(Geenyo Iyo Gadhyare)

Habkii Iyo Hanaankii Hibadii Haasawihii Hore.

 

 

 

Qoramadan waxaan ku soo qaadanaynaa. qaabkii ay dhalinyaradii hore uwada hadli jireen,ama Habkii iyo Hanaankii Hibadii haasawihii hore,kulankii iyo geedi socodkiisii.,iyo waliba Gobonimada,Dhaqanka iyo Dhismihii noloshii hore iyo teenan danbaba haddii aan laga tagaynin.Mahuraanka iyo Mabaadidii laysku xaq dhawri jiray xeerkii iyo xuquuqdii,lawada tix galin jiray.Guunyadaii,Gariimadii,Gumaradii iyo waliba A saasiyadkii Agabkii,Hugii iyo Hoygii,iyo tolanihii turxaanta laa ee lagu tiirsanaa.Xigtadii,Xididkii,Xasabad ii, iyo Xigaalkii,iyo dhamaan xushmayntii lakala mudnaa,

Hadaynu milicsano Mala awaal dhex maraya laba dhalinyaro ah oo Muuqaal ahaan wakhtigaa jooga.markan waxaa loo badnaa Reer guuraa iyo xolo dhaqato,

Waligiiba nin doob ahi dilaac maaganuu ahaaye ninkan inanta daymoonayaa waa gadh yare waana Geel xer aan Gurigoodii joogin inantuna waxay la baxday Geenyo oo laga furfuri waayay.wuxuu ilaahay ku galaday Garaard,Aqoon.Qurux iyo garasho dheer,Waxaa lagu manaystay haybad iyo xishood cida heshaa nasiib badantahay.sida caadadu ahayd. kolka ay wada hasawayaan Wiilka iyo Gabadhu. waxa uu midba hareer iska taagi jiray geed, waxa lays dhaafsan jiray kaftan farabadan oo xigmadaysan,

Sida Hal xidhaale, Maah maaho, Sarbeeb iyo Duur xul. Iyadoo ay sababtu tahay in mid waliba ogaado ka kale heeraabta aragiisu halka ay gaadhsiisantahay.waxaan hadalka horqaadan jiray wiilka. waxuu gadhyare hadalkii ku furfurtay, hawaalo waran iyo halqabsi uu saaxiibkii gargaaroo ay halbootaalaha is layaqaaneen. hadhaw toole hordhigayo,Ismaaciil Jaamac nuur, gadhyare wuxuuna yidhi,
.

 

Ma ogtahay gargaaroow
Aduunyadan gabaabsidayee
Dhaqankeedii gabashiyay,
Shalay inan gadiidkii
Gabadhaan ku soo baxay
Galool diiranaysoo,
Gudinay ku goysiyo
Gaaleefna sidatoo,
Xadhigii giraanayee
Sida goodka duubnaana
Gacanteeda bidixiyo
Garabka ugu raranyahay,
 

 


Waa warsan iyo wacaal aanu saaxiibkii ogoyn oo uu siinayo, waxaanu usoo koobay sifihii inanta iyo sidii ay ahayd,markuu warka madaxdiisa siiyana wuxuu uga gudbayaa in uu halyaynimadiisa muujiyo inantiina uu ka waramo sida hufan ee uu ula hadlay iyo siday isu haleeleen,salaan uu qof garanayaa inuu gudoomayo ogyahay ayuu ku hubsanayaa.kadibna wuxuu waydiinayaa halka ay katimi iyo gurigoodii,

 


Aniguna ma geesmarine
Socodkaygii gaabsadayoo
U gudbiyay salaanoo
Iyadauna gudoonsatayoo,
Waxan idhi gargaaroow
Gabadhyahay garayskiyo
Googarada culusiyo
Go a wali hagoogani
Geestaad ka timi iyo
Guri dhigiinii ii sheeg,
 

 


Iyadii ayaa hadalkii qadanaysa una sheegaysa inuu halkan dhaw ee hugunku ka baxayo ay ka soo hinqatay. waliba waxay u qaadatay in Wiilka gaajiyo haraad wadaan oo uu guriga uun doonayo. waxayna u sheegaysaa in wakhti fiicana layskaga jiro, oo aanu hungoobay hadii uu raaco,

Gurxanka aad maqlaysiyo
Guriganaan ka soo baxaye
Inna keen ku geeyee
Xiliguna gu weeyee,

Dhalinyarada wakhtigaa joogtay waxay ka sinaayeen xishoodka Rag iyo Dumarba. waxaa ceeb ahayd in qof dhalin yaro ahi cid martiyo.wuxuuna u sheegayaa inaanu oon iyo oomato toona tawanayn heelkan la joogo ee uu ka gudoomay balse ay haybteeda iyo ciday tahay isu sheegto in lays haybsadaa ceeb ma ahayn ee waaba laysku garan jiray.iyadaan xumaatiyo xasard toona looga jeedin wuxuuna yidhi.



