DIGNIIN: Ninka Ugaasnimada Lala Rabaa ee Ay Wataan Xubno Qurbajooga Ah Waa Ololah Awdal State

 

 


 Mustafa Rooble Doodi , Harawe Sh.Cumar , Cabdisabur Sh.Cali Jowhar
(Ottawa Awdal State team oo ah raga xambaarsan nin Ugaas doona)

 

 


Waxaynu Ognahay In Ninka Ugaasnimo Raba inuuu Ka mid yahay Nimankii Xooga ugu Ololeyna ay ey Awdal State Ee Qurbo Jooga Ahaaa gaar Ahaan Canada

Rabadaan Kariim Dhamaan Saxaafada Somaliland.

Waxaynu Ognahay In Ninka Ugaasnimo Raba inuuu Ka mid yahay Nimankii Xooga ugu Ololeyna ayey Awdal State Ee Qurbo Jooga Ahaaa gaar Ahaan Canada. Waxaanan La Soconaaa In Ay Xaflado Kala Duwan Ugu Qabteen Canada Iyo London Iyo Magaalada JigJiga Ee Hada Uu ku S ugan Yahay.

Waxaa Taasi Cadeyn u ah sawirada halkan ka muuqda oo laga arki karo shaqsiyaadkii soo aba abulay Xafladii Awdal State loogu sameeyay Ottawa. Ragaas oo laga dharagsan yahay qiima ha ay ku leeyihiin bulshada qurba jooga ah waxaa lala yaabay markay isku sheegeen xubno m atalaaya qurba jooga Gadabuursi ee Ottawa.


Sida ay noo xaqiijiyeen qurbajooga sharafta leh ee Ottawa nimankaasi maaha dad ku hadli ka ra magacooga mana matali karaan Reer Ottawa oo ah dad ka dharagsan xaqiiqooyinka dhabt a ah ee ka dambeeya qorshaha la ugaaseeyay ee lagu hantaaqay wiilka Cabdirashiid oo reer Ottawa ku ogaayeen inuu mudo labaatan sano in ka badan ka xoogsan jirey Baarkin isaga iyo walaalkiiba. Waxaa waliba lanoo xaqiijiyay in ninka lagu sheegaayo Ugaas Gadabuursi iyo koox da Awdal state ee afduubtay Itoobiya ku tageen fursad ay heleen oo ah ka faaidaysiga mas hruuca dawlada Itoobiya u fidisay taageereyaashii ONLF ee lagu soo celinaayo Itoobiya. Soo dhawayta la leeyahay Ugaas baa Itoobiya lagu soo dhaweeyay waxay qayb ka ahayd isagoo qayb ka ahaa ama iska dhex raacay xubnihii ONLF ee dalkoodii ku noqonaayay ayagoo ka faai daystay mashruuca dib-u-noqoshada.

Nimankaasi oo u soo taf xaytay sidii Umada Iyo Shacabka Somaliland La iskugu diri lahaa iya goo Adeegsanaya Qaab Qabiil . Waxay Ku Fikireen In Ugaas Gadabuursi oo Ay Iyagu Wataan Kalana Yimaadeen Qurbaha uu u fudeydin Karo in Beelaha Somaliland ee Mudada Badan Ku S oo Caano Maaley Nabada ay Qaab Qabiil U Kala Qaybshaan.

Waxay Ogaadeen Salaadiinta cudud iyo Hadal-marka leh ee ay Ka Mid Yahiin Xafidulaahi Amiir Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Samatar, oo Cadeeyey in Mawqifka Beelahaa ay H ogaanka u hayaan oo ah Quwada Samaroon, in Ayna Aqbaleyn Qurbo Joog Xumaan Iyo Qabi l- caceyb wada ee Kala Qaybinta Bulshada Somaliland usoo Tafaxaytey Wax Ay Wataan inuu na soconayn, balse Hadii Ugaas Samaroon La Rabo Inuu Ku iman Karo Talo Guud oo Salaadiin ta Samaroon Iskugu Yimaadaan Ama Shir Weyne Samaroon.

Waxaan Bulshada Somaliland Iyo Beelaha Gobolka Awdalba Uga Digeynaa Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Deegaanada Samaroon Ee Xumaanta iyo iskudirka Dalal Shisheeye Uga Yimid Wa in Sha cabka Somaliland ka digtoonaadaa shaqsiyaadkaas xumaanta iyo falalka liitiga ah lasoo meh erad tagay.

Waxaan iswaydiin leh doorka ay dheelayaan Prof. Saleemaan AXmad Guule ( Cawar) iyo Max amad Sheekh Xasan oo labadooduba waligood diidanaa in Ugaas Gadabuursi la sameeyo. Wakhtigii Rayaale joogay labadaas nin waxay London kala hadleen wiilkan ugaaska lagu wado ayagoo u sheegay Ugaasnimadii Gadabuursi inaan loo baahnayn. Maxaa isbadaley manta.

Hadiise Rayaale shalay amar laga qaadanaayay, dadka amarka manta la siinayaa waa ayo? Gadabuursi laba reer oo ah aqlabiyadii Gadabuursi mar haddii ugaas ganafka ku dhufteen uga aska la sheegayo halkuu madax ka noqonayaa? Shacabku ma gayo fidno, kala qaybsanaan w axaa nagu filan intii ay gaystay talo xumadii soo martay dadka ee cida ka masuul ah la ogyah ay. Yaan lagu habsaamin wax sheeko ka hadhay.Horaa loo yidhi ninkaad kabo ka tolanayso k abahiisaa la eegaa. Madax umadeedna sifooyin gaara yaa lagu ogaa? Yaa la khaldayaa?

 

 

 

 

Samatar Sheekh Xamse Xaji Aden
sxamse@gmail.com