GUUBAABO IYO TALO KU
SOCOTA BEELAHA FAROOMAHA CADOWGA DEGAN
Geyigan Geeska Africa, waa geyi
kacsan oo aan xasiloon oo colaadii mu do dheer ka oogan tahay
oo dhinacaad ka eegtoba uu dab ka oloolayo intaana hayaaydaas iyo
hayaankaas lagu jiro si weyna ciidan ahaan, shicib ahaan, iyo
maatoba ay uugu hoobteen welina uu halaagu ku socdo iyadoo ay u
dheer tahay faragelin shisheeye oo xad dhaaf iyo badheedh ah oo lagu
hayo taasoo lagu doonayo in si sandule ah lagu meel mariyo siyaasado
iyo dano shisheeye oo aan ka turjumayn baahiyaha iyo danaha
qoomamiyadaha ku nool geyigan taasoo weliba ku saleysan damac
guumeysi, dhulboob, iyo khayraad boob. Waana, geyi si ba’an
qoomiyadaha ku nool loo jahaawareeriyey loona kala qaybiyey layskana
horkeenay si danaha shisheeye looga fushado taasoo loo adeegsado
marba koox caadoqaate ah oo u hirgelisa colaad, dagaal, burbur,
baaraakac, iyo dhiig daata iyadoo marba dhinac lagaga keenayo ama
furaayo lana saadalin karin khataraheeda mustaqbalka dhow iyo
mustaqbalka fog halka ay ku dambeyn doonto iyo goorta uu demi doono
dabkaas ka baxaya ama goorta ay qoomiyadahaas ku nooli iyo geyiguba
nabdoon doono ama xasili doono, haddii aan caqliga saliimku shaqeyn
lana iskaasha ama uu Eebe nasri u soo dirin ama aanu u miciinin
qoomamiyadaha iyo dalalka Geeska Africa ee la shiday ee maqaadiirtu
ku haabsatay dhiiguna si xad dhaaf ah uuga qulqulaayo.
Anigoo ka duulaya khatarahaas kor ku cad, ayaa qoraalkaygan gaabani,
waxa uu ku ka turjumaya sidii maqaadiirtaas iyo marxaladan adag ee
guud ahaan soo food saartay Geyiga Geeska Africa gaar ahaan
Somaliland looga tashan lahaa mabda’ la’aanta, dayaca, is dhigashada,
dan la’aanta, iyo khatara mar kasta soo food saara Beelaha Sheikh
Isxaaq ee Darafyada ee degan jiidaha faroomaha ahi sida Bariga
Somaliland iyo Hawd ama Kililka Shannaad ee Ethiopia gaar ahaan
beelaha HJ, HY, Ciidagale, iyo Arab.
Hadaba, waxaan idin leeyahay, walaalayaal ama ilmaaderayaal, wado
halaq iyo faroomo halis ah ayuu degaanadiinu ka mid yahay oo uu
mujtamaciinuna ku nool yahay, waranka ugu horeeya ee uu nacabku iyo
cadowgu uu ka soo tuuro Bariga fog ama Galbeedkaa fog (Hawd),
intaanu Burco, Berbera, iyo Hargeisa soo gaadhin, idinka ayuu idinku
hor dhacaya una dhimanaya una dhaawacmaya mar kasta. Dhulka iyo
Mujtamaca mar kasta lagu dul dagaalami doonaana, waa degaanadiina
iyo dadkiina; Cida ugu horeyn wankooda lagu dagaal gelayona, waa
wankiini; Cida dhulkiisa la miineyn doonana, waa degaanadiina; Cida
maatadeedu qaxi ama baaraakici doontana, waa dadkiini; Cida
ganacsigiisu joogsan doono ee maceeshadu kor ugu kici doonto
noloshuna ku adkaan doontana, waa dadkiina; Cida dhaqaale burburku
ku dhacayona, waa dadkiina iyo degaanadiina; Cida u caydhoobi
doontana, waa cidiina, iwm.
Sidaas daraadeed, la iskama uun noolaado sida xayawaanka la ismana
dhigto; Waa la fekera oo weliba laga fekera mustaqbalka dhow iyo
mustaqbalka fogba; Nacabka iyo cadowga kugu hareereysan baa laga
fekera oo la dersaa dabeecadiisa, hab dhaqankiisa, damaciisa waalan,
iyo cuduudiisa; Meel baana la isla dhigaa waxa uu cadowgaagu yahay
iyo waxyeelada uu kugu keeni karo; Waana la tashada oo talo mideysan
oo wadareed oo dantiina gaar ahaaneed iyo danta guudba oo is barbar
yaal ku jaan go’an oo lagu maareeyo wixii walba ee dadnimadaada,
noloshaada, iyo jiritaankaaga ku duulan ah sida xoriyadaada,
nabadgelyadaada, midnimadaada, wada noolaanshahaaga, wax wada
qabsigaaga, wax wada cunkaaga, hab nolooleedkaaga, horumarkaaga,
qadyadaada, iyo jiritaanka dalkaaga hooyo ee Somaliland taasoo ku
saleysan siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo ciidan
ahaanba oo ku qotonta mabda’ adag, straateejiyad hufan, iyo xeelado
tayo leh, ayaa meel la sii dhigtaa si aad uugu badbaado uuguna caano
maasho.
