Komishanka doorashooyinka oo ka hadlay sawiro Diiwaangelinta ku saabsan oo Saxaafadda lagu faafiyay

 

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Kaboweyne), aya been-abuur aan macno lahayn ku tilmaamay sawir lagu faafiyay shabakadda wararka Internet-ka ee Saylac.com, isla markaana wargeyska dalka qaarkood ka soo xigteen, kaasoo muujinayay sawirka wiil yar oo ay Shabakaddu sheegtay inuu ka hooseeyo da’da Xeerku tilmaamay, balse lagu Diiwaangeliyay goobtii Diiwaangelinta ee Xood oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Mr Kaboweyne oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in la been abuuray sawirka wiilka yar ee lagu dhajiyay qoraalka lagu faafiyay Shabakadda, isla markaana ay Komishan ahaan maanta soo bandhigi doonaan sawirka dhabta ah ee Kaadhkaas.

“Adeer, macno ma laha oo Kambuyuutarkaa lagu samayn karaa inta sawir la qaado in meel kale lagu dhajiyo. Kaadhka la isticmaalay (la faafiyay) iyo goobta laga diiwaangeliyay waa Togdheer, laakiin taasi in aanay macno badan lahayn oo ay fududahay sida looga been abuuri karaana waxaad ku garan kartaa, kaadhkaa laftiisa ayaa Website kale ku jira oo inta ilmaha yar laga saaray Ina Rayaale (Madaxweynaha) la galiyay.

Adigu (weriyaha waraysanayay) bal hadda fur website-ka Saraarnews.com, waxaad ku arkaysaa sawirkan kale’e. Runtiina wax sidaas ah maaha oo carruurta yar yar baa samaysa, markaad Saylac.com furtana waxaad arkaysaa oo calaamad u ah Soomaali-weyn, waana niman dibadda degen oo doonaya inay khalkhal geliyaan reer Awdal iyo guud ahaan Somaliland-ba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Wuxuuna intaa ku daray, in aanay been-abuurkaa uu tilmaamay waxba u dhimaynin natiijooyinka iyo sumcada Xogta dadka isdiiwaangeliyay. Maxamed Ismaaciil Kaboweyne waxa uu sheegay inay dabogal ku samaynayaan shaqsiyaad uu sheegay inay Shabakaddaas Boorame uga gudbiyaan sawiradaas ay faafisay. Guddoomiyaha Komishanku waxa uu Saxaafadda u soo jeediyay in aanay faafinin wax dhaawac ku keenaya Diiwaangelinta iyo geedi-socodkeeda, taasoo uu sheegay inay tahay arrin qaran.

 

 

 


Ogaal