Taariikh: 05/11/2011
Summad: 20105112011
 


Hambalyada Ciid-ul Adxa


Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wux uu dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinayaa munaasabada Ciida-ul Adxada.


Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciida yaan nabadgelyo isla markaana farxada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xas ilooni iyo deganaansho. Mar labaadka waxa aanu qurbo joog ahaan idiinka boogaadinayn aa shicib ahaan iyo xukuumad ahaanba sida aad heeganka ugu tihiin ilaalinta nabadgelya da, xasiloonida iyo horumarka dalka.

Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxa u rurweynaha SSE idiinku boogaadinayaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn. Waxaanu idiin soo gudbinaynaa hambalyo diiran oo aanu idin leenahay farxad iyo qalbi furan ku ciida.

 Munaasabada ciidan Adxada ayaynu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayn o jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaa uu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheli yo.Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu Ciida dambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad, barwaaqo iyo Somaliland oo aqoonsi ka hesha bulshada caalamka.


Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa inay ciidayaan iyaga oo qaran ah isla markaana wax badan u qabsoomeen tan iyo intii ay dib ula soo noqdeen dowladnimadoodii iyo xorriyadooddii. Waa Ilaahay mahadii in munaasaba da ciida aynu si wada jir ah u qaybsanayno inagoo haysana nabad iyo xasilooni.


Urur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula darda armayaa in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeyg i lahaa ilaalinta danta guud. Hannaanka geedi socodka Somaliland wuxuu weli marayaa m arin dhib badan oo ka gudubkiisu u baahanyahay isku duubni, adkeysi, dulqaad iyo shaqo ku salaysan xirfad iyo hawlkarnimo. Dabcan waynu dareensanay loolanka siyaasadeed ee dalka ka jira ee laakiin waxa naga farriin ah in mar walba danta guud laga horumariyo ta gaarka ah si himilada inaga dhaxeysa loogu mideysnaado.


Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.


 


Alle ayaa mahad leh,
Guddiga Fulinta ee SSE
Aamiin.