Dhinaca kale, nacabka iyo cadowga kugu xeeran ee hareerahaaga ka soo
guuxaya ama gaadmada ku jira ama godadkooda ka soo gurguuranaya,
intay gondahaaga soo gaadheyso lama suguo ee waa laga hortaga;
Lagumana soo hambaaburo khatarta ku soo food saartay; Afkana qaylo
dhan lama saaro; lamana yidhaahdo hayaay waa wareey iyo ka kacaay;
Sidii odey geeli ba’ayna meelaha lama gabgableeyo; Halkee wax ka
qabanaana markaa la isma weydiiyo oo wakhtiguba kugu simi maayo ee
markeeda horeba, waa inaad galdaloolooyinka cadowgu kuu soo mari
lahaa oo dhan aad sii moostaa una sii tabaashusheysata wixii aad
kaga hortegi lahayd; Waana inaad mar kasta dushaas kala socotaa
dhaqdhaqaaqiisa xili kasta (xili nabadeed iyo xili colaadeedba) ilaa
maalinta Qiyaamaha laga gaadhayo; Haddii khatari kugu timaadona, waa
inaaney kugu noqon tu kedis ah ee waa inay ahaataa tu aad la socotay
una diyaar ahayd si aad markiiba madaxa uu nacabku iyo cadowgu la
soo kaco aad markiiba uuga jebiso.
Hadaba, su’aalaha meesha ku yaala, waxa weeye:
a) Miyaaney, cashuuraha xad dhaafka ah, maamul xumada, musuqa, iyo
guud ahaan curyaaminta Dekeda Berbera aaney si gaar ah u saameyn
degaanada iyo mujtamacyada Beelaha Faroomaha ee Bariga iyo
Hawd/Kilinka Shanaad?
b) Yaa kelifay, inay ganacsatadiinu sida bagaashleyaasha, ay u
wareegaan Boosaaso? Miyaaney, ahayn arrin mabada’eed oo lagugu
wiiqayo oo ku saleysan fikir, xukun, iyo awood qaranneed oo aan ka
turjumayn maslaxada degaanadiina iyo mujtamaciina tabaaleysan ama
arrin ku timi xukunka iyo awooda aan gacantiina ku jirin ee ay idiin
hayaan walaalahiina ama ilmaadeeradiina dhexda ku jira ee aanu
nacabku iyo cadowgu kulaaleyn ee nabdooni?
c) Waa maxay sababta kuwa xukunka idiin haya, ay mudada dheer u
hirgelin waayeen ummad mideyn, aamul fidin, iyo dhul mideynta
Somaliland?
d) Waa maxay sababta ay mudada dheer Ciidamada Qaranku u joogaan
jiidaha Bariga Somaliland?
e) Waa maxay sababta mujtamacyada iyo gobolada Bariga sida Togdheer,
Sanaag, iyo Sool ay weli uuga socotaa lacagtii Somalia sida
Giimbaarta ureysa iyo lacagaha kale sida Faalsada Majeerteeniya? Yaa
xoolahiisa iyo hantidiisa, iyo lacagtiisa adag la dhacaya lana
curyaaminaya siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan, iyo
degaan ahaan?
f) Yaa seyladiisii Xoolaha Nool iyo Dekediisii Berbera ee ay ka
dhoofi jireen laga xidhay?
g) Yaa guud ahaan ganacsigiisii iyo dhaqaalahiisii la curyaaminaya
ka dib, markii inamo yar yar mar kasta lagu shaabadeeyo ONLF loona
dhiibo Xabashiga iyadoo dalka gudahiisa dembiga ay ka dhex falaan
lagu qaadi karo laguna xidhi karo?
h) Waa maxay sababta ay xukumadii marxuun Cigaal iyo xukumadan
Riyaale, ay cadaawada uuga dhex abuurayaan Beelaha Faroomaha ee
Hawd/Kilinka Shannaad iyo ONLF iyo isirka ay ka soo jeedo?
i) Waa maxay sababta lagaaga gubay in ka badan 70 baabuur iyo
badeecadihii saarna taasoo isu geyntoodu noqonayso malaayiin doolar?
Maxay se, xukumada ay kuu hayaan walaalahaaga ama ilmaadeeradaada
dhexda ku jira ee nabdooni kaaga qabatay dadkaaga ku dhintay, ku
dhaawacmay, lagu dhacay, ku caydhoobay, iwm falalkaas nacabka iyo
cadowgu kugu fuliyey? Sow, hada laguma guuleysan in ganacsigaagii
galbeedkaas u bixi jiray uu istaago ama la curyaamiyo? Yaa ku dhib
qaba? Ma adiga mise, iyaga? Weli, ma xisaabtantay?
j) Miyaadan si mabdi’an ah oo xeeladaysan oo aragti dheeri leh oo
sinaani iyo cadaaladi ku jirto is barbar wadi karin DANTAADA
DEGAANEED iyo MUJTAMACEED, iyo DANTA GUUD ee UMMADEED iyo QARANNEED?
