAHA CUSUB EE WAKAALADA BIYAHA HARGEYSA. MUDANE:
IBRAAHIM SIYAAD YOONIS.
Dahir Abdi
Ahmed
Waxaan
marka hore halkan salaamaya madaxda iyo shaqalaha
websitka Timacade News, oo
qayb laxaad leh ka qaata ka haqab tirida wararka
muwaadiniinta Jamhuuriyadda Som aliland gudaha iyo
debebadaba, gaar ahaana qurba joogta aan wax badan kala
socon xaa lada wadanka waad mahadsantihin ilahay
ha idinka Jasaa’i siiyo, aamiin…..
Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis hadaba waa kumaa waa nin
caynkee ah?.
Anigu shakhsi ahaan intaanka ka ogahay maareeyaha cusub
oo aanu isku wakhti wada bil ownay (2005tii), isku
wakhtina wada dhamaynay Degreegii jaamacadda Hargeysa
(2009), waa nin degan, oo dulqaad badan, oo horumarka
jecel, dhalinyar ah ,dhalinyarada aad u j ecel inuu wax
la qabto, dhalinyarada dhiirgaliya had iyo goor,
aqoonyahan ah, oo tusaale ahaan waxa uu qayb wayn ku
lahaa buuga cusub ee diiwaanka ardayda sanad walba ka q
alinjabisa Jaamacada Hargeisa, taasi oo aanu aad ugu
xasuusan doonto isagoo Ibraahim ahaa ninkii qaybta ugu
balaadhan ka qaadatay sidii uu qof walba oo qalin
jabinaya u heli l ahaa Sawirkiisa, si uu buugaas ugu
daro.
Buugaa diiwaanku
faa’iidooyinka uu keenay waxa kamid ah tusaale ahaan
marka ardaygu dhamaysto Degreega ee u baahdo Masters way
ku adkaan jirtay in jaamacadaha debedu aqbalaan
shahaadadiisa, laakiin markii aanu nimid Uganda,
jaamacadaha Uganda, Somalila nd iyo Somalia aad u may
kala aqoon, oo ardayda Somalia inta badan waxay sitaan
shaha adooyinkii hore ee Somalia ee fojarka haa, laakiin
imika aad bay u kala barteen in aan jaa macadeheena gaar
ahaan Jaamacada Hargeisa,
ardayda ka soo baxdaa aanay sidan Shah aadooyin foojari
ah, waa’yo waxay si fudud uga baadhaan ardayga
sawirkiisa buugaas di iwaanka jaamacada Hargeisa oo
ardaykastaa koobi ka haysto, jaamacadaha Uganda gaar
ahaan jaamacada Kampala
International University waxayba naga dalbatay
markaanu bu ugaas tusnay in lala xidhiidhsiiyo Jaamacada
Hargeisa si ay uga hesho koobi buugaas ah sanad walba,
dabadeedna ardayda ay si fudud ay u aqbalaan taas oo
aanu wadno, ahna ta Ibraahim
Siyaad Yoonis Hirgaliyay.
Ibraahim waa nin aanay ku jirin isla waynan oo dad ka
ula dhaqma si isku wada mid ah yar iyo weyn ba, had iyo
jeerna hogaamiye ahaa meel kasta oo uu joogo.
Waxaan anigu aminsanahay hadii lala shaqeeyo mudane
Ibraahim Siyaad in uu wax wayn ka qaban karo baahida
biyaha ee caasimada Hargeisa. Waxaan dadweynaha ku nool
Caasi mada usoo jeedin lahaa inay tageero buuxda siiyaan
Ibraahim oo ah nin xilkan iyo mid ka weyn ba u qalma,
waxaanan leeyahay maareeyihii hore
Mud. Khaliif iyo agaasimaha mada xtooyada Mud. Xarbi, Maaha Ibraahim
sida aad moodeen waana la arki doonaa waxqabad
kiisa, waxa kale oo aan hambalyo
u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ahmed
Mohamed Mohamoud (Silanyo), magacaabista uu
magacaabay dhalinyarta cusub ee uu ka mid yahay Ibraahim Siyaad yoonis,
waxaanan leeyahay waad ku mahadsantahay madaxweyne xilal
kalena waanu kaa sugaynaa haddii aanu dhalinyartii nahay.
Ugu dambayntii Waxaan Ilaahay uga baryaya Maareeyaha
cusub ee wakaalada biyaha in uu ilahay u fududeyo xilkan
cusub ee loo magacabay.
Aamin.
Dahir Abdi Ahmed
Kampala, Uganda
Pursuing , Masters in Development Students,
Kampala International University.
|
|