“Haddii Aad Calanka Xisbiga Udub U Soo Xidheen Ey, Sawirka Axmed Siilaanyo Oo Ey Sudhanina Wuu Soo Socdaaye Ku Bushaaraysta” Cali Guray



Hargeysa March 13, 2010 (TNN)- Afhayeenka xisbiga talada haya ee udub Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa caawa mar kale ku celiyay digniintii iyo hanjabaadihii uu dhawaan u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

Cali guray ayaa wacad ku maray in haddii uu xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisu ay  as taanta iyo calanka xisbigooda u xidheen Ey in iyaguna ay sawirka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye u soo xidhi doonaan Ey.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu caawa u waramayay Telefishanka qaranka, waxaa nu intaasi ku daray isla markaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay weedhaha  odhan aya afhayeenka xisbiga UDUB taageero kuma haysto Gobolka Hargeysa, waxaanu  carab ka ku dhuftay in Maxamed Muuse Abees iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka soo kala jeeda degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ay ka badan yihiin degmooyinka 26-ka june iyo Ibraahim koodbuur oo uu isagu ka soo jeedo


Ugu horayna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aad calanka xisbiga udub u soo  xidhe en Ey, sawirka axmed siilaanyo oo ey sudhanina wuu soo socdaaye ku bushaaraysta, re er udub waxa aan leeyahay haddii jid gooyo dambe loo dhigo madaxda UDUB, Halkii  jidgoo yaba toban baa kaga jawaabaysaan.


In badan baanu wanaaga ka shaqaynay, in badan baanu ka warwareegnay in aanu  mura shaxiinta kulmiye wax ku lidi ah samayno, bal halka ay ka helayaan in ay udubna sidaa u galaan iyaga kooduna uu bad qabo.


Waxa aan anigu aaminsanahay raga waxan samaynayaa maaha kuwa caqliga leh, waa xayn dumar iyo caruur u badan isugu jirta oo moodaysa in ay kulmiye iyo axmed siilaanyo, inay udub cayaan, adeer uma dul qaadanayno, haddii aad qaylisaan iyo haddii aad cabaadaan,


Qaar baa la lahaa Cali Guray taageero kuma haysto Gobolkan Hargeysa, waxa ay  yidhaa hdeen xaafadiisa ayaa ka soo horjeeda oo ay ishaystaan, Maxamuud Haybe inta uu  Maxa med Muuse Abees (Sarkaal Kulmiye Ah oo U Dhashay Konfurta Hargaysa) uga hayo  kul miye iyo Axmed siilaanyo waxa ka badan inta aan 26-ka June uga hayo Rayaale, inta uu Xildhibaan Nacnac uga hayo Axmed Dhagax, Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo  wax a ka badan inta aan uga hayo Rayaale degmada Ibraahim Koodbuur.


Laba goor ayay doorasho dhacday, labadii goorna waxa ku awood batay xisbiga Kulmiye laakiin doorashada soo socota ilaahay ha inagu simee lagama yaabo in ay cod badan ka helaan Gobolka Hargeysa”



Source:Hadhwanaag