Hambalyo iyo bogaadin iga gaadhsii Halyeyga,Haldoorka,ma daalaha Somaliland,walaalkay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,oo  Ururadda Midawga Yurub Iyo Afrikal,jago Caalami ah u magacaabeen

 

Anigoo ku hadlaya magacayga,Cabdirisaq Cali Muse (Shiine),waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn aan u dirayaa , Halyeyga,Haldoorka,ma daalaha Somaliland,walaalkay Dr. M axamed Cabdillahi Cumar,oo Ururadda Midawga Yurub Iyo Afrika u magacaabeen Ergayga u qaa bilsan Dalalka khilaafyadda Siyaasiga ahi ka aloosan yihiin ee qaaradda Afrika.Waa markii ugu h oreysay ee darajadan Caalamiga ah loo magacaabo muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Somalil and.

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,waxa uu  jagooyin sare ka soo qabtay Jamhuuriyada Somaliland, ahaana Wasiirkii hore ee  Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalmiga iyo Wasiirkii hore ee  Ganac asiga iyo Maal gashiga, waxaana  uu magac,sharaf iyo karaamaba u soo hooyey shacabka Som aliland, dalkeena curdinka ah ee Somaliland iyo Gobolka Gabileyba.

Waxaan marnaba la iloobi karin,taariikhda Somalilandna ku suntan,dadaalkii iyo safaradii is daba jooga ahaa ee uu ku gaala bixin jiray wadamada  Caalamka iyo  guulihii is daba jooga ahaa ee uu ka soo hooyey siyaasada Arrimaha Dibada iyo heerka uu gaadhsiiyey qadiyada aqoonsi raadint a ee Jamhuuriyada Somaliland !.

Aqoonta,kartida, dadaalka iyo khibrada uu kasbaday Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,waa ta maa nta gaadhsiisay in jago Caalami ah loo magacaabo, midhaheediina  uu gurto ... Markaan akhriye y Emailkii warkaa xanbaarsanna,farxada jidhkayga saaqday,waxay ahayd mid aanan halkan ku soo koobi karin,waanan ku hambalyeynayaa  Halyeyga,Haldoorka,ma daalaha Somaliland, walaa lkay, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar.

 

 


Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Hargeysa,Somaliland