Hablaha
Somaliyeed Dhibaato intee leeg ayay kala
kulmaan Dawada la isku cadeeyo?
Markasta
oo jahligu bato waxaa ka dhasha Dhibaatooyin raadad
xuxun ku reeba Qofka bani aadamka ah, ha ahaato
Mustaqbalka Noloshiisa, Caafimaadkiisa iyo
Dhaqaalihiisaba. qofkuna kama maarmo Aqoonta Diiniga ah
iyo Maadigaba marka aad eegto Dunidu maanta halka ay
marayso.
Waxaa jira waxyaabo badan oo ku cusub Dhaqanka Suuban ee
Somalidu lahaan jirtay ba rigii hore, iyada oo aad
loo ilaalin jiray ceebna ay ku ahayd Qofka Somaliga ah
inuu dhaqa nkiisa badalo, Tusaale ahaan maanta
hadii qof ka mid ah bulshada Somalida ee meel wada degta
uu sameeyo wax ku cusub dhaqanka somalida ha xumaado ama
ha wanaagsanaado waa lagaga dayanaa, waxaanad arkaysaa
barri ka maalin hadii hebel surwaalka jilbaha ka rido in
laga wada ridayo, hadii mid ka mid ah habalaha
somaliyeed ay wax ismariso qaar badan kaga dayanayaan
waxaasi ay isticmaashay iyada oo aan loo eegay dhib iyo
dheef waxa uu ugaysan karo.
Hadii aan udaadago Dulucda mawduucayga waxaa igu kalifay
maanta inaan qalinka uqaato si aan wax uga qoro
Dhibaatada Dawada la isku cadeeyaa ku hayso hablaha
somaliyeed oo aan udkaysan waayay inaan ka Aamuso,
hadaba waxaa iswaydiin leh waa Maxay Dawada Ay dumarka
somalidu isku Cadeeyaan?
Dawooyinka Dumarku isku Cadeeyaan waxaa ka mid ah
Daawooyin loogu talo galay in lagu daaweeyo Elerjiga iyo
Caabuqa naburada, qaar kalena ay ku yihiinba khatar
jidhka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah
Daawooyinkaasi.
Sheerli
Diyana
Roose
Moofeed
Farableen
Biliij
Riikoo
Top sheerli
Ritaana
Silfaana
Betnoofaad
Riikoo
dhiiqo
Suber
Rose Riyo |
Iyo Qaar
kale oo farabadan oo lagu isticmaalo meelaha ay somalidu
degto oo aanan kusoo koobi Karin magacyadooda halkan
loona istimaalo qaybaha kala duwan ee Jidhka, Gaar
ahaana Wajiga, Gacmaha, Lugaha, Qoorta, iyo Qaar la
mariyo Jidhka oo dhan. Waxa intaasi dheer Bacaha lagu
xidho Gacmaha, lugaha, iyo Qaar lagu seexdo habeenkii
loo Gashato sida Dharka oo kale.
Badanaa
Dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay Dhibaatooyin
Laxaadle u gaystaan Caafimaadka Qofka ismariya waxaana
ka dhalan kara Cudduro hor leh, tusaale ahaan:-
◙
Waxa ay Dilaan unugyada
Difaaca Maqaarka.
◙
Waxa ay Raadad xunxun ku
reebaan Maqaarka Qofka isticmaala.
◙
Waxa uu unuglaadaa Qofka
istimaalaa inuu ku dhaco Kansarka Maqaarka.
◙
Waxaa dhibaato ugaystaa
Aragtida indhaha ee Qofka isticmaala
◙
Waxa aan hore ubogsan
Naburada ku dhaca Jidhka qofka ismariya Dawooyinkani.
◙
Waxaa ku sameeyaa
Maqaarka Cuncun badan iyo Xasaasiyad.
◙
Waxa uu ka soo saaraa
Jidhka qofka ismariya Xaad farabadan iyo Diirka oo ka
qubta qofkaasi.
◙
Waxaa uu Cimri Degdeg ku
keenaa Maqaarka.
◙
Waxa uu Dibada
usoo saaraa Xadidada Dhiiga qaada.
◙
Waxa ay ku Abuuraan
Maqaarka qofka ismariya, Canbaar, iyo finan farabadan.
Waxaa kale oo ay dhibaato Dhaqaale ku haysaa qofka
istimaala oo hadh iyo habeen ay unoqotay balwad joogta
ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi Karin, iyada oo
taasi ay udheertahay Dumarka in ay biilkooda ka mid
tahay dawada la isku cadaynayaa oo dhawrkii maalmoodba
La dhexraacinayo.
Hadaba Maxaa Sababay In Dumarka Somaliyeed ugu Isticmaal
Bataan Dawooyinka khatar ta ku Ah Jidhkooda?
Badanaa waxa ay tusaale gaaban iyo Jawaab ka Dhigtaan
Dumarka Somaliyeed marka aad waydiiso, in Qofka madaw
aan La tixgalin, Dhinaca guurka oo ay ka nasiib
badantahay inan ta Cad, oo ay somalida wakhtigani
aaminsanyihiin Quruxda ugu mudani inay tahay Cadaa
nka.
Raga ayaa ku beerla xawsada Dumarka midabka madawleh
badanaa iyaga oo ku dheeldh eelaya Midabka
dahabiga ah ee illaahay ku manaystay ama quudhsanaya
Gabadha madaw, Doqon iyo Habeenbaa madaw ee is cadee?.
Taasi ay si qaldan ufasirtaan micnaha Maahmaada oo looga
jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay iyada oo
gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay,
waxaanay hal hays unoqotay Hablaha is cadeeya oo faan ka
dhigtay baryahan danbe “Doqon iyo
Habeen baa madaw”.
Dumarku badanaa waa kii Nabi
muxumada Xadiis laga soo wariyay uu lahaa “waa
Naaqisa atu Caqli wa diin”.
way jiraan Dumar badan oo Dhaqanka iyo Diinteena Suuban
ku dhaqma oo ka dheeraada wixii Dhibaato ukeeni kara
Diintooda, dhaqankood, iyo Naftoobada.
Waxyaabaha ugu waawayn ee loo aanayn karo Dhibtaasi
waxaa ka mid ah Aqoon la,aanta iyo Jahliga oo ku badan
Dumarka Somaliyeed, hadday noqoto Xaga Diinta iyo
Cilmiga kale ee Maadiga ah, Qofka bani aadamka ahna
Aqoontu way toosisaa, wayna nuurisaa, Dariiqa Saxda ahna
badanaa kama baydho.
Qodobka labaad ee loo aanayn karo waxaa weeyi Raga
intiisa badan oo aan si uwada tixg alin Dumarka
Madaw iyo Dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba
baryahan danbe noqo tay midabka cadaanka ah, oo
aan loo eegay tusaalihii uu nabigeenu inaga siiyay
waxyaab aha Gabadha muslimada ah lagu dooranayo.
Talo soo jeedin:-
waxaan Talo iyo waano usoo jeedinayaa Hooyooyinka
Somaliyeed meelkasta oo ay jooga an, way ogyihiin
Hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, Aakhiro-na waa
lagala xisaabta mi Doonaa hadii ay ku gargaaraan
Dhibkaasi ubadkooda. Runtii hooyo waliba way ka war
haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso, markaa yaan
la fudaydsan ayaan odhonlah aa Dhibaatadaasi
maalin walba ku faafaysa Dumarkeena.
Ta labaad waxaan usoo jeedin lahaa Dumarka Somaliyeed
Aqoonta Diiniga ah oo qofku ba rtaa Naftiisa ayay
anfacaysaa, Dariiqa Saxda ahna way ku hanuuniyasaa, In
lagu dhaqmo ayaa muhiim ah.
Ta seddexaad Xukuumada Masuuliyad wayn ayaa ka saran
Daawooyinka Dhibaatada bad an ukeenaya Dumarka
Somaliyeed oo iyaga oo ka warhaya dekadaha laga soo
dajinayo, Dukaamadana Camiranyihiin, Cid wax ka
qabanaysaana aanay jirin.
Guntii iyo Gabagabadii waxaan hadal ku soo ururin lahaa
Gurmad ayaa looga baahanyahay Cid kasta oo ay
masuuliyadi ka saarantahay, Haday noqoto Waalidka,
Xukuumada iyo Aqo onyahankaba.
Dumarka Isticmaala Dawooyinkaasi
aan kor ku soo xusayna midbaan odhon lahaa,
Hibo ee be ku siiyay habeen
la iskama qaadee ha Saluugin Muuqaaga.
Illaahay dariiqa saxda ah ha ina waafajiyo.
Nimco Muxumed Ibraahin
Qaali@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Media
Hargeysa Somaliland |
|