"Kulmiye wax ku shubasho ah oo uu sameyey ma jirto, laakiin waa caadi in dadku wax taban karaan"

 



Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga taladda haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa............


Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga taladda haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay ku shubteen Doorashooyinkii Gole yaasha Deegaanka ee dalka ka dhacay.

Muuse Biixi oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Har geysa ayaa waxa sidoo kale uu tacsi u diray dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Maga aladda Hargeysa.

Waxanu yidhi “Xisbiga Kulmiye Wax ku shubasho ah oo uu sameyey ma jirto, ku shubashad una waa Xaaran, lakiin wali maanan Arag Komishanka oo leh waxbaad ku shubateen, ama Maxkamada sarre ama urur lakiin Warbaahinta ayaanu ku arkaynaa waxasina waa been oo ma jirto kumanaan shuban.”

Muse Bixii oo la waydiiyey in Musharaxiintii Xisbiga Kulmiye Cododkooda layswaydaariyey oo Xildhibaano aan soo bixin la soo saaray ayaa wax uu ku jawaabay. “Nin walba oo dhac ay in uu ku qanco ayey ahayd Natiijada Doorashada, lakiin waa iska caaddi in dadku wax taban karaan, cidii Musharixiinta Xisbiga ee Wax tabanaysa waa la qancinayaa oo wax la hayaa Dhammaan Musharax kasta Dadkii u codeyey iyo goob kasta oo looga codeyey, laki in ma jirto cid Xisbiga ka sharaxnayad oo la musuqmaasuqay.”

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland waxay mar lab aad Kalisooni Siiyeen Xisbiga Kulmiye si uu u sii waddo barnaamijkii xisbigu ku soo baxay, ru ntii Xisbigu wax uu ku dadaalayaa in uu sii waddo Waxkaqabashada Fakhriga taasina waxa nu balan qaadanaynaa in aanu warshado yaryer aanu dadka u sameyndoono, Waxanu wax ka qaban doona Sidii loo kobcin lahaa Dhaqalaha dalka loona so saari laha shidal, waxanu xoojindoona Nabadgelayada Dalka,”




Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland