HAMBALYO  HAMBALYO

Hadaanu nahay dhamaan qurba jooga ka soo jeeda beesha Maxamed Jibriil (Deerayahan) rag iyo dumarba waxaanu hamblyo iyo bogaaadin u dirayn aan Chief Caaqil Nuux Iimaan Xasan oo todobaadkan lagu caleema saaray Idhanka-derayahanka oo ka tirsan Goabalka Gabilay, caagilkan oo badalay ala ha u naxariistee Aabihii Imaan xasan oo dhawaan geeriyooday, halkana waxaan uga soo diraynaa in yar oo duco, guubaabo iyo waano iskugu jirta

 

 


Nuuxow wadnahaagi saafiga ahaa waaxid inu dhowro,
Wadaantii harraadtira ahayd reerka ku waraabi,
Waswaasiye khannaas baa jiree yuu ku waabwaabin,

*****

Ogow samuhu inuu waarayuu walalaclayn doono,
Ruuxii wanaag badan faloo waynaha rumeeya,
Samirkuna u wehelkiisa yahay wuu aflaxayaaye,
Ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya,
Inuu deeqda Eebbahay ka qaday dib u xasuusnaada,
Waa waajib maatida inaan nacas ka weetayno,
Waa waajib waxan haysanniyo waqti inaan quudhno,

*****

Waa waajib inan warasadeen dhaxal u weelayno,
Waa waajib wixii dardaarana in aan warqadaha ku muunayno,

*****
Waa qodob daruuriya qofkii,daacadaa garane,
Dagganaasho meeshii lehbaa,darajo taallaaye,
Nabadbaa dagaal iyo ka wacan dirir colaadeede,
Nabadbaa dalkeenniyo uroon danaha reerkeena
Nabadbaa ninkii doona uu dib ugu aayaaye
Nabadbaa dadkoo wada dhaqmiyo daris wanaagiis leh

*****

Nabadbaad daraadeed dhib li’i Dabac kumaashaaye
Nabadbaa in ay noo dantahay la isku diideeyne
Alahayoo dariiq toosan iyo daw san nagu hagaaji.
Aamiin.Aamiin,Alahayaw

 

 

Ruqiya Taani