Hadal iyo dhamaantii, waa maxay, waxa Beelaha Faroomaha la gudboon
ee aad ku gaadhi lahaydeen himilooyinkaas iskuna badbaadin lahaydeen
siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo ciidan ahaan?
TALO:
1.) Waa in Beelaha iyo Jiidaha Faroomahu midoobaan siyaasad ahaan,
dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo ciidan ahaanba.
2.) Waa in aanu xukunka kuu qaban, awooda qarankana aanu kuu hayn
walaalkaaga ama inaadeerkaaga dhexda ku jira ee nabdoon ee aad
weliba adigu hareeraha ama faroomaha cadowgu yuuruuro ee wado
haalaqda ahi ee aad hortaagan tahay kana difaacayso adigoo isla mar
ahaantaas is difaacaya, hadh iyo habeen intaaney xitaa gurmadkiisu
ku soo gaadhin.
3.) Waa in Beelaha Faroomahu, ay ummada iyo dalka xukumaan ilaa, iyo
inta Jamhuuriyada Somaliland laga aqoonsanayo waayo Beelaha
Faroomaha (HJ, HY, Cidagale, iyo Arab) oo tiro ahaan la isku daro,
waa “majority-ga” Beelweynta Isaaq.
4.) Waa in Beelaha Faroomaha ay mar kasta ku wada biiraan hal Xisbi
Siyaasadeed Qaran oo ay wada taageeraan sidii uu mar kasta u
guuleysan lahaa oo xukunka iyo awooda qaranneedna aanu gacantiina
uga wareegin si aaney hagrasho difaac degaaneed, difaac mujtamaceed,
difaac ganacsiyeed, difaac hantiyeed sida baabuurta lagu gubay
Kilinka Shannaad, badbaado mujtamaceed sida aafo dabiici ah oo kugu
haabsata sida abaaraha oo aad markiiba si hagrasho la’aan ah aad ugu
gurmato, markay kula soo gudboonaadaan.
5.) Waa in Beelaha Faroomahu, ay hada ku wada biiraan oo wada
taageeraan soona saaraan Xisbiga KULMIYE iyo Muj. Ahmed Silanyo ee
xoogan ee dalka ugu weyn uuguna taageero balaadhan.
6.) Waa in Beelaha Faroomahu, ay Xisbiga KULMIYE iyo Muj. Ahmed
Silanyo ka dib, ay soo saaraan Ururka QARAN si uu u noqdo xisbi
siyaasadeed qaran uugana qayb galo doorashooyinka degaanka ee xigta
doorashada madaxtooyada una noqdo xisbiga mucaaridka ee ugu weyn
dalka (Official Opposition party).
7.) Waa in Beelaha Faroomahu, ay xisbi ku biiristooda iyo
taageeradooda u wareejiyaan Urur-siyaasadeedka QARAN si ay u soo
saaraan xisbigaas iyo Dr. Gaboose si ay xukunka iyo awooda qaran, ay
mar kale gacanta ugu dhigaan ama aaney gacantooda ka bixin, waana
inay sidaas ku socotaa ilaa iyo inta Jamhuuriyada Somaliland laga
aqoonsanayo.
F.G.: Waa sida keliya ee aanu dayac degaaneed iyo mujtamaceed kugu
dhicin iskuna badbaadin karto oo aad weliba si hagar la’aan ah aad
guud ahaan uuga difaaci karto xoriyadan qaaliga ah ee dhiiga badan
loo soo daadshay, nabadgelyada, midnimada ummadeed iyo mida dhuleed,
xasiloonida dalka, nidaamka hufan ee dowladeed, maamul tayo leh,
dimoqraadiyada, geedi socodka dimoqraadiyadeed, ganacsiga xorta ah,
dhaqaalaha guud, maareynta deeqaha shisheeye, difaaca hantida
ummada, dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, cadaalada, xuquuqal
insaanka, horumarka, ictiraaf raadinta, iyo guud ahaan qadyada iyo
jiritaanka Somaliland. Walaalahayaga ama Ilmaadeerayada dhex ku jira
ee aanu nacabku iyo cadowgu kulaaleyn ee nabdoon, waxaanu leenahay,
garawshiyo yeesha ka garaaba dhibka iyo khatarta ehelkiina la
gudboon kuna taageera straateejiyadan siyaasadeed si ay isu
badbaadiyaan guud ahaana u badbaadiyaan ummada iyo dalka Somaliland.
Wax aanu kala leenahay ama kala riixanayno meesha ma yaalan oo doon
baanu wada saraanahay, wax inaga xumaanayana, ma jirto oo sinaan iyo
cadaalad taam ah oo dhinac walba saameysa ayaanu ku dhiqi doona guud
ahaan ummada iyo dalka Somaliland.
Guul iyo Gobanimo,
Faarah Ali Jama
Ottawa, Canada.
|