Hay’adda Ka hortaga Masiibooyinka Somaliland (NERAD) oo sheegtay Dhul-gariirkii habeen hore inuu khatar galiyay dalka

 


 

“Haddii uu gaadhi lahaa Shan ama Lix, guryuhu way burburi lahaayeen, Inaguna halis ayaynu gali lahayn” Maxam ed Muuse Cawaale


Hargeysa(TNN) Guddoomiyaha Hay’ada ka hor taga masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland (NERAD) Md Maxam ed Muuse Cawaale oo shalay xafiiskiisa kula hadlay war baahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay cabirka dhul gariirk aasi, khasaaraha ka dhashay iyo xadiga uu leekaa, waxaanu sheegay in xadiga dhul gariirkaasi uu ahaa 4.6 (Rich ter Scale) oo ah cabirka lagu qiyaaso dhul gariirka.


Maxamed Muuse Cawaale
waxaa kale oo uu xusay in haddii uu xadiga dhul gariirkaasi gaadhi lahaa shan (5) Richt er Magnitude Scale uu keeni lahaa khasaare balaadhan “dhul gariirkii xalay wuxuu Gaadhay 4.6 (Richter Scale) haddii uu gaadhi lahaa Shan ama Lix, guryuhu way burburi lahaayeen, Inaguna halis ayaynu gali lahayn, Waxa illaa hadda laysoo sheegayaa guryo in ay dumeen, balse wax dhimasho ah la iima soo sheegin, laakin Wajaale waxa ka dumay dhawr guri oo iskugu jira bakhaaro iyo guryo caadiya.Cabirka loo sameeyay xisaabta lagu cabiro dhul gariirka markaa wuxuu ahaa 4.6 (Richter Magnitude Scale), wuxuu gaadhay meel sare meel uu gaadhi jiray ma aha, waana arin aad iyo aad u wayn weli waanu raadinaynaa war bixinta, markaa inta aanu haynaa waa inta a”. Ayuu yidhi Maxamed Muuse.


Guddoomiyaha Hay’ada (NERAD) waxaa kale oo uu sheegay in dhul gariirkani uu ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland iyo meelo kale oo ka mid ah deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaana magaalada Jigjiga, is aga oo xusay in ay haboontahay in la sii ogaado ka hor inta aanu dhicin dhul gariirku waxaanu yidhi “Wuxuu ka dh acay meelo badan ilaa Jigjiga waxaanu ugu waynaa magaalooyinka Borama, Gabiley, Hargaysa iyo Wajaale sida ay magaalooyinkaasi galbeed u kala xigaan ayuu ugu kala waynaa, inta aanay wax dhicin waa in la iska sii jiraa, waxaana weeyi in had iyo jeer warbixinta la sii hayo marka uu soo socdo dhul gariirku, wuu soo bilaabmaa oo wuu soo socdaa markaa inta aanu dhicin waa in la sii ogaadaa”.

dhinaca kalena xogo dheeraad ah oo aanu ka helnay Dhul-gariirkaasi ayaa sheegaya wakhtiyadii iyo meela uu ka kala dhacay “waxa lagu qiyaasay inuu lexaadkiisu ahaa 4.6 Cabirka Rikter. Dhulgariirkaa oo dhacay habeenimo h ore ee 2 August saacaddu markay ahayd 23:24:33 UTC (universal time) oo ku beegnayd 2:24:33 kana dhacay dhulka hoostiisa 15 km qiyaastii.

Dhulgariirku wuxuu ka dhacay meel Hargeysa u jirta 110 km (68 miles) dhinac Galbeed Waqooyi Galbeed (WNW) Dire Dabana u jirta 138 km (85 miles) BariWaqooyiBari (ENE).Ilaa imika lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu gaystay.” Ayay tidhi warbixintaasi.

Dhinaca kalena Ku-simaha guddoomiyaha gobbolka awdal ahna guddoomiye ku xiggeenka gobolka awdal C/nuur Sugaal iyo maayirka magaalada boorama C/raxmaan Shide Bille ayaa kormeer ay ugu kuur galayaan khasaaraha dhul gariirkaasi ku soo maray magaalada boorama
 

 

Source:Waaheen