Go’aamo Lagu Ansixiyay Shirkii Golaha DHexe Ee KULMIYE Iyo Khudbadii
Uu Madaxwaynuhu Ka Jeediyay

“Shirka London Kama Qeyb gelayno, danina Uguma Jirto Somaliland,”Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay madaxweyne Ku
xigeenkiisa Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Say lici), ayaa
maanta ka qeyb galay kalfadhi aan caadi ahayn oo ay Golaha dhexe ee
xisbiga KUL MIYE ku qabsadeen Huteelka Maansoor ee Caasimadda
Hargeysa.
Kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa kale oo ka soo qeyb galay Xubnaha
Golaha Wasiirrada iyo xubnaha Golaha dhexe oo tiradoodu dhan tahay
148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo
Taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo
illaa 25-ka Bisha Decem ber ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa
cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka
aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha
dhexe.
Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay ururadii doorashada ku hadhay ee
RAYS, DALSAN Iyo UMMA DDA ee dhawaan ku soo biiray heshiiskana la
gaadhay xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood
way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyu huna
aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
khudbad ka jeediyay kalfadhigan aan caadiga ahayn , ayaa ugu horayn
dhambaal tacsi ah u diray qoysk ii, qaraabadii uu ka baxeen dadkii
dadku qaaday shalay ee uu ku jiray ALLE ha u naxariistee Xildhibaan
Aadan Shire Faarax.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay
dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh
ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn.
Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo
taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan
tahay.
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mar kale ku celiyay inaanay
Somaliland ka qe yb geli doonin shirka London, waxaanu yidhi “Shirka
London sidii aan hore u sheegnay kama qayb gelayno, oo waxaanu u
aragnaa in aanu na khusaynin, danina aanay ugu jirin qaranka
Somaliland”.
Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray “Wada hadalada Somaliland iyo
soomaaliya waxa ahaayