Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe iyo Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inaanay waxba ka jirin Shirkaasi
 

  


Hargeysa(TNN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa maanta magaca abay guddidii qaban qaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ku began Lixda bisha Juun, Xubnahaas oo ka kooban 11 kuwaasoo ah Guddidii hore ee qabatay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee Musharaxni mada iyo Guddoomiyenimadaba loogu wada doortay Madaxweynaha hada talada haya Axmed Maxamed Maxa mud Siilaanyo

Waxaanu War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha golaha dhexe oo saxaafadda loogu talagalay u qorn aa sidan:-

Ujeedo: Magacaabid Guddida Qabanqaabada Ee shirka Golaha Dhexe

Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabasshada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku began June 06,2011, waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacawno guddi qaban qaabo oo ka hawlgasha dhamaan hawlaha ku began qabashada shirka golaha dhexe.

Sidaa darted, manta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan u magacaabay inay noqdaan guddida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:-

1. Axmed Muxumed Madar Guddoomiye

2. C/kariim Axmed Xinif Xoghaye

3. Maxamed Muuse Abees Xubin

4. Nimco Xuseen Qawdhan Xubin

5. Ilhaan Maxamed Jaamac Xubin

6. Axmed Xaashi Oday Xubin

7. Xuseen Axmed Caydiid Xubin

8. Mahdi Xuseen Cadar Xubin

9. C/raxmaan Yuusuf Cartan Xubin

10. Siciid Cilmi Rooble Xubin

11. Axmed Cabdi Dheere Xubin

Xubnaha Guddida qaban qaabada waxaa lagu wargalinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku began maalin Axad ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Kulmiye saacada 9:00 Subaxnimo, halkaas oo Guddoonka Golaha Dhexe kulan kula yeealn doono.

Mudanayaal waxaan idiin rajaynayaa hawl wacan, Guul iyo Gobanaimo taam ah



Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel)

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee xisbiga Kulmiye
 

 

 

Hase yeeshee sida caawa laga baahiyay Televisionka Horn Cable TV oo waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Xisbi ga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wax laga weydiiyay Shirkaasi ayaa ku tilmaamay inaanu waxba ka ogayn, waxa anu Hogaanka xisbigu ogeyna aanay waxba ka jirin.

 

Source: Waaheen