Hadalkii Digtoorku ma beer-laxowsi baa mise Filim
buu Jilayay?


 

 


Bishii Febarwari ee sanadkii 2011 ayay ahayd xiligii Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Harg eysa ay la anfariireen tiraab ka ardnayd milgaha masuuliyadda oo ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), oo si yax-yaxleh uga hadlay dhacdo ugub ku ahayd dalka oo lagu gubay labaataneeyo guri oo ku yaalay degmadda Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa oo ay deganaayeen dad dan-yar ahi.

Wasiirku xiligaasi wuxuu warbaahinta ka sheegay in wixii gubtay ay ahayeen buulal, cooshad do iyo sandaqado isla markaana ay is gubeen dadka khasaarahaasi soo gaadhay laftoodu. Dr. Gaboose wuxuu ilowsanaa in dadka danyarta ahi ay degan yihiin sabooyinka noocaas ah oo a y aanay buulashoodu uga laalaadin mandaraha iyo saraha dhaadheer ee dabaqadaha digtoor ka iyo inta la mid ahi ay leeyihiin. Layaabse malaha oo rayul caamka bulshaddu waxay dhawa aqaasi ku micneeyeen tixdii dhaxal-galka ahayd ee Gabaygii Abwaan Cabdi Iidan Faarax ku yi dhi “Habartii docdeediyo dagalkay ku noolayd daruuruhu ku hooreen, dadba wada hel mood oo, daad wararac bay tidhi!. Dibigii xareediyo dooxaddu u buuxdee, dinaahiyeeyay ee ciyay, duul-duulka karantiyo, dayrtiyo jidhaamaha, dareenkiisu kama fogga!”

Waliba dadka guryahoodu gubteen waxay ahaayeen gol-jilic iyo dan yar ka soo jeeda ardaa ga uu codka doonayo ee uu u yagleeshay urur-siyaasadeedka UMADDA ee uu ku dhawaaqay daba-yaaqadii kal-hore. Hadalkaas xanafta lahaa wuxuu Wasiirka ku kiciyay mucaaridad xoog leh oo axsaabta iyo shacbigu kaga gil-gisheen kalmadihii tudhaale la’aanta ahaa ee uu ku war eeray dhibaneyaashii uu baroor diiqda u muujin lahaa.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu talladda ku darsan in bisaylka ummadda reer Somalila nd gaadhay heerkii u sareeyay oo aanay sabankan waxba ka hoos qaadaynin shakhsiyaadka dareenkood la hadalka ah ee jibadda iyo baadidoonka kursigu madax-martay. Marka ay badhi da kursiga saaraanna kooraysta faraska kibirka.

Dr. Gaboose waxa uu maanta si mixnad leh uga hadlay hawl-galka jidad banaynta Caasimadda Hargeysa iyo xadhigii Sabtidii magaaladda Gabiley lagu xidhay 11 Xildhibaan oo lagu eedeeyay inay rabashado ka sameeyeen xafiisyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Gabiley.
Markii uu arrintaasi ka hadlayay waxaad moodaysay inuu jilayay filim ah sidii inuu ka damqad ay boqolaalka qof ee dawladda Hoose iyo wasaaraddii daakhiliga ee uu ka tagay ay ka rareen Ganacsatada bagaashlayda jidadka suuqa dhexe ee caasimadda Hargeysa.

Ka sii darne’e Wuxuu digtoorku isku dayay inuu iska dul qaado fool-xumadda masuuliyadda wa raaqdii uu kaga tagay xafiiska oo uu ku xanibay inay Golaha deegaanka Gabiley ay qabsadaan fadhiyo aan caadi ahayn oo ay maamuuska kaga xayuubinayaan Hoggaankooda. Wuxuu si xi rfad iyo indho isku qabad ah sharaxaad korka xaadis ah uga bixiyay qoraalka uu ku mamnuu cay fadhiyada aan caadi ahayn ee golaha deegaanka.

Rayul caamka bulshadda ee ka doodayay shirkii Jaraa’id ee Dr. Gaboose waxay ku fasireen ha dal aan daacad laga ahayn oo uu raali-gelin dadban kaga bixinayo qadafkii uu ka galay danyar ta horaantii sanadkii tagay oo quluubta shacbiga ugu dhigmay si aan tir-tirmayn.
Waxa kale oo jiray qaar kale oo ku doodayay in hadalka Digtoorku uu ahaa mid is muujin ah ee uu ku xod-xodanayo taageeradda bulshada waayo-araga u ah inay shiilaaan hadalada beer laxowsiga ah siyaasiyiinta isbed-bedelka badan.

Waxa dadka qaar xusayeen inuu ahaa Wasiirkii xiligii Marxuum-Cigaal nashqadeeyay wareegt adii lagu aasaasay Gudiyadii nabad-gelyadda goboladda ee sharci darrada ahaa ee laga qay liyay oo dhawr iyo toban sano ka dib Madaxweyne Axmed Siilaanyo digreetada ku tir-tiray la ba maalmood ka dib markii uu xafiiska la wareegay 27-kii July 2010-kii.

si kastaba arrintu ha ahaatee wax hubaal ah haddii hadalka Digtoorku daacad yahay iyo had dii uu ilmo yaxaas yahayba, waxa shacbiga Somaliland ay maalin aan fogayn ay midigta ka sa ari doonaan halka ay ka taagan yihiin. Iyadoo doorashadii u horeysay ee Goleyaasha deega anka ee dalka ka qabsoontay 15-kii December ee 2002-dii uu ururkiisii SAHAN uu ku guul-dar aystay inuu ka mid noqdo sadexdii urur ee u soo gudbay heer xisbinimo.
 

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax