“C/Laahi Cirro, Saqadhi Iyo Warancade Waa Niman Aqoon Badan U Leh Baadhista Dambiyada Iyo Sirdoonka, Waa In La Hawl Galiyaa, Muuse Biixi Laftiisu………”

 

 

“Warbixintii Guryaha La Gubay Ay Ka Bixiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku Waxaan U Arkaa Mid Wayd Ah, Oo Aan La Qaadan Karin"Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

Hargeysa, February 28, 2011 (TNN) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in laga talo galiyo sugida amaanka dalka Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha C/laahi Ciro, Wasiirkii Duulista & Hawada Warancade, Taliyihii hore ee Bileyska Saqadhi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay inay wax badan ka qaban kari lahaayeen Amaanka Caasimada Somaliland ee ka sii daraya.

Suldaanku waxa kale oo uu dhaliil weyn u soo jeediyey Warbixinadii isburinayey ee guryaha la gubayo ay ka bixyeen Wasiirka Arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Taliyaha Bileyska Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) oo uu ku tilmaamay warbixino wayd ahaa oo aan la qaadan Karin.

Suldaanka guud waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, Suldaanku ugu horayn isaga oo ka hadlaya Masuuliyiintaasi uu magac dhabay waxa uu yidhi “Inkasta oo xukuumadda iyo Madaxwaynuhuba xor u yihiin kala doorashada shakhsiyaadka bulshada u adeegaya, hadana anigu waxaan aaminsanahay inay dhacdooyinkan foosha xun ee dalka ka socda ay wax weyn ka tari lahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee arimaha gudaha C/laahi Ciro, Taliyihii hore ee ciidanka Bileyska Saqadhi iyo Cali Warancade, dhamaantood waa niman arimaha la ogaan layahay maanta wax weyn ka tari lahaa. C/laahi Ciro isagu waxa uu khabiir ku yahay baadhista danbiyada aan la garanayn cida samaysay, C/laahi Ciro waxan aynu garan lanahay iyada oo aan la samayn ayuu heli jiray, oo kuwa u soo waramayaa iyaga oo aanay waxba ogaan wali ayuu isagu ka hor heli jiray, runtii waa nin in badan nabad sugida iyo baadhista dhacdooyinka noocan ina haysta ah ka soo shaqayn jiray, waana nin in badan ka soo shaqaynayey arimaha baadhista dambiyada iyo sirdoonkaba, markaa waxaan soo jeedinayaa ha laga qayb galiyo talada dalka, waana in aan loo eegin xisbi Mucaarid ah ayuu ka tirsan yahay ee waa in lagu qiimeeyaa waxa uu ummadda u qaban karo, imika taliyaha Bileyska anigu mar hore ayaan sheegay in Saqadhi nin kaga haboon ciidanka Bileyska iyo ka hortaga danbiyada aanu jirin”.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxa uu intaasi ku daray oo uu sheegay in guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi laftiisu uu wax weyn ka qaban karo amniga caasimada dalka ee Hargeysa ee loo maaro layahay, waxaanu Suldaanku yidhi isaga oo arimahaasi ka hadlaya “Guddoomiyaha Kulmiye laftigiisa Muuse Biixi waa nin wax weyn ka qaban kara amniga caasimada ee loo maaro layahay, markaa waa in aynu ka shaqaysiinaa dadka aqoonta u leh baadhista danbiyada. Masuuliyiintii amniga ee Rayaale waxay ahaayeen niman xidhiidh badan leh oo meel walba lagala soo hadli jiray oo meelkasta ciddi u joogto, markaa haddii shaqsiyaadka noocaas oo kale ah la hawl galiyo cadawgeena waynu ka aarsan karnaa”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey Guryaha la gubayo ee caasimada saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey iyo sida uu u arko hadalada ay ka bixyeen masuuliyiinta Dawladda Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi “Warbixintii Guryaha la gubay ay ka bixiyeen Wasiirka Arimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka boolisku waxaan u arkaa mid wayd ah, oo aan la qaadan karin, run ahaantii waxa wax laga xumaado ah in xaafad dhan oo dhawr iyo labaatan guri laga gubay in la yidhaahdo iyagaa iska gubaya guryahooda waa hadal aan macquul ahayn, masuuliyiintan hadalka keenay gadoodka shacbiga waxa fiicnayd inay hawlahooda u hagar baxaan oo ay ka shaqaysiiyaan sirdoonka iyo hay’adaha amniga ee ku shaqadda leh falalka noocan oo kale ah, waxaana u wanaagsan in aanay shacbiga ka cadhaysiin, si ay u fududaato in ay warar xaqiiqo ah helaan, maxaa yeelay shacbigu waa kuwa hirgalinaya amniga marka ugu horaysay haddii aanay ciidamada iyo hay’adaha amniga la shaqayna waxba uma suurtoobayaan”.

“Hadalka wasiirka iyo taliyuhu ay iska daba qaateen ee ay leeyihiin laba guri oo kaliya ayaa daaro ah, waa hadal u eeg kicin shacbi, sababta oo ah maaha in bulshada indhaha la qabto, waxa aynu wada aragnay in guryo badan oo ka mid ah guryahaa la gubay ay ahaayeen daar, markaa waa in ay masuuliyiinta qaranku u meel dayaan hadalkooda, marka ay leeyihiin dadku iyaga ayaa guryahooda gubaya, waa hadal afgobaadsi uun u eeg, ee aan ahayn xaqiiqo jirta, mana jirto meel aduunka lagu arkay dad iyagu guryahooda guba. Dadka u haysta in Somaliland ay wax yeelayso guryan la gubay waxaan u sheegayaa Somaliland guryo la gubay ku kala dhaqaaqi mayso, ee shacbigu iyagu nabad galyadooda ha ilaashadaan, awalba iyaga ayaa samaystay horumarkan iyo amniga maanta Somaliland ku caano maashay”.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey qaar ka mid ah dadka loo xidh xidhay guryaha la gubay, isla markaana sheegay in uu ku jiro nin uu aqoon fiican u leeyahay, oo xanuunsanaya, sadex cishona ku xidhan saldhiga dhexe, waxa uu yidhi “Dadkan la leeyahay waxa loo qab qabtay guryaha la gubay, waxa ku jira nin aanu habra-wadaag nahay oo kalyaha laga qalay,aqalkiisiina la gubay, isaga oo xanuunsanaya ayuu imika sadex habeenba saldhiga ku xidhan yahay, maaha in la yidhaahdo adigaa aqalkaagii gubay, ninkan xidhan ee ay leeyihiin gurigiisii ayuu gubay waa nin masuul qaran ah oo aanay waxaas ka suurto galin, markaa xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in aanay dadka iska xidh xidhin ee ay ka fiirsato ninkaasna xoriyadiisii u soo celiso”.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadleyey fadhigii golaha wakiilada ee doraad uu wasiirka arimaha dibadu ku hortagay iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Waxaan aad u soo dhawaynayaa sidii caaqiibada lahayd ee wasiirka arimaha dibadu uu shalay ula hadlay xildhibaanada wakiilada,waxaana guusha uu gaadhay cadanaysa sacabkii madasha laga tumayey, anigu waxaan odhan karaa runtii waa nin dar dar cusub ku soo kordhiyey siyaasada arimaha dibada Somaliland, waxa diblomaasiyada wasiirka khaarajiga cadaynaya 16-kii safiir ee uu dalka keenay, wali may dhicin 20-kaa sano ee aynu jirnay inay yimaadaan wafti meeqaamkaa leh, runtii waxaan odhan karaa siyaasada arimaha dibadu hada ayey dhabadii horumarka iyo guusha martay, waanan soo dhawaynayaa shirkii London ee uu ka qayb galay, waxaan hubaa in uu wasiirkaasi yahay nin dublamaasiyada aqoon xeel dheer u leh”.

Mar uu ka hadlayey suldaanku sida uu u arko baraakaha Kalshaale ee la aasay, waxa uu yidhi “Shacbiga ka qayb qaatay iyo xukuumaddaba waxaan ku hambalyeynayaa talaabadii lagu fuliyey amarkii madaxwaynaha ee ahaa in aaso baraakaha Kalshaale, waxaanan xukuumadda leeyaha ummada ku dhaqan Buuhoodle deegaanada Sool waa in la soo dhaweeyaa oo waxay tabanayaan la waydiiyaan, sababta oo ah Dhulbahante waa dad reer Somaliland ah, waana in gogoshii madaxwaynuhu fidiyeyna si dhab ah loo fuliyo oo beelaha walaalaha ah ee markii hore dirirtu dhexmartayna ay wada hadal arimahooda ku dhamaystaan”.

Mar uu ka hadlayey sida uu u arko hadalkii madaxwaynaha maamulka Garoowe Faroorel, waxa uu yidhi “Madaxwaynaha Puntland xaq uma laha in uu Somaliland soo faro galiyo, maxaa yeelay isagu waxa uu aaminsan yahay Fadaraal, Somalilan-na waa dal xor ah oo xornimadoodii la soo noqday 1991-kii, markaa maaha-ba inay wax aan ahayn daris wanaag iskugu yimaadaan, anigu waxaan qabaa Faroole shacbigiisu lama qabaan in uu fidmo ka dhex abuura Somaliland, sababta oo labada shacbi waxa ka dhexeeya xidhiidh dhinac badan ah, haday xaga ganacsiga noqon lahayd iyo haday xag walba noqon lahaydba”.

 

Source:Haatuf