Hadal run kama raysto!

 

Siyaasaddu, marka loo eego nolosha dadka, waa wax kolba heer taagan oo aan meel  ke liya loogu hagaagi karin. Waa wax bulshooyinka adduunku ay si gaar ah iyo si guud  aha aneedba ula jaanqaadaan. Qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo wixii ka dambeeyey   isbeddel adii, qalalaasihii, dagaalladii iyo guud ahaanba xumaan iyo samaan wixii dadweynaha  ad duunka soo maray waxa ka dhashay xaaladaha kala duwan ee maanta jira. Arrimuhu  xil liyadaa wax bay salka ku hayeen, welina ku hayaan. Qorshayaal siyaasadaysan iyo dano baas ayaa mar walba saamayn ku yeesha nolosha dadweyne badan oo aan waxba  dhim in ama waxba xumayn.


Sida aynu ka warqabno siyaasaddu waxay ku ururtaa qorsheyaal iyo go’aanno ku-tala-galkoodu yahay in danaha iyo maslaxadaha ay ummadi leedahay si fiican looga taliyo isla markaasna lagu beego himilooyinka ay ummaddaasi leedahay. Waxa ay xoogga saartaa in ummadda arrinteeda gacanta lagu hayaa aanay goonni-daaq noqon, ee ay ku  xidhna ato bulshooyinka kale ee ay si uun wax u wada qabsan karaan.

Marka la doonayo in bulsho meel deggan nabad iyo horumar loo sameeyo waxa lagama maarmaan ah in la helo saddex arrimoodoo kala ah: 1)bulshada lafteeda, 2)nadaam la  is la oggol yahay oo wax lagu maamulo oo dejisan ama markaa la dejiyo,iyo 3)ciddii  hogga anka ama maamulkaas qaban lahayd oo ah dadka maanta siyaasiyiinta loo yaqaanno. Intaa marka la helo wax la sugaaba waa in la hawl-galo uun si loo beegsado meelaha la higsanayo.

Saddexdaa aynu soo sheegnay mid kasta oo ka mid ahi qoraal gaar ah ayuu u baahan yahay, hase yeesho ee hadda waxaynu isku koobi doonaa qaybta dambe ee  siyaasiyiin ta la xidhiidha oo keliya.

Siyaasiyiinteennu, innaga oo aan mucaarid iyo muxaafid u kala saarayn, haddii aynu isku wada qaadno badankoodu aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin, bulshadeenna na  horum ar, waxqabad iyo wanaag bay la doonayaan. Waxyaalaha ay ku ammaanan yihiin waxaa ka mid ah isu-tanaasulka, danta guud ilaalinteeda, ka shaqaynta nabadda iyo dhawrista wadajirka bulshada. Arrimahaas waxa ay kaga duwan yihiin siyaasiyiinta dalkaa  Sooma aliya ee aynu deriska nahay ama kuwo u dhashay dallalka Afrika qaarkood. Arrimahaasi waa qaar u baahan in loo fiirsado, mudnaantoodana leh.

Laakiin iyada oo ay sidaa tahay ayaan haddana mar kasta la waayeyn qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo wax walba dantooda siyaasadeed ee gaarka ah ka doorbida. Qaar aad is-odhanayso mararka qaarkood, dadkan fikirkoodu waa sidee? Siyaasiyiinta sidaa ku tilmaamani in kasta oo aanay malaha badnayn, haddana inta badan wax wanaag ah oo muuqda oo ay qaranka ugu dadaalaan lama arko, hadalladoodana dadka ayaa ku  jahwa reera. Hadallada siyaasiyiintaas in badan oo ka mid ahi runta kuma salaysna, ee waa  qa ar dadweynaha lagu soo jiito ama lagu wareeriyo oo kaliya.

Hadallada siyaasiyiinta qaarkood iyo habdhaqankoodu waa kuwa sababa in ay  dadkeen nu maanta siyaasadda lafteedii “been” u qaataan. In badan oo bulshadeenna ka mid ah haddii la weydiiyo, “Waa maxay siyaasaddu?” Waxa laga yaabaa, ama mararka  qaarko od dhacdaba in ay ku jawaabaan, “Waa been iyo in wax la is dhaafdhaafiyo?!” Taasi  run tii ma aha wax aynu iska leennahay, ee qudhayda ayaaba goobjoog u ahaa mar  dadwey ne badan oo isu yimid su’aashaas lafteeda la weydiiyey, deedna ay bixiyeen jawaab la mid ah taas aynu soo sheegnay!

Fahamka sidaas ah waxaa qayb ka ah hadallada ama habdhaqannada siyaasiyiinta  qaar kood, waxana laga yaabaa in aynu mararka qaarkood aragno siyaasi ballanqaad been ah dadka u sheegaya,oo aan haddana lagu garanayn ee la odhanayo iyada oo weliba la taageerayo: “Kaambayn buu ku jiraa!”. Kaambaynku ma waxa uu ku salaysan yahay in barnaamijyo waxqabad oo dejisan la soo bandhigo, mise in hadallo aan hadhow laga  dha bayn doonin dadweynaha loo sii sheego?

Hadallada sidaas ah iyo loollanka siyaasadeed ee kolkol dhacaa marar badan ayey  dana heenna mugdi gelin gaadhaan. Sidaa darteed waxa fiican in ay siyaasiyiintu runta iyo  da naha guud xoogga saaraan. Siyaasiyiinta waxaannu leenahay, “Hadal run kama raystee, dadweynaha waxaad u sheegtaan wixii aad si dhab ah u qaban kartaan oo keliya”. Wixii intaa ka baxsani waa rajo. Rajadu inta la nool yahay waa ay jirtaa oo lama diiddana, ha se yeesho ee barnaamij waxqabad oo balanqaad geli kara ma aha!

Dhammaanteen waxaynu jecelnahay isla markaana doonaynaa caddaalad. Haddaba  ca ddaaladda la sheegaa wax adag ma aha, ee waa iyada oo runta la sheego siyaasi iyo  d adweyne kaleba, isla markaana beenta lala wareegayo la iska daayo. Waa iyada oo  xaqi iqada la meelmariyo. Taa macnaheedu waa in jidka saxda ah mar walba lagu socdaa. Nin qoraa ah ayaa hore u yidhi: ”caddaaladdu waa iyada oo runta ficil lagu muujiyo – ‘Justice: the truth in action’ ”.

Intaas uun baa dadka deeqda. Wax kasta oo kaleba waxa ka iman uun saluug sidii  abwa an Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye), uu hore ugu sheegay maansadiisii “Daba taxan”ee ahayd:
 

 

 

“…Cadil baa wax doojee,
wax kaloo rag deeqoo,
dadka lagaga eed baxo.
nin u doonay heli waa..."

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Dhaqan.wordpress.com