Guulaha Somaliland ee Khatarta Geeska Afrika,Iyo Milicsigii Daymada Qalinka

 


Burco (Daymada-Qalinka) -Inkasoo ay jireen murano siyaasadeed oo hadheeyay kala  sa arista seerfarka doorashooyinka Somaliland ka hor intii aan la dooran Komishankan  doo rashooyinka Somaliland ee Cusub, ayaa hadan si kale marka loo eego waxa  muuqa ta  gu ulo waxkuool ah oo ay Xukuumada Somaliland ka soo hooysay dhar caqabadood oo dul hoganaaya guud ahaanba mandaqada geeska Afrika

Hadaba dulucda qormadani daymada qalinka waxay daaha ka rogaysaa kuwa ugu  waa weyn caqabadahaasi, oo ay ka mid yihiin La dagaalnaka waxa loogu yeedho  Argagixis ada,Budhcad-badeedka,Tahriibta, Iyo la Dagaalanka Cudurada Faafa

La dagaalanka Argagixisada

Sida ku cad hawlgalada ay wada jirka u Fuliyaan Ciidamada Sirdoonka  Qaranka,Boolisk a,Iyo Milaterigu, waxa Xukuumada Somaliland Fashilisay Dhawr isku day oo lagu  doona ayay in lagu wiiqo goobo istaraatijiya kuwaasi oo la doonaayay in lagu qarxiyo  miinooy inka Wax-gumaada, Sida laga soo xigtay Saraakiisha Amniga Qaranka oo tiraba dhawr jeer oo kala duwan arimahaasi ka hadlay

Hawlgaladaasi oo xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada Arimaha gudaha Iyo  T aliska Boolisku ku tilmaameen, mid ay soo maleegeen gacan shisheeye oo doonaysay  in ay wiiqdo cududa iyo Jiritaanka Somaliland, Sida ay hadalka u dhigeen

Taasi badalkeedana waxay dadka arimahani ka faaloodaa ku tilmaameen talaabooyin  w ax-ku ool ah ooo loo qaaday dhinaca Sugida Amaanka Qaranka, tan Iyo Wixii ka  danbe eyey Qaraxyadii 29 Ouctober lala beegsaday Goobo muhiim ah oo ku yaala Somaliland

Budhcad-badeedka

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa iyaguna Tiraba dhor jeer oo hore  Fashiliya y Iskudayo lagu doonaayay in lagu afduubo, Isla markaasna lagu abuuro kooxo  qawlays ato ah oo ka ugaadha biyaha xeebta Somaliland, kuwaasi oo lagu qabtay meelo kala  du wan, sida ay saraakiisha Amaanka Qaranku u sheegeen Warbaahinta Maxaliga ah

Sidoo kale waxa xukuno xadhig iyo ganaax lacageed ahi hore loogu xukumay  danbiilaya al lagu soo qabqabtay falal arimahani la xidhiidha

Tahriibta Iyo Camal La,aanta


Heerka darajada Dhalinta ka tahriibta Somaliland ayaa hoos u sii dhacaysa marba marka ka danbaysa, kadib markii sida ay khubaro arimahani u dhuuldaloolaa sheegeen inuu  sa re u soo kacay darashada shaqo abuurista ee marba-marka ka danbaysa soo kacaysa,

Waxana ay suurtagalnimada arimahaasi lagu sababeeyay in Haayaddaha Samafalku si weyn uga caawiyeen Somaliland, Nidaamka Shaqo Abuurista Iyo Dhiiri-galinta shaqo  he lis ee dhalinyarada ka baxda dugsiyada wax-barashada Somaliland, Waloow ay wali  jir aan Caqabado hor-taagan qaar ka mid ah ardaydii ka qalanjabisay dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalka, taasina waxay noqotay mawduuca loogu hadalhaynta badan yahay haatan Somaliland

Waxa kaloo ay dadka arimahani odoroosaa ku sheegeen in istaraatijiyada Siyaasadeed ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland tahay mid suuragalin karta in sare loo qaado darajada wax-barasho ee guud ahaanba Gobolada dalka Somaliland

La dagaalanka Cudurada Faafa


Wassaarada Caafimaadka Iyo Shaqada oo kaashanaysa Hayaddaha Samofalka ee  Soma liland ka caawiya dhinaca arimaha caafimaadka Iyo Fayo-dhawrka, ayaa dadka qiimeeya wax-qabadkoodu ku tilmaameen, kuwo sare u qaaday la dagaalanka cudurada faafa iyo Fayo-dhawrka,

Kuwaasi oo la sheegay inay wadanka ka fuliyeen mashaariic wax-ku ool ah, taasi  bada keedana waxa arimahaasi lagu tilmaami karaabay yidhaahdeen kuwo suura galin kara in waxweyn laga qabto cudurada faafa, Sida HIV ga Iyo Iyo Qaaxada, Sida lagu sheegay war-bixino hore loogu qiimeeyey

Sidoo kale dhaq-dhaqaaqa Hayaddaha wadaniga ah iyo NGO yada dalka ayaa lagu  shee gay inuu u muuqdo kuwo sare u sii kacaaya marba marka ka danbaysay, iyada oo  suur agalinta arimahaasina la sheegay inay waxweyni iska bedeleen tan iyo intii wassaarada qorshaynta qaranka loo magacaabay wassiirka Qorshaynta Somalaliland Cali Sanyare, kaasi oo dadka aqoonta fiican u lihi ku tilmaameen nin aqoon fiican u leh nidaamka loo  m aamulo caawimooyinka haayaddaha Caalamiga ahi siiyaan Somaliland,

Ugu-danbayntii

Marka laysku soo minguuriyo qaabka loo wajahay arimahaasi aynu kor kusoo xusnay, oo gabi ahaantoodba u muuqda mushkilada ugu weyn ee haatan wax-ka-qabashadooda ay beesha caalamku la daalaa dhacayso, ayaa dadka arimahani odoroosaa waxay ku  shee geen inay u muuqato talaabo guul ah oo loo qaaday dhinaca la dagaalanka arimahaasi.

Hasayeeshee Sida ay sheegeen dadka qadiyada Somaliland u dhuun-daloolaa, kaliya  kh atarka ugu weyn ee Somaliland haatan hortaalaa waxay u muuqataa sidii looga bad-ba adi lahaa murano siyaasadeed oo mar kale ka hilaaha gudaha Asxaabta Siyaasiga ah, Iyada oo haatan lagu dhawyaha xili-dhamaadka Mudadii Golayaasha Qaranka qaarkood sida Wakiilada oo kale
 

 

 

Qalinkii:Foosi Saleebaan Aw-Biindhe
Freelance Journalist Burco
E-Mail-foosi36@hotmail.com