Hambalyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka aan
walaalaha nahay ee reer Jabuuti
Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Mohamed Ali Muse,waxaan hambalyo
iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,mudane
Ismaaciil Cumar Geelle ,oo m arkii
Afraad ku guulaystay jagada
Madaxweynenimada ee Dalkiisa.Waxaan sidoo kale h ambalyo u dirayaa , shacabka reer Jabuuti
,oo si nabada codkoodii ku dhiibtay.
Mudadii uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hogaanka dalka gacanta
ku
hayey, wux uu Dalkiisa iyo dadkiisaba ka bad baadiyey , colaaddaha iyo
dhiigga sida macno darrada uga qul qulaya mandaqadda Geeska
Afrika,wuxuuna ku guulataystay in shacbiga reer Jabuuti ,Nabad iyo
xasilooni, ku
caano maalaan , oo dhammaan qawmiyadaha faraha ba dan ee dalka ku
dhaqani, ay walaaltinimo ku wada noolaadaan.
Waxaa iyana xusid mudan in lagu hambalyeeyo Madaxwyne Ismaaciil
Cumar Geelle,horu marka muuqda ee Dalkiisu ku tallaabsaday,dhinaca dhaqaalaha,xidhiidhka
wadamada C aalamka,waxbarashada,casriyeynta Dekedaha,horumarinta
Isgaadhsiinta,ballaadhinta Gegooyinka Diyaaradaha , iwm.
Waxaan Madaxweyne, Ismaaciil Cumar Geele,Ilaahay uga baryayaa in masuuliyadaa um madiisu u igmatay,Rabbi ku asturo,ku
guuleeyo, horumar joogto ahna ku talaabsado,R abbina idiin
adkeeyo,oo idiin siyaadiyo Nabada iyo xasiloonida,uu idiinku deeqay,
insha Allah.
Mar labaad , hambalyo Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka
aan walaalah a nahay, ee reer Jabuuti.
Eng.
Mohamed Ali Muse
(Farshaxan)
Editor in Chief
&
Webmaster
|CNA
|
CCNA
|
MCP
|
A+|
Senior
Certified
Computer
Network
Specialist |
|