Warsaxaafadeed

 

 


Date: 18/06/2011



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan10/04/2011  taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddi da Cadaaladdu,


Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelya du ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda k ala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,


Markuu Yaqiinsaday: In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare aanu wadi Karin dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.



Wuxuu Go'aansaday:



In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Gudoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ka qaado Mudane, Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).


 


Xilka Qaadista Garsoorayaasha waxa uu madaxweynuhu u cuskaday qodobadan Dastuuriga ah :-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan 10/04/201 1 , taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Garsooreyaasha iyo Guddida Cadaalad du,



Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabad gely adu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,


Markuu Yaqiinsaday: In loo baahanyahay firfircooni iyo dhiig cusub lagu soo kordhiyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.


Wuxuu go'aansaday



1. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Shawqi Cilmi Cali.

2. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Xuseen Khayre.

3. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Axmed Diiriye Qaalib.

4. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cabdi Cilmi Xasan.

5. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamed Yuusuf Caynaan.

6. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Ismaaciil Axmed.

7. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Sh. Maxamed Cabdi Naleeye.

8. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamuud Xirsi Faarax.







Magacaabista Garsoorayaasha Cusub:-





Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Qaranka,

Markuu Arkay: Khibradooda iyo waayo aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Gar soorenimo,

Markuu isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo.




Wuxuu Go'aansaday



1. In Mudane, Axmed Xuseen Dirir, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.


2. In Mudane, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qa ranka JSL.


3. In Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qar anka JSL.


4. In Mudane, Cabdiraxmaan Sh. Saalax Maxamed, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.


5. In Mudane, Maxamed Cumar Geele, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.


6. In Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.







ALLAA MAHAD LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.