Tilifishanka Caalamiga Ah Ee HCTV, Oo Noqday Tilifishanka Ay Ugu Daawashada Badan Yihiin Dadka Soomaalida Ah Ee Ku Nool Geeska Afrika

 



Kampala Friday,August 13, 2010(TNN)- Tiradda dadka Soomaalida ah ee daawadda  Telifishan ka Caalamiga ah ee Horn Cable TV, ayaa si xawli ah kor ugu kacday muddooyinkan danbe  dal alka Afrikada Bari, siiba dalka Uganda.

HCTV. Waxa uu ka mid yahay Idaacadaha la iska arko ee faro ku tiriska ah ee ku hadla af  Soo maaliga. Isaga oo si dhab ah u hantay in uu noqdo TV-ga kaliya ee dadka Soomaalida ahi ay  u gu daawashada iyo kalsoonidaba badan yihiin mandaqada geeska Afrika, marka la barbar  dhi go dhamaan TV-yadda kale ee ku hadla Af Soomaliga.

Xafiiska Hadhwanaagnews, ay ku leedahay caasimada dalka Uganda ee Kampala. Oo arrintan si taxadir leh ugu kuur galay ayaa soo si hubaal ah u soo xaqiijiyay in TV-ga loogu  daawasha da badan yahay bariga Afrika uu noqday telifishanka HCTV.


Sahamintan oo aanu wax ku weydiinay dad gaadhaya su’aal ahayd idaacadaha ay daawadaan ama dhegaystaan ee aan hayn shabakadaha wararka 103 qof, oo Soomaali ah ku nool  caasi mada Uganda ee Kampala, ayaa 57% dadkaa ka mid ahi ay sheegeen in ay si joogto ah u  daa wadaan HCTV, halka 53%, ay xuseen in ay daawadaan tilifashanka caalamiga ee Universal Tv, halka 4% ay dadkaasi tibaaxeen in ay dhegaystaan idaacdaha Laamaha AfSoomaaliga ee  BBC-da iyo VOA-da, 4% ay ka dhawaajiyeen in aanay idaacdba dhegaysan daawsho iyo maqal toona.

Guri kasta iyo goob kasta oo ay degan yihiin dadka Soomaalida ahi sida  Hudheelada,Makhaa yadaha, Marfishyadda lagu qayilo, Shaleemooyinka iyo goobaha kale ee kala duwan ee ay  da dku isugu yimaadaan waxa aad arkaysaa shaashadaha Tilifishanadda oo ay dadka Soomaalida ahi ka daawanayaan Wararka iyo barnaamijyadda kala duwan ee ka baxa telifishanka HCTV, wallow ay iyana jiraan Telifishano kale oo ku hadla Af Soomaali oo ay dadka qaar daawadaan sida Universal TV.

Hadaba, mar aanu maykarafoonka la dhex qaadnay dadka Soomalida ah ee ku nool caasimada Kampala, oo aanu wax weydiinay Telifishanka ay ugu kalsooni badan yihiin daawashadiisa iyo sababaha ay ku xusheenba, waxa ay intooda badani ka dhawaajiyeen in HCTV, uu yahay ka  a y ugu jecel yihiin dhamaan Telifishanadda ku hadla luqdada Af Soomaaliga.

Amaal Xasan, oo joogta Kampala oo ka waramaysa arrimahan ayaa tidhi “Inkasta oo ay  jiran TV-yo kale, |Walaahi ma jiro TV, aan ku doorsan lahaa HCTV, aad ayaan ugu han weynahay  a adna waan u xiiseeyaa ilaa xad barnaamijyaddiisa, Casharadda Diiniga ah, Ruwaayaddaha, he esaha, filimada, iyo wararka ee ay noo soo tabiyaanba, anigoo kaliya maahee dadkoo dhan  a yaa daawadda, aadna waan u mahadnaqayaa shaqaalaha, weriyayaasha iyo maamulka HCTV, waxaan leeyahay Ilaahayba idinka jasaa|”i siin doona hawsha culus ee aad ummada  Soomal iyeed meel kastoo ay joogto aad u haysaan, waxaan leeyahay ha caajisina ee halkaa ka sii  w ada, waxaan aad u xiiseyaa filimka Mexican-ka ah ee la magic baxay “ Nuur, ima seego mar kaliya wakhtiyadda uu soo galayana aad ayaan u ilaaliyaa”.