Kaa gaysan gabadhyahaye
Naa maan ihi nin goolmoonoo
Gubashiyo haraad qaba e
Waxan ahay horsed geele
Haybtiina guudiyo
Gacalkaana ii sheeg,

 

Iyada ayaana u qiraysa arintaa waxanay u sheegaysaa sumadii geelooda oo ay leedahay ku garo haybtayda.waana arin muujinaysa qaranimada inanta garaad dheerida iyo gosha ay u socotay,
 

 


Haybsigu gartaa weeyoo
Gobbay caadadeed tahaye
Ama garo ama hagaranoo
Gololaanu leenahayoo
Geelayaga u gumaraa,


 


Waa taa sumadii geelayaguye ku garabay tidhi.Waaxaanu inankii oo hadalka qada
nayaa tusayaa in uu gartay haybtiina.wuxuuna u gonda degeyaa halkii uu geediga u haa wuxuuna waydiinay Garoob iyo Gabadh bal tay tahay. isgoo hubinaya in laguursaday iyo inay wali bal inanimadeedii ku adagtahay,

 

Naa iyadana garwaaqsadayoo
Geeliina sumadiisiyo
Gartay haybtii gacalkaaye,
Ma gabadh gurilebaad tahayoo
Gugii dhawayd la guursadayoo
Wali aan galgaal bixin,
Mise inan gashaantiyohoo
Gosol noqotay baad tahay,
 

 


Inantii oo dareen galay ayaa u sheegaysa, inay inan tahay bal se aanu guur dhankiisa ula kicin,


Inanyahaw galgalashadu
Waxaad uga gol leedahay
Way soo gadaal bixiye,
Wali gabdhyarbaan ahayoo
Gurigoodii joogte e
Guur haylasoo galin,
 


Wuxuu isna iftiiminayaa inaan wali lays gaadhin balse ay magaceedana ugu darto,



Naa inkastaanan guntii haynoo
Hadalku igu godanyahay
Laakiin garqaataye,
Magacaaga gaarkaana
Gabadhyahay bal ii sheeg,
 


Markay halkaas marayso ayay inantii cirkaa isla maraysaa.kuna gacan saydhaysaa oo ku tiiqtiiqsanaysaa faduulnimada yarku lasoo galay,



Oo maadigaan I garanayniyo
Aanan garasho kuu qabinoo
Goobtanuun isugu nimibaad
Magacayga gaarkaana
Gacaloow I waydiin,

 


Inankii oo hadalka qaboojinaya haasawahan dajinaya si aan dooduna u sii kululaan ayaa hadana ku calinaya si codsi lehna u waydiinaya magaceeda,


Naa hadalku waa gun iyo baare
Haasawihii gargarabaxay iyo
Gabaygii hasoo caline
Magacaaga gaarkaana
Gabadhyahay bal ii sheeg,

 


Waxay usheegaysa magaceedii marhadii uu ku celceliyay kana hadhi waayay,



Waadigan u gubanaayee
Magacayga goobaayee
Geenyaa lay yidhaahdaa,

 


Inankii oo inanta magaceeda qaadan la ayaa inatii markale magicii ku calinaya, una sheegaya inaanu gamaan mooyee gabadh magacan la yidhaahdo waligiiba arag,
 

 

Naageenyo waa gamaan farasoo
Gabadh loogu yeedhana
Gayigaba kumaan arage
Magacaaga gaarkaana
Gabadhyahay bal ii sheeg,

 


Waa laysu cagaagay inantii oo kama dabaystii inay tahay u sheegaysa ayaa magaceedii ooay ku adkaysatay ugu calinaysa,


Niyow hadalka gawraa iyo
Goondhabada hay caline
Geenyaa lay yidhaahdaa,

 


Marka uu arko inay ku adkaysatay inantii ayuu hadana fariid isma gabe e hasaawihii,meelkale ka hilaacinayaa. wuxuuna yidhi,

 


Waayahaye geenyooy
Waxa galabta sheeko leh
Casrigan la gaadhiyo
Wali guri casaad taale,
Ruuxaagan gaamurayee
Garashiyo aqoonta lehee
Quruxduna ku gobo tidhi
Maxaa geedka qodoxda leh iyo
Wali gumarta ku gu xidhay,
Miyaanad geenyooy
Gayigaba warkii hayn,
In aduun ku guurayoo
Geedigu jiciirtayoo
Bada guure lagu marayoo
Yurub loogu galay lacag,
Oo hablihii gankaagan ahaa
gacalkii ay ka dhoofeeniyo
Reerii gargaareenoo
Gawaadhi dhaadheeriyo
Guryo ay u jeexeenoo
Lacagtuna gingimantahayay
Dahabshiil ka goostaan,
Maxaa adiga gawraarkii iyo
Miyigii godoonka ahaa
Wali kugu gabaanadayee
Garba duubka kuu xidhay?

 

 


Markan geenyo aad iyo aadbay uga xumatay.wadaniyadeedii iyo dhaqankeedii oo la fara galiyay iyo jiritaankeedii oo loo laabay,waxayna uga jawaabaysaa si xeeldheeri leh oo ay ku muujinayso.muqad asnimadeeda iyo inaanay waligeed ka tagaynin dhaqankeeda wanaagsan,waxayna sharaxaysaa nolo sha dhabta ah ee ay raalida ku tahay iyo degaankeeda qaaligaa ee ay ku qanacsantahay.waxayna tidhi,
 

 


Gabashadii qarsoonayd iyo
Gocondhadii aan sheegayay iyo
Waa kaa gaarkii soo baxay
Inkastoo gol qabashada iyo
Goofaadhigaagani
Inanyahaw gaf igu yahay,
Maxaa geedka qaodoxda leh iyo
Wali gumarta kugu xidhay
Gabaybaa lagaa yidhi
Marka hore garwaaqso
Gayiganaanu leenahayoo
Ida gorod madaw iyo
Geeslayada xoolaha iyo
Gurgurshaha la dhaansado iyo
Geelu noogu dhaqan yahayoo
Guule naguogsoon yahay,
Dad wixii gawaan raacay
Gurdankiyo.shisheeyaha ee
Dhaqankoodii sii gubay,
Iyaguna garaad maleh
Anigana haylasoo galin,


 


Geenyo oo inankan gafka kula kacay garwaaqsiinaysa.shaacana uga qaadaysa garashadeeda fog,wa xay badheedheheeda ugu cadaysimaysaa barqadharega ay ku jirto iyo balaayada uu la rabo.geedna isugu xoqi mayso ee muaran laan ayay ugu muujinaysaa ayaandarada ka timaada dhaqqanka oo laga tago ka timaada iyo nasiib xumada laga dhaxlo hadii laga diga rogto dhaqanka soojireenka ah, waxay u sheegaysaa in gabdh gurigoodii ka tagtay waxay soo sidaa inaanay samaan ahayn ee ay indhalaan ku soconayso,fara madhana lasoo guryo noqonayso.loogana fadhiyo anbasho iyo baadi inay ku danbayna yso.waxayna tiidhi geenyo hawraartii sii wadata,

 

Hablihii gankaagan ahaa
Gacalkii ay ka dhoofeeniyo
Reeray gargaareena
Gabaybaa lagaa yidhi,
Niyow inan gashaantiyahoo
Gacantii hooyadeed iyo
Gurigoodii dhaaftayoo
Gooneeto xidhatay
Guuldaraan u haystaaye
Iyadana haylasoo galin,

 


Halkana waxay ku hoga tusinaysaa inanka in hadalku hadii uu mid qudha yahay aan laba laga dhigin.n uxur iyo go,aana loo yeelo,ee aan layska maaxdumin oo la majara habaabin.waxay kaloo ishaaraysaa kani adayga,geesinimada iyo kalsoonida lgu taagnaado.ee aan laga tagin oo la gaagixin ,waaxnay tilma amaysaa in aanay wali meel wax isla dhigi go aana meel ku tiirin,sidaasay tahayna ay mudantahay yad oo aan degdeg jirin ,in la balamo oo bal markale laysusoo noqdo.waxayna dhigaysaa balan cad oo ay meel ku tiirinayso,waxay kaloo u ishaaraysaa madasha danbe ee ay isugu soo noqon karaan,

 

