Faallo: Hadalladii Lagu Gubay Muqdisho Oo Laga Bilaabay Hargeysa

 

Mudooyinkan dambe waxaa soo baxay mas`uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xisbiga  Ud ub oo adeegsada hadallo dadka iyo dalka Somaliland loogu kala qaybinayo Bari iyo  Galbe ed si la iskaga horkeeno Beelaha Dhexe ee Somaliland. Hadalladan oo ay ka dambeeyaan cadowga sokeeye iyo cadowga shisheeye ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa dabada ka riixaya madaxweyne Daahir Riyaale oo u arkaya in dagaal sokeeye oo laga dhex-rido  Be elaha Isaaqa uu yahay habka keliya ee looga hortegikaro doorashada madaxweynaha iyo hanaqaadka qaranimada Somaliland.

Shakhsiyaadka ku hadla hadallada lidka ku ah  nabad gelyada, dawladnimada, iyo  qarani mada Somaliland ee u adeegga maamulka dalka ka jira iyo Xisbiga Udub ee Daahir Riyaale madaxa u yahay waxaa ka mid ah badhasaabka Gobolka Hargeysa, Moxamed Cabdi  Daa` uud, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda, Axmed Adan Ismaaciil, Afhayeenka Xisbiga  U dub, Cali Moxamed Yuusuf (Cali Guray) iwm kuwaas oo u xisha sandareerto iyo laaluush lagu abaabulo fitno danna aan ka lahayn dadka, dalka, iyo dawladnimada.

Hargeysa waa caasimada Jamhuuriyadda Somaliland waana astaanta dawladnimada iyo qaranimada dalka. Kala sheegashada caasimadda dalka, Hargeysa, waa qaran-jab waana arrin lagu burburinayo dawladnimada iyo qaranimada dalka islamarkaana lagu wiiqayo sharafta iyo karaamada ummadda Somaliland horseedna u ah colaad sokeeye iyo burbur riiqa. Dadka iyo saxaafadda Somalia ee ka soo horjeedda nabadgelyada iyo dawladnimada Somaliland waxay aad ugu farxaan una buunbuuniyaan hadallada ku salaysan qaran-dum isnimada ee ay ku hadlaan shakhsiyaadka loo adeegsado kala qaybinta ummadda  Somali land iyaga oo u arkaya inay tahay habka keliya ee lagu burburinkaro madaxbanaanida  So maliland. Beelaha Dhexe ee Somaliland oo lagu yaqaano illowshiiyo dhow iyo kal-laxiibnimo cadowgu ugu soo dugaalo ayaa maantana loo maleegayaa halis kale iyada oo la  adeegsa nayo kuwo iyaga ka tirsan oo doorsoomay.

Masiibadda dagaallada sokeeye ee ku habsatay Somalia, siiba caasimada Muqdisho, wax aa asalkeedii sabab u ahaa kala sheegashada Muqdisho. Markii xukunkii Siyaad Barre  dh acay bishii January 1991 ayaa waxa la soo weriyay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Majeerteen ka dhaadhiciyeen Beesha Abgaal inay Muqdisho iyadu iska leedahay oo  aan ay Habargidir xaq u lahayn inay ku xukunto iyaga oo markaas u arkaya in arrintaas looga hortegikaro xukunkii General Caydiid iyo inay si fudud xukunka uga ridankaraan gacanta Abgaal. Arrintaas awgeed waakii Cali Mahdi boobay xukunka ee sheegtay madaxweynaha Somalia dabadeedna shakhsiyaad u adeegayay isaga oo mas`uuliyiin ah ayaa Muqdisho ka bilaabay hadallo iyo khudbado ay Beesha Mudug degta ee Habargidir kaga  sheegana yaa magaalo-madaxda Muqdisho. Kala sheegashadaas Muqdisho waxay markaas keentay inuu Xamar ka qarxo 11kii Noofambar 1991 dagaalkii weynaa ee dhexmaray Habargidir iyo Abgaal kaas oo u horseeday Somalia masiibada dagaalada sokeeye ee weli socda kuna baahay gobollada u dhaxeeya Gaalkacayo ilaa Kismaayo oo aanay ilaa hadda jirin beel ku faa`iiday kala sheegashada Muqdisho balse lagu wada gubtay.

Dagaallada sokeeye ee dabada dheeraaday waxay u fududeeyeen dawladda Itoobiya  in ay qabsato Somalia una geysato dhibaatooyin laxaad leh xag sharaf, naf, iyo maalba. Sa babtii ay Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Moxamed Cali Geedi ugu soo hoggaamiyeen  Muqdi sho Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay ahayd in Beesha Habargidir laga saaro  Muqdi sho laguna cesho Mudug arrintaasna waxaa caddaynaya aagga Beesha Habargidir ee  de ggan Muqdisho oo yool u ahaa dagaalka huwanta. Dadka Somalia waxay ku fashilmeen  in ay fahmaan in Muqdisho tahay caasimad la wada leeyahay oo aan la kala sheegankarin, xukunka iyo hantida guud ee ka jirtana la wada leeyahay in kasta oo degaanka loo kala badanyahay. Maanta caasimadda Somalia waxay u badantahay burbur iyo dhismayaal  la gu shaandheeye rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan oo aan lahayn albaab iyo  daaq ado midna laguna daboolo maryo duug ah. Sababta ilaa maanta loo joojin la`yahay  dhiig ga iyo burburka Somalila waxa weeye dadka Somalia oo qabiil iyo degaan ka doortay kana fadilay qaran iyo dal ay ku faanaan.

Ummadda Somaaliland waa inay ogaataa in Daahir Riyaale iyo shakhsiyaadka kala  qaybin aya ummadda ee beelo dalka ka tirsan ka sheeganaya caasimadda Hargeysa ay rabaan in ummadda iyo dalka Somaliland ku dhacaan godka xun ee ay ku dhacday Somalia. Waa in ummadda Somaliland ogaataa in kala sheegashada caasimadda Hargeysa ay ka soo  horje eddo nabadgelyada guud, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland. Axsaabta  Mucaara dka, madaxda dhaqanka, ururada bulshada, dhallinyarada, iyo dadweynuhuba waa inay si weyn uga dhiidhiyaan ugana hortagaan kala sheegashada caasimadda Somaliland, Harge ysa, iyo kala qaybinta ummadda oo ah arrintii lagu gubay Muqdisho, waanay inay u  mido obaan rididda Daahir Riyaale iyo xukunkiisa si halista ay maleegayaan looga badbaado  lo ona difaaco nabadgelyada, midnimada, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland.

 

 

 

 

Ibrahim Hassan Gagale
Email:Ibrahim_hg@yahoo.com
March 14, 2010.