Muwaadin reer Somaliland oo Gaadhi ku soo maray 18 dal oo aduunka ayaa Maanta soo Gaadhay Magaalada Gabiley
 

             

Gabiley (Longlivesomaliland) Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo ah muwa adin reer Somaliland oo u ololeeya Ictiraaf raadinta Somaliland oo Socdaal ku soo mar ay 18 dal oo ay 4 ka mid ahi yihiin Afircan inta kale yurub ayaa Maanta soo gaadh ay Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley.

Muwaadinkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Gobolka Gabiley ayaa  wa xaa uu warbixin khaas siiyay Labada shabakadood ee Gabiley News & Longlivesomaliland.

Makhtal waxaa uu ku dhashay Magaalada Hargeisa waxaa uu socdaalkiisa kasoo bilaabay dalka ingiriiska oo uu dagan yahay isaga oo soo maray 18 wadan oo  adu unka oo ay ka mid ahaayeen afar dal oo Afican ah oo ay kala ah Masar, Jabuti, Ethopia, suudaan, waxaanu sharaxaad ka bixiyay sida uu ugu faraxsanyahay  soc daalkiisan Somaliland isaga oo wata Gaadhi aad uqurx badan oo ay ku  sharax yihiin Calanka Somaliland iyo Map-ka Somaliland , Gaadhigasi oo leh taariko ingiriis ah.

Makhtal waxaa si aad u qoto dheer uga waramay waxyaabaha ku kalifay inuu sam eeyo socdaalkan oo ay ugu horayso ictiraaf raadinta Somaliland oo uu sheegay in loo baahan yahay in qofkastaa halka uu joogo ka raadiyo kana dhaadhiciyo dunida in Somaliland tahay dawlad jirta, waxaana uu sheegay in taariikho been ah laga sheego Somaliland iyada oo aanay Jirin Cid beeninaysa si, uu umada ugu soo  band higo waxa dhabta ah ee ka jira Somaliland.


Makhtal isaga oo tixdan kooban ku Cabiraya Dareernkiisa iyo waxyaabaha ku kalifay socdaalkaan ictiraaf raadinta Somaliland, waxaa uu yidhi:-

Taariikhta beenta ahee
Buugaagta lagu qoray ee
Shifiil lagaga baaqaa
Inaan beeneeyo keentoo
Bixitaanka dhalisoo
Baabuur fuulka keentee



Maxamed Muuse Yuusuf waxaa uu sheegay in Qadiyada Somaliland u huray naftiisa isaga oo ay qiiro wadaninimo ka muuqatay dareenkiisana ilmo ku muujinayay ayaa waxaa uu ka waramay inuu socdaalkiisan kaga yimi Maanta Dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo uu umahad naqay Madaxwayne ismaaciil Cumar geele iyo Ciidanka Nabad Galyada iyo Sirdoonkoodaba Jabuuti waxaana uu Xusay in aanu wax dhib ah kala kulmin, maalin kaliyana la joojin Gaadhigiisa,.

Makhtal mar uu ka hadlayay Halka uu ku sugnaa Xuskii Sanad Guuradii 18 ee ka soo wareegtay Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May ayaa waxaa uu sheegay inuu ku sugnaa Magaalada Jabuuti oo aad uga Xumaaday inaan laga xusin 18 may , waxaana uu sheegay inay dadku danaynayeen inay xusaan laakiin aan loo ogolayn xuskaasi.

Mr.Makhtal waxaa kale oo uu aad ugu mahad naqay Badhasaabka iyo Boliska Gobolka Salal ee Magaalada Saylac oo uu xusay inay ku soo dhaweeyeen jawi farxad leh.

Isaga oo uga sii gudbay Gobolka Awdal Magaalo Madaxdiisa Borama oo uu sheeg ay inuu kala kulmay dhibaato aanu ka filaynin oo uu is yidhi halkaa ma ka noqotaa, isaga oo ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo waxyaabaha uu kala kulmay Maamulka Gobolka awdal waxaana uu yidhi Ma jecli inaan Faahin ka bixiyo wixii aan kala kulmay Borama Masuuliyad Daradaa waxaa qaadaya Masuuliyiinta Gobolka Awdal

Maxamed Muuse Yuusuf waxaa uu uga soo Gudbay Gobolka Gabiley oo ay ku qaabileen Badhasaabka iyo Mayarka Degmada Gabiley iyo Maamulaha Dugsiga Sh.muxumed Warsame iyo Arday tiro badan oo ku soo dhaweeyay halkaasi.

Mar uu Mudane Makhtal ka waramayay wadankii ugu dhibka Badnaa ee uu soo Maray intii uu ku gudo jiray Socdaal-ka Ictiraaf Raadinta oo mudo Shan bilood ah waday ayaa waxaa sheegay in Wadanka Ethopia uu ugu Darnaa wadamadii uu socdaalka Gaadhiga ah ku marayay waxaanu yidhi

“wadankii iigu darnaa wuxuu ahaa Ethopia oo sifiican aan usoo galay laakiin markii aan imid jabuuti aniga oo doonaya inaan ka soo galo dhinaca Diridhaba oo  dabad eed wajaale halkaas ka soo galo, iyada oo Safaarada ethopia tidhi Gaadhigaasi ma dhex mari karo Wadankayaga ee ka noqo wadadii aad ka soo gashay, waxaanan aad ugu mahad naqayaa inanta uu dhalay Ganacsadihii Waynee ee Xoogsade sidii ay iila hujuunta Safaarada Ethopia, waxaanan halkaasi ku cadilnaa ilaa toban cisho iyada oo ay dawlada Ethopia ay wadankayga (Somaliland) soo galaan iyaga oo  ba aburadoodii wata ilaa hargeisa cidina aanay waxba udhimin, aniguna aniga oo sifo sharciya ku soo galay Wadanka sifo sharciyana kaga soo baxay hadana  noqo taankii danbe inaan kala kulmo dhibtaasi aad ayay nasiib darro iigu noqotay ,hadii lala xidhiidhay Maamulka ama Xafiiska ka furan Ethopia-na waxaan  umalay nayaa inaanu wax uu ka tarayaa jirin oo sida runta ah ay Ethopia ina haysato,laakiin ma jiro wax layidhaa dawlad iyo dawlad waayo hadii ay taasi jirto gaadhigayga oo wa xaaso astaan ah leh iyo inta dawladood ee aan soo maray yacnii badheedh ayay uyidhaahdeen Gaadhigaasi ka noqon mayo ethopia”

Maxamed Muuse waxaa uu u mahad naqay arday wax ka barata Jaamacadaha Wa danka Suudaan Gaar ahaan Magaalada Khartuum iyo Maamulka Shirkada Dahabsh iil ee Magaalada Khartuum oo uu sheegay inay sifiican ugu soo dhaweeyeen.

Akhtisteyaal Waa mid aan taariikhda hore loogu arag Muwaadin iskii isku xilqaamay oo Socdaal ku soo maray Wadamada intaa tiro leeg, isaga oo raadinayan Ictiraafka Somaliland waxaana uu Waayo aragnimo badan ka helay Wadamadii uu soo maray Waxaa uu kula dardaaramay Dhalinyarada Somaliland inay ka waantoobaan tahriibta oo uu sheegay inay kala kulmayaan Dalalka ay tagayaan Dhibaatooyin badan isaga oo xusay inaanu Saxaafada usoo bandhigi karayn dhibaatooyinka ay la kulmaan dadkaasi laakiin uu ka wacyi galin doono intii karaankiisa ah.

Ugu danbayntii Wuxuu Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyay Bahda Gabiley News iyo Longlivesomaliland iyo Maayarka Degmada Gabiley, Badhasaabka Gobolka,Salaadiinta iyo ardaydii kusoo dhawaysay halkaasi ku soo dhawaysay isaga oo xusay inuu uga sii Gudbi doono Caasimada Somaliland ee hargeisa.


 


Nimcaan Dheeg Ibraahim
iyo Mustafe Future
Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office