maansada waxaa ku jira sheeko yar
iyo bari wax jiray

 

Waxaan dhamaan salaamya dadwaynaha reer soomaaliland iyo shaqaalah a shabakada longlivesomaliland , sida quruxda badan ee ay dadka iyo fikir kooda ugu adeegto.

Maansada waxaa ku jira sheeko yar iyo bari wax jiray.waxaa la yidhi islaan baa waxay lahayd xayn yar oo adhi ah subax bay dareerisay goor subax hore ah , ayay gaysay kayn barwaaqo ah , ka dib islaalintii waxay fadhiisat ay dugsi eegaya xaga cadceeda.Wax yar ka dibna way laama dooday,oo q urducsatay.Xaynta waxa ku jira wan wayn isagoo iska daaqaya ayuu ark ay islaantii oo qurducsanaysa, waxaa uu is yidhi malaha waxay ku  leeda hay [bil bil lib] [marka gaacnta loogu dhufto madaxiisa] inta uu dib u baxay
oo soo cararay ayuu sidii wananka is hirdiyaya islaantii madaxa madaxa u gu dhuftay, islaantii ayaa maskax  guurtay kana raacday !!!!!
Waxa uu yidhi:

 

Hagardaamadii
hinbiririirsigii
laysku howli jiray

*****

La haloosiyoo
habartii gumeed
hore loga guur
hoodooy la yidhi

*****

Hibo aan tabaay
maantaan ku helay
naftan hawalanee
hir u laacayaay
hawo doorsigaa
hubsimaa ku ladhan

*****

Hoobayda luuq
heesaha qabow
sida hoobal jiib
ku halaanhaloo
hirwadiyo ciyaar
hoobay idhee
hanka now imaqal

*****

Hadal gaaxdayoo
hindiwaasiyaan
ku halaanhalee
hor alliyo nasiib

*****

Dhago hawsha gabay
hore ugu shiboo
intaa hooy idhee
hor alliyo nasiib

*****

Qabo haawataan
intaa hoosta iyo
hareeraha tolee
hor alliyo nasiib

*****
Halq dhuuntay baan
hadba meeshu galo
hudiyaay idhaa

*****

Nin hurdaan hadeer
ka roga hilaab
waxa heelka jira
ku hor saafayaa

*****

Hooyo baahan baan
hareeraha gacmaha
hinjiyaa itaal
samir baan hadhuub
hodan ugu shubaa

*****

Ubad heermayoo
tahriib haybsadoo
hir u muuqdabaan
inta hoobadkiyo
halistaba tusa
hedda iyo wadkiyo
dhimashada hal furan
hablo iyo ragood
ka hor joogsadaa

*****

Afartaa dhe hilin
hamrashada naftiyo
huqda ciilka dadan
mid kaleeto hoo

*****

Bari hore hedeed
habarti aroor
adhi hawdka iyo
hir caleenle subax
ku hagaajisee
markuu dooga helay

*****

Hal cabaara geed
iska hoos gashee
laama dood horliyo
hurdo qabatayee
hoodaanka luqun
hayn waydayee

*****

Wanku heel shisheed
fikir u ku helay
ma la hooy bil iyo
mayska kay hirtaa
ayay hodan wada

*****

Lugta gali habaas
ku hayl-hayl dhulkii
hanjabaada xeel
hawshuu lahaa
hangalaysayoo
how soo yidhoo
hirdi aanya filan
hebla ugu ridyoo
hareerta u tuur
wadna ugu horseed

*****

Habka aanu nahay
sida haybadaa
hala kama duwana

*****

Horwayn oomanoo
howd iyo dhul sare
ku haraadayoo
hogol iyo daruur
hir u laacayaan
hinqashada intaa
hakiyaay idhaa

*****

Afar loo hayaan
afar laga hayaan
afar lala hayaan
afar lagu hayaan

*****

Nin aqoon hantiyay
hoga aan ka dagay
hilinkeeda garay
habsadda ka durug
heli waa murtidda
hoga aan ka dayay

*****

Afartaa dhe hilin
hamrashada naftiyo
huqda ciilka dadan
midka eeto hoo

*****

Taariikh horliyo
hilin loo banee
waxaan haabka jirin
lagu hawlan yoo
heballana u go,e

*****

Dad is haystaoo
haybtana midoo
kala heermay baan
habsimada wanaag
hebelow ka daa
adna hooy ka joog
garta hogo tusaa

*****

Halgamaa jiriyo
halyaay aasanoo
kuu hilaay
inta hooy xusoo
hiifkiyo xumaha
ha la hiigsanoo
haku hawlin godob
    ku halaan halaa
 

 

Mowlid Aden
Birmingham,UK