Golaha Wakiillada oo la Horgeynayo Moo shin Maamuuska Lagaga Xayuubinayo Madaxweyne Rayaale
 

“Xukuumadda Jabuuti way diiday in dalkeeda laga xuso 18 May, waxaanan qabaa in Madaxweyna Jabuuti aannu qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland daacad ka ahayn”


“Waxa jira carruur yaryar oo xukuumadduo qabqabtay oo la yidhi keena aabbahayaashiin, hawshaasina iminka waxay socotay ilaa siddeed bilood qiyaastii, wax maxkamad ah oo la keenayna ma jiraan”


“Dadka Koonfurta Afrika si ay u xusuusnaadaan halkan koodii waxay Kursiga saareen Nelson Mandella, reer Somaliland Siilaanyo ayay Rayaale ku beddesheen”


“Xoghaya Guud ee UDUB waa masiibo Jabuuti laga soo diray oo Somaliland lagu burburinayo” Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha gudaha Wakiilada, Md. Siciid Cilmi Rooble


Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee Golaha Wakiillada Md. Siciid Cilmi Rooble, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayaan mooshin maamuuska lagaga xayuubinayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.


Xildhibaan Rooble oo waraysi khaas ah Jamhuuriya la yeeshay shalay, ayaa caddeeyey in ay wadaan diyaarinta mooshin maamuus-ka-xayuubin ah oo lagu soo oogayo Madaxweyne Kaahin oo uu ku eedeeyey inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo distoor-jebin aan xad lahayn, isla markaana horjeeni doonaan kalfadhiga Golaha Wakiillada ee furmaya Khamiista toddobaadkan ee taariikhdu tahay 28 May 2009.


Waraysigaas oo Md. Siciid Cali Rooble oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ujeeddada dawladda Jabuuti isu hortyaagtay xafladdii xuska 18-guurad madaxbannaanida Somaliland, xafladaha lagu taageerayo Madaxweyne Geelle ee ka dhacay Boorama, Hargeysa iyo Gabiley, arrimaha doorashooyinka, xaaladda dalka xukuumaddu u xidhxidhay falal argagixiso iyo weliba qodobo kale oo xasaasi ah, aadna u xiiso bada, waxa uu u dhacay sidan:


“Jabuuti waa dal aynu saaxiib iyo jaar nahay, kamana xumi in xidhiidhkeenu wanaagsanaado, balse nasiib-darrada dhacday waxa weeyaan wuu u dedaalay Madaxweynaha Jabuuti inuu dalkiisa hanto, laakiin fadhiidnimada Madaxweynaheena iyo rabitaankii dadka oo la majaro habaabiyey ayaa innaga qayrkeen innaga reebtay, taasina waxay innaga dhigtay oo aad mooddaa in aynu noqonay gobol ka mid ah Jabuuti, halkii aynu ka ahaan lahayn qaran jira oo dhisan oo la yidhaahdo Somaliland. Waad ka warqabtaan in dekedeenii xidhan tahay oo dekedda Jabuuti xoolaheenii iyo wixii khayraadkii dalkaba loo wareejiyey, waad aragteen oo hudheelladeena iyo degmooyinkeena habeen kasta Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu ammaanaa. Iminkana waxaad markhaati ka tihiin in Madaxweynaha Jabuuti maalintii qarannimadeena ee 18 May ee caalamka oo dhan laga xusay uu diiday in Jabuuti lagu qabto oo laga xuso. Anigu waxaan u arkaa nasiib-darro ina haysata waayo, waxaanan qabaa in dalkan Somaliland dunuub badan laga galay oo nidaamkan maanta dalka hoggaaminayaa uu majaro khadlan dadka ku hoggaaminayo oo aan ahayn majarihii la rabay. Waxaanan qabaa oo aan marag u baahnayn in xukuumadda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyna Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle aannu qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland daacad ka ahayn oo aannu doonayn in Somaliland la aqoonsado oo uu doonayo in uu ina dilaalo oo aynu halkaa ugu xidhnaano, sidaana ay ku wada heshiiyeen Daahir Rayaale Kaahin oo ay labaduba heshiis ku yihiin in aan Somaliland la aqoonsanin.”


Waxa kale oo Md. Siciid Cilmi Rooble waraysigaas kaga hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dalka Ethiopia, kaasoo uu sheegay in xukuumadda Rayaale si weyn u dayacday, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Ethiopia waxay ahayd dal cilaaqaad weyni innaga dhexeeyey oo ilaa halkii dib-u-xorreynta iyo qoxootiyadeeniiba ina gacan qabatay, aniguna waxaan qabaa halka uu ka dhowaan lahaa aqoonsigeenu haddii aynu si wanaagsan oo siyaasad dibadeed ah ku waajihi lahayn inay ahayd dalka Ethiopia, taasina waxaan qabaa in la majaro habaabiyey oo aynu raacnay wado khaldan iyo dalkaa Jabuuti.”


Mar uu ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ahayd, sida uu u arko xafladaha is-daba jooga ah ee xisbiga UDUB maalmahan u dambeeyey qabsanayey iyo hadallada aflagaadada ah ee ka sooyeedha Xoghayaha Guud ee UDUB, waxa uu yidhi; “Horta waxaynu isweydiinaynaa Xoghayaha Guud ee UDUB xagguu ka yimi, wuxuu ka yimi Jabuuti, waana masiibo Jabuuti laga soo diray oo Somaliland lagu burburinayo, wuxuunna ka mid yahay dagaalka Jabuuti kula jirto Somaliland. Ninkan lagu maanayso Jug-soo-dhacay dhibaatooyinka waaweyni waxa weeye maamulka dhan ee dalka xukumaa waxay ahayd in uu ka xishoodo aflagaadooyinka iyo inay afkooda caydu ka timaado oo waad ogaydeen ninkaa dhan ee Xoghayihii UDUB ah marxuunkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo aannu garanayba inuu ku nabadgelin waayey xabaashii oo kaga daba tegay, waad ogeydeen halgankii dhammaa ee SNM iyo mujaahidiintii dalka xoreysayba waxa uu ku sheegay, waad ogeydeen oo shalay [Jimcihii] wuxuu ka hadlayey Alleybaday. Alleybaday waxay ahayd degmo KULMIYE ah, waxaad oo dhamina wuxuu uga dhacayaa ee xafladaha UDUB loogu qabanayaa waxa weeye wax hanaloo qabto.


Waxaan maqlay niman odayaal ah oo degmada ka tirsan baa Ina Rayaale u tagay oo ku yidhi degmada wax u qabo, wuxuu ku yidhi waayahaye iscaddeeya oo UDUB ku soo biira, markaa Hargeysa ayaa laga abaabulay oo ay rag ganacsato ahi ka abaabuleen, xafladdaasina inay ahayd mid laga run-sheegayo oo maalinta doorashada ayey kala caddaan doontaa reer Alleybaday halka ay yihiin, waxaanan anigu qabaa markay ogaadeen in ku fashilmeem taageeradii shacbiga, markay ogaadeen in shacbigii arkay in aanan waxba loo qabanayn oo la majaro-habaabinayo ayey bilaabeen in la caytamo oo dadka la jaha-wareeriyo.”


Isaga oo Md. Siciid Cilmi Rooble ka hadlaya dadkan argagixisada ah ee xukuumaddu qabqabatay iyo sida loola dhaqmay, waxa uu yidhi; “Waxaan anigu ka shakisannahay arrimahan argagixisada ee laga sheekeeyo halka ay ku lug leeyihiin, waxaanse idiin sheegayaa waa tii masiibaddii argagixisadu innagu dhacday, laakiin waxaad moodaa in xukuumaddu ku fadhilan tahay wax-ka-qabashadeeda, ha ahaato qaabkii looga hawlgalay ama loogu fashilmay in la qabto dadkii ka dambeeyey. Ammaankeenu maanta waxa uu marayaa heerka afraad, halkii uu ka ahaa heerka saddexaad ee Qaramada Midoobay ku qiinayso xaaladda amniga ee dalka ka jirta ilaa iyo maalintii qaraxyadu dhaceen dadkii la xidhxidhay waxa jira dad la eedeeyey oo aan wax allaale iyo wax dambi ah ilaa hadda lagu helin maxkamadna la horkeenini, waxa jirta dadkii lahaa macradkii baabuurta laga iibsaday lahaa oo iska xidhan, waxa jira dad inta la qabqabtay la waayey meel la geeyey, waxa jira dad odayaal ah oo la qabtay oo lagu yidhi keena inamadiinii. Waxa jira carruur yaryar oo xukuumaddo qabqabtay oo la yidhi keena aabbahayaashiin, hawshaasina iminka waxay socotay ilaa siddeed bilood qiyaastii, dadkaasina wax maxkamad ah oo la keenay ma jiraan.


Xukuumadda Ina Rayaale markii ay ku fashilntay inay soo qabqabto dadkii dalkan dunuubta ka galay ayey ka baqaysaa inay siidayso dadkan xidhxidhan oo ay ku tidhaahdo dambi la idiin kuma hayo ee iska taga, iyaga oo ka baqaya in lagu yidhaahdo way fadhislantay, waxaanan leeyahay ummaddaa reer Somaliland ee xabsiyada ka buuxa waa in maxkamad la soo taago oo haddii dambi lagu waayo la siidaayo, haddii kale maxkamad sharci ahi xukunto.


Wax argagixiso ahna marbaa la qabtay oo waxay ahaayeen kuwii lagu qabtay degaanka Dhoqoshay oo waa tii Tv-yada la innaga tusay ee maxkamadda la geeyey, gantaalladii Wasiirka Daakhligu sheegayeyna waxay ahaayeen wax been ah oo aanay waxba ka jirin.”


“Waxa jira hadal uu sheegay Guddoomiyaha UDUB ee Maraykanku oo ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay wadahadallo u socdaan, ninkaas aad iyo aad buu u warramay oo wuxuu sheegay in Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub, Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha UDUB Mr. Jug-soo-dhacay ay dalkan ku sameeyeen khiyaamo qaran oo ay Soomaaliya wadahadallo la yeesheen, waxaanan aad iyo aad uga xumahay in aynaan arrintaas xoogga saarin oo aan sidii loo baahnaa wax looga qorin, waxaanan ammaan ballaadhan u soo jeedinayaa Guddoomiyaha UDUB ee Maraykanka oo ah muwaadin Saaxil ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba u damqanaya oo taariikh ku yeeshay arrintaas khiyaamada qaran ah ee uu fashiliyey awgeed.


Waxyabahaas oo dhami waxay murug u yihiin in dalkan khiyaamo qaran laga galay, waad aragtaan xoolaheenii Jabuuti ayaa loo wareejiyey, ictiraafkan la inoo sheegayaa ma jiro, diyaarna looma aha in dalkan la aqoonsado, waxaanan rajaynayaa Golaha Wakiillada in aannu soo hordhigi doono kalfadhigan soo socda in Madaxweynaha lagu soo oogo khiyaamo qaran, iyadoo laga tixraacayo hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha UDUB ee Maraykanka, dastuurkan la jabiyey iyo korodhsiimadan joogtada ah, taasna iminka ayaan bayaaminaynaa oo aan sii shaacinayaa.”


Guddoomiyaha oo la weydiiyey sida ay isku waafaqayaan mooshinka khiyaamada qaran ah ee Wakiilladu ku soo oogayaan Madaxweyne Rayaale iyo hadalkii uu dhowaan Madaxweynuhu yidhi ee ahaa sannadka xilkayga u dambeeya dastuurku ma dhigayo in xilka la iga qaado oo maamuul-ka-xayuubin la igu soo oogo, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, dhibaatada haysata waxa weeyaan dadkii ayuu ku sheegayaa jaahiliin, Madaxweynuhu isaga jaahilka ugu weyn ah, waxaas uu sheegayaana meel ay sharciga kaga qoran yihiin ma jirto. Qodobka uu soo qaatay Madaxweynuhu wuxuu ka hadlayaa kala dirista Golaha Wakiillada oo sannadka u horreeya xilka Madaxweynaha iyo sannadkiisa u dambeeya aan la kala diri karin, taas ayuuna u qaatay in isaga ka hadlayo, waxayna ka mid tahay jaahilnimadu dhinaca sharciga ka haysto.”


Md. Siciid Cilmi Rooble waxa uu bulshada reer Somaliland ku canaantay in ay yihiin umada aan qiimayn dadkooda taariikhda leh ee dalka u soo halgamay, isaga oo xusay dadka reer Koonfurta Afrika iyo sida ay u xusaan dadkooda u soo halgamay xornimo doonkii.


“Dadka Koonfurta Afrika si ay u xusuusnaadaan halkan koodii waxay Kursiga saareen Nelson Mandella, reer Somaliland Siilaanyo ayay Rayaale ku bedesheen, taasina waxay muujinaysaa in ummaddeennu bilaa asal tahay oo ay ka seexdeen in ay taariikhdooda iyo dadkooda qiimaha leh xusaan, waxaanan leeyahay Ilaahay dadka xumaanta wada ee qudhunka iyo kala kaxaynta wada ee weji-ku-macaashka ah ha innaga qabto,” ayuu yidhi xildhibaanku.


Ugu dambayn, waxa Md. Roobe caddeeyey in mustaqbalka maxkamad la soo taagi doono ganacsatada dhulkii danta guud boobayay iibsana oo aanay kuwaari doonin, isagoo ka digay in dalka laga dhex abuuro fidno iyo fadqalalo marba marmarsiiyo looga dhigto muddo-kordhin.





Jamhuuriya Online