Hadalkuna go aankiyo
Gawduu ku wacanyahaye
Haduu sida gudgude rooboo
Gudcur iyo habeen da ay
Gaydh iyo qayoodiyo
Gabadhkeeno waa khalad
Balse guurtibaa tidhi
Geesigu Ma gaagaxo "e
Inanyahaw gadiidkii
Xajadaynu godalayn
May gaasabixin wali
Qoroxduna gabaabsiday
Reerkuna geediweeyaanoo
Socotaa galfeedhiyo
Galool hogato loo diray
Adiguna galiilyada iyo
Waadigan giirka kicinaayoo
Hadalbaa ku gocanaayee
Guulahay ku nabad galiye
Hadii reerku geediyo
Waa inoo gumicii tuur dheer


 


Halkaas marka ay maraysay ayay inantu qaybtii hore ee hasawaha ay soo af meeraysaa balanna ay dhigaasa.

 

Waayahaye geenyooy
Marka hore garaad dumar
Wad u garasho wacantahay
Marka xiga gobaad tahaye
Guulahay ku nabad gali
Marka xiga gufaacadii
Maynaan gunaanadinoo
Waxa hadhay gu iyo dayr
Marka xigana geenyooy
Hadii reerku geediyo
Amba raadka waan guriyoo
Guridhigiina waan heliye
Guulahay ku nabad galiye
Waa inoo gumicii tuurdheer


 


Balantaa ay inantu qaaday ayaa uu inankiina la qaadanaya oo uu balantii ka aqbalayaa isagoo waliba ku amaanaya garashadeeda dheer.

Halkan waxa laga sii anba qaadayaa qaybtii labaad ee hasawaha, wuxuuna yidhi gadhyare.



Hadaba gargaaroow
Sheekadu gaftaal malehe
Arrinkii geenyo sheegaysiyo
Geedigii xaqiiqawyoo
Sahankii geedo soo arag
Reerkiina guuryoo
Xalay galin dhaxaadkii
Dayaxii ku guuree
Anna gocasho reenkii
Sidii galaw ma seexane
Talaa igu galagalanaysoo
Geenyaa ii hilaacaysoo
Waxan gafwareegaba
Sawaxankii geediga
Iyo galaydhyayntii heesaha
Iyo googoos mashxaradeed
Iyo gurxankii I laab qaad
Sidii gaade aan ahay
Godobi ay ka maqantahay
Ama aar gadoodiya
Waxaan gaadh ahaadaba
Waaga galalacdiisii iyo
Gudguduudkii waabari
Xalay igadh aan gaaxsaday
Iyo intaan gaawe xoorsaday
Oo guntigii u gaabsaday
Gaadhay gudulkii geediga
Waliba geenyo raaadkeedii
Goonibaan u weheshaday
Waxan sii gashleeyaba
Markay ahayd gadiidkii
Waxan guudka kaga dhacay
Reerka gabi ahaantiiyoo
Damalwaynoo gurigaa iyo
Geed qudha isugu tagayoo
Geenyana ay gaartahayoo
Gurigii ay gangaamaysoo
Gacanta ay ku haysoo
Dhigihii iyo af gudubtii iyo
Loolkii gudboonyahayoo
Raradiina giringirsayoo
Wali aan gab lagu siin
Garabkeeda midig iyo
Gudubkeedii imiyoo
U gudbiyay salaanoo
Iyaduna guddoonsatayoo
Waxay tidhi gargaaroow
Hadalkale ha ii galine
Waadigan yar golangolayoo
Waad maalin gaashaye
Geedkaa hadoodilan
Aan gogosha kuu dhigo oo
Dabeed gaawe caana ah
Aan kugu gargaaree
Gacaloow isoo raac,

 


Baydadkan sare waxa uu abwaanku ina tusinayaa kaalinta inantu bulshada ay kaga aadanayd ama kaga beegnayd iyo sida ay waliba marti qaadka ugu fidin jireen iyadoo waajibkeedi gudanaysa markii uu wiilku bilaabay hasawaha ay geenyo tustay inay bal horta sooryeeyso, wakhtigaas isaga ah dhalinyarada halka ay ka taagnayd xishoodka iyo xarago socodka waxa ceeb ku ahayd inanka dhalin yarada ah inuu reer martiyo, isagoo wiilku halkaas ka duulaya ayuu inanta si dadban uga guddoomayaa marti qaadkaas isla markaasna uu dantiisa u sheeganayaa,



Waayahaye geenyooy
Marka hore gobaad tahaye
Kaa gaysan sooryadu
Marka xigana goobtanoo kale
Kuma gayo gasiinkoo
Soortu wayga garanuuge
Gabaygaa ha ii calin
Marka xiga gadiidkii
Waanigaa guclaynaayoo
Adigaan ku goobaayoo
Waxa aan u golagolayna
Waa gocashadaadee
Haku galo garwaaqsigu

