Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale oo Hambalyeeyay Xukuu mada Cusub ee Axmed Siilaanyo Balanqaadyana Inuu La Shaqayn Doono.
 

“Sidii aan xukuumadii horeba ula shaqaynaynay ayuunbaanu ula shaqayn xukuumada cusubna" Maayarka Tog-Wajaale

Tog-wajaale (TNN): - Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale Mujaahid Cabdi Muuse Xuseen (Qawrax) ayaa shir Jaraa,id oo uu kaga waramay wax qabadkiisii intii uu xilka hayay iyo isagoo ka warbixiya y sida uu ula shaqayn doono xukuumada cusub ee dhalan doonta oo uu ku qabtay Hoolka Shirarka ee Hutel Central.

Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in ay xukuumadii hore si fiican u wada shaqayn jireen isagoo sheegay inay waxyaabo faro badan ka qabteen dhinacyada kala duduwan ee barnaa mijyada kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha degmadaasi oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Wadooyinka iyo Kaawaanka oo ay u sameeyeen dhisme Cusub.

Qawrax mar wax laga waydiiyay maadaama xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB guul daraystay bal sida uu u arko inuu ula sii shaqayn doono waxaa uu ku jawaabay “Sidii aan xukuumadii horeba ula  shaq aynaynay ayuunbaanu ula shaqayn xukuumada cusubna, iyadoo qofkasta lagu qiimeeyo  wax qab adkiisa iyo kartidiisa aqooneed ee shaqada uu hayo”

Qawrax Muuse oo ka jawaabaya sida uu u arko madaxwaynaha cusub ee maamulka dalka la  ware egay waxaa uu yidhi “Alxamdulilaah, illaahaybaa mahad leh illaha nabada inoogu dhameeyay doora shadii madaxtooyada ee ina dhaaftay ee ay ku guulaysteen madaxwayne Axmed Maxamed  Maxa muud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan Saylici, waxaanan illaahay uga rajaynayaa mujaahidka Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa in illaahay u fududeeyo xilka culus ee ay umada u balan qaadeen, anaguna (reer wajaale) waxaanu balanqaadaynaa inaanu u hogaansami doono siyaasada lagu hagayo wadanka”

Ugu danbayntii Qawrax waxaa la waydiiyay bal fariinta uu dirayo isagoo ka faa,idasanaya  fursad an qaaliga ah waxaanu yidhi “Dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida guudkeeda ka joogaan waxaan ugu baaqayaa inay xukuumada cusub ku gacan siiyaan si ay u gaadhaan  horu marka iyo isbedelka shacabku dalbanayeen, gaar ahaan shacab waynaha dagmada Tog-wajaale  i nay dhinac uga soo wada jeestaan horumarka dalka, ololihii iyo isqabqabsigiina dhamaaday loona baahan yahay in dhamaan barnaamijyada danta guud laga wada shaqeeyo, waxala wixii  waxyeel aya nabadana dhinac looga soo wada jeesto oo la iska qabto”.

Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale waxaa uu sidoo kale hambalyeeyay madaxwaynihii hore ee  S omaliland Daahir Rayaale Kaahin sida quruxda badan ee uu usoo dhaweeyay natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland iyo sida habsamida leh ee uu u wareejiyay xilkii madaxwaynenimo oo uu ku tilmaamay in ay tahay in lagaga daydo.

Tan iyo intii uu xilka madaxaynenimo ku guulaystay xilka madaxtinimada Somaliland Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaanay u kala hadhin madaxdii xukuumadii laga  guulays tay hambalyada madaxwaynaha cusub.


 


Timacade  News Network (TNN)
Tog-Wajaale Somaliland.