Golaha
Guurtida ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka
furashada ururada siyaasadda

Hargeysa (TNN)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyaadda
Somaliland ,ayaa ma anta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka
furashada ururada siyaasadda .
Waxaa shirkan maanta guddominayey , ku xigeenka isla markaana ah ku
simaha Guddoo miya ha Golaha Guurtida,mudane
Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre . Xildhibaanada ku sugnaa Golaha
Guurtid , waxay tiro dhammaayeen 53 Mudane.
Waxaa ogolaaday xeerkaasi,
33 Xildhibaan , waxa ka aamusay 4 Xildhibaan, halka 15 mudane ay
diideen ,Guddoomiyuhuna muu codayn.
Xeerkan ayaa waxaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Somaliland , si uu
digreeto ugu soo saaro, una fasaxo in dalka laga furan
karo Ururo Siyaasadeed .
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|