 


Isagoo halkaas ka sii wada ayuu inanta si cad ugu sheeganayaa badheedhihiisa iyo in cidda loo socdaa ay iyada tahay, ayna mudantahay intii gabadh loogu xilan jirayba



Marka xigana geenyooy
Gaashanti qaaliya hoo
Waxad tahay la gaataayoo
Anigiyo gankaygiyo
Wiil gayaani guursado oo
Gariimad geeliyo
Guunyo badan la dhaafsado oo
Waliba gamaan faras iyo
Giriinoof la bixiyaa
Gaafkiyo arooskana
Gool lagu qalaa wayn
Gibladiyo ciyaarahan
Gobi kuu mashxaradaa

 


Halkaas marka ay marayso ayay inantii hadalka qaadanaysaa iyadoo ku tirtirsiyaysa in aanu noqonin nin guur ku degdegaya oo samir yar isagoo aan soo marin wadadii arintaa loo mari lahaa iyana aanu aayaheeda xumayn si aanay u dhicin hadii degdeg yimaado in yagoo arinkaa aan ka fiirsan ay markiiba bil isla yidhaadaan hadhawna la canaanto iyada oo la leeyahay naga bax oo halkii aad ku ordaysay aad islamarkaana ay arinkani ka digayso arinkana aanu fududaysan arkana inaanay goobtan ku haboonayn sida uu wax u doonayaa suurta galna aanay ahay



Waayahaye gacaloow
Marka hore nin gabadh raba oo
Guur isga hamuumaayoo
Gaaf iyo aroos jeceloo
Samir gaaban yaad noqon
Ana goray haldhaa iyo
Hayga dhigin gorayo cawshii
Laga helay garloo gubayee
Galab qudha la fiidhsaday
Meeshana xaajo guuniyo
Arrin gure fogbaa yaale
Ha ku gubanin sheekada
Marka xiga gamaan farasiyo
Giriinoofkaad sheegaysiyo
Geelanaad ku faanaysiyo
Goolashanaad ku dhololaysiyo
Ismalaha goobtaan joognaa
Ana geediban furayoo
Wali maanu luxus goynoo
Googoosyadii iyo
Gufadii dugsoonayd iyo
Gurgurkii ma xidhan waliyoo
Gacantaaban ku hayaa
Adna geelxer baad tahayoo
Ragii kula gorfaynjiray iyo
Gacalkii aad ka dhalatiyo
Guryihii wad ka maqantahayoo
Goonaabad joogtaa
Gugan waynu joognaaye
Guula hayna gaadhsiiyee
Guga xigaynu leenhay
Waaxnse uga gol leeyahayoo
Inanyahaw gudoonkiyo
U fogeeyay geedigee
Ugu furay galduur iyo
Goosaale iyo hawd
Hadhaw yaan ganuun adag iyo
Guuldarada la eersado iyo
Gocasho yaanay soo bixin
Sidii guursigii hore
Gacaloow ahaan jiray
Gadhcastii gabawdiyo
Ha ka taliso guurtidu,
 

 


Geenyo markii ay inankii u caqli celisay una sheegtay inaanay goobtan la joogaa ahayn mid ku haboon Gaaf Iiyo Aroos ee loo baahanyahay in wakhtigeeda lala sugo,waxayna uga taasi muujinaysaa habkii loo mari jiray guurka ,oo ahaa marka uu dhamaado haasaawuhuinanka iyo inantuna is af gartaan sidii aynu kor kusoo xusnay marka ay dhacaan ka dib waxaa laga gangaamijiray gagi banaan aqal laba daryaale ah kaasoo bilicdiisu ka muuqanayso meel dheer,xasuusna ku reeba dadka degaanka ku nool,

Habeenka koobaad ee arooska oo loo yaqaanay bil ama habeenka bisha waxaa lagu taagi jiray ama dhuunta lagu dhufan jiray gool laba iyo toban jira oo aan waligii karbaash la saarin xadhigna lagu duubin.haddaba marka ay dhalintu daraxa dhigto sooryada ayay qaybsan jireen ciyaaro kala duwan sida jaandheer,jiflo,dhaanto,iyo kuwaloo laga dheehan karo duco iyo dardaaran dhinac walba taabanaya ,iyo wiil iyo caano ayaa lagusoo gabagabayn jiray ,

Way kaloo dareensantay ina ay hawshani tahay mid culus,waxayna inanka u sheegaysaa in loo baahan yahay odayadii arintaa ka talin lahaana in lala sugo sida dhici jirtay ,Hashiiska marka ay labada dhalinyarada ahi hashiiso,waxa dhinaca inanka ka tagi jiray wax garad ka kooban cuqaal,culimo,dood yaqaano,iyo hal door kaloo fara badan.waxay ardaa dhigi jireen reerka dhalay inanta iyagoo isku beegaya guriga inta ka horaysa cawaweerta si loogu diyaar garoobo dhanka ardaag,dhanka sooryada iyo dhanka cidii hor fadhiisan lahayd,

Haddaba waxaynu hore usoo aragnay murtidaa inoo iftiiminysa arinta aan kor ku xusnay.
Waana taas ta geenyana hor taagan ee ay inanka hawsha dib ugu dhigtay iyo inaanay degdegin kana baaraan dagto mustaqbalkeeda,
Waxay geenyo inankii u iftiimisy aad arkaysaa xitaa ardaa dhiga iyo sida uu isguna ahaa hadaan isna inyar ka xusno ,waxaa fooda is dari jiray ruug cadaa laysaga sheekayn jiray ama is yaqaanay,waxaa halkaas ka dhici jiray kaftan bilaa turxaan ah oo caafimaad qaba iyadoo laysusoo qaadanayo taariikho iyo taswiiro aad u fog sidii uu ahaa dhaqankeenii subanaa,
waxaa lagu yaqaanay raga doonaya inanta inay bixiyaan ama ay goobta ku magacaabaan hanti isugu jirta Geel,Gamaan,iyo saanad kaleba sida (bundukh) lana gudoon siin jiray reerka ay inantu ka dhalatay.intaas kadib waxa halkaas inanta lagu bixiyay ama dunta lagu xidhay ka dhici jiray damashaad iyo rasaaskor loo rido,

Intaas hadaynu ku dhaafno iftiimintaa kooban aynu ku noqono hawraarteenii oo iminkana gadhyare qaadanyo wuxuuna yidhi,



Waayahaye geenyooy
Geeraarka maansada
Inta kale gudhweeyee
Hadhaw yaan ganuun adag iyo
Guul darada la eersado iyo
Gocasho yaanay soo bixin
Inanyahay waa garnayldhacaye
Gabaybaa lagaa yidhi
Marka hore garwaaqsoo
Anigu geeshkanaan ahay
Gidigood gob weeyaan
Waana guuto xoola leh
Axdigay galaaniyo
Wacadkana ma gooyaanoo
Diintaa u gumaraa
Waxse galabta kugu filanoo
Inanyahay gariimada
Gaari reerku guursado iyo
Waligeedba gabadhtimi
Kama noqon guryahayga
Adiguna garqaadoo
Gardarada badheedhkaa iyo
Haw noqon gafkaad tidhi
Marka xiga gantaalihii iyo
Hadalkii garaysnaayee
Ku dhacaayay goonyaha
Inkastoo aad gabadh tahayoo
Aar gudashadaaduna
Aanay ila gudboonayn
Hadhaw yaanay goobare iyo
Kugu noqonin gariyaad
Marka xiga go aan dumar iyo
Ragu gabadh ma aamino e
Mar hadaad guyaal tidhiyoo
Ka dul guurtay dayrtii
Gabargaashay sheekaduyoo
Adigaa galgaalinayee
Wacadbaynu galaynaa
Inanyahay gugaad tidhi
Guula hayna gaadh siiyee
Gurigiina sii joogoo
Gacmo haadiskale iyo
Ka ilaali gaadaha oo
Anigana wargayskiyo
Hayga gudhinin sheekada,

 



Mar hadii haasaawihii lagu hashiiyayna wixii hdhayba waa gaafkii arooskii iyo ardaa dhigii aynu soo sh eegnay halkaasna haynoo joogo haasawihii geenyo iyo gadhyare inta yanu mardanbe hadii allaha awo oda leh karaali noqdo qaybaha iyo qormada hadhy ku kulmi doono waxaan idinkaga tagayaa amana all aah,
 

 

 

 

 

 


Qalinkii: Cabdiraxmaan Maxamed Cali ubaxle
ubaxle@yahoo.com

 

 

 

 

 


 



Xaquuq qoraha ku xusan u dhawrsoon lama maanguurin karo. waxaan ka ahayn mareegta ku maamu usan,