“ Ma naqaano cid iska leh HCTV, laakiin kolay waa dad Soomaaliyeed uun, qolo iyo eex  kumaa naan jeclaan laakiin waxa si heer sare ah noo cajabiyay oo aanu ula dhacsan nahay  wararki isa, waa dhexdhexaad, waxay noo soo daayaan warar, quraan, Axaadiis, maaweelo iyo warar daacad ah oo aanay cid ku caayin, cidna ugu eexan, TV-yaduna isku wada mid maaha, waxaa nu kula talin lahaaa TV-yada kale ee Soomaalidu ah in ay ku daydaanha wanaaga iyo anshaxa uu la yimid HCTV”. Sidaa waxa ku tiraabay Shoonbe Maxamed Dhiif.


Si kataba ha ahaatee, dhamaan dadkii tirada badnaa ee aanu wax ka weydiinay arrimahan oo dhamaantood jooga Kampala, oo aanaan hadalkooda halkan ku soo wada koobi karaynin, wax a ay intoodii badnayd iska daba mareen sida ay ugu qanacsan yihiin daawashada Telifishanka HCTV, iyaga oo noo sheegay in aanay ku koobnayn daawashada TV-gani Uganda iyo Kampala oo kali ah, balse ay jiraan dad tiro badan oo Soomaali ah oo si joogto ah uga daawada dalal badan oo ku yaala geeska Afrika sida Ethiopia, Jibouti, Kenya, oo ay inta badan soo wada  ma reen dadka Soomaalida ee halkan ku nool ka hor intii aanay iman dalka Uganda.

“Tilifishanka HCTV, lagama daawado Kampala, oo kaliya, waxa si weyn u daawada dadka  Soo maalida ah ee jooga Ethiopia,Djibouti,Iyo Kenya, waxaanan taa ku cadaynayaa aniga iyo dad badan oo ila mid ah oo hada Kampala jooga ayaa soo maray dalalkaa oo xogogaal ayaanu u nahay, sidii baanan weli u daawadaa, aadna way

Mahadsanyihiin, waana guul lagu faani karo sida ay goor walba nooga haqab tiraan wararka, waxaan leeyahay HCTV, GUUL IYO GOBANIMO”. Sida waxa ka dhawaajisay Asli Jaamac  Sama tar,oo si weyn ugu faraxsan in ay dareenkeeda cabirto oo u waramaysay Hadhwanaagnews.

Isku soo wada duuduuboo, sahaminta aanu kuur galay arrintan ayaa natiijadii nooga soo  ba xday aanu ku ogaanay in Telifishanka HCTV, uu sidaa ku noqday Tilifishanka kaliya ee ay dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganda, gaar ahaan caasimada kampala, ay ugu daawashda badan yihiin, wallow ay jiraan Telifishano kale oo ku hadla af Soomaali oo iyana la daawado sida Telifishanka Caalamiga ah ee Universal.

Tilifishanka HCTV, oo la aasaasay muddo aan sidaa u sii fogayn waxa uu xarumo waaweyn ku leeyahay dhamaan goboladda Dalka Soamliland iyo Soomaaliya halkaas oo si toos ah u soo  ta biyaan wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca meelaha ay joogaan, waxaana laga daawadaa  gu daha dalka iyo dibadiisaba waxaana ka hawl gala weriyayaal karti, aqoon iyo luuqba u leh  sha qada warbaahineed ee ay hayaan.


Source: Hadhwanaagnews