Hambalyo: Wasiirka Madaxtooyadda Oo Hawl-karnimo Ku Mutaystay Bilad sharaf


 


Waa wax la filayay beryahaasba, waa mid aan laga xaqiri Karin oo uu juhdi iyo dedaal hawl-karn imo ah kula soo baxay markii uu ka soo dhalaalay waajibaadkiisa shaqo.

Waxa khamiistii madal balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa bilad sharafyo lagu gudoon siiyay 100 qof oo loo aqoonsaday hal-doorka Somaliland wax taray labaatane eyaddii sanadood ee ay jirtay.

Dadkan abaal marinta ku guulaystay oo loo qeybiyay kooxo waxa loo kala saaray ku mutaystay Wa  aniyad, kuwo ku kasbaday siyaasad wanaag, qaar lagu abaal mariyay fiditaanka diinta islaa mka, ha lka qaar kalena lagu maamuusay waxqabadka bulshadda iyo daryeelka qeybaha bulshad da ee daya can.

Waxa kale oo qaar ka mid ah dadkani ay ku mutaysteen hawl-karnimo iyo shaqadooda oo ay ka soo baxeen. Waxa dadka hawl-karnimadda ku sifoobay ee bilad sharafta lagu gudoon siiyay hor-fulle u ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxaan leeyahay Hambalyo…Hambalyo Mudane Wasiir, bilad sharaftani ha kuu noqoto mid aad ma skaxda ku xijaasato oo kugu abuurta inaad niyad u heshid hawsha culus ee aad qaranka u ha yso m aadaama oo aad Wasiir ka tahay wasaarad xasaasi ah oo ka mid ah wasaaradaha dastuu rkeenu jid eeyay hirgelintoodda.

Waxa kale oo aan bogaadinayaa Rashiid Sulub Caalin oo hindisay Barnaamijkii Arbacadii lagu soo gu naanaday Maansoor ee la magac baxay “Qiimee Qofkaaga si aad Qiimo u yeelato” markii u hor eysay taariikhda Somaliland isku xil qaamay inuu mudanka iyo hal-doorka Bulshadda ku muunee yo bilad sh araf ka turjumaysa cidii dalka iyo dadka wax u qabtay kaalinta ay doonaan ha ku jire ene’, waxay do onaana ha qabtaane’.

Bilad sharafta Wasiir Xirsi waxay Noqonaysaa mid qaali ah oo taariikhdiisa togan baal san ka geli do onta, maadaama oo uu calanka u siday afar ilaa shan qof oo lagu dhawaaqay inay ku mutays teen hawl-karnimo.

 

 

 

 

 

Cismaan Cabdi Ibraahim
Hargeysa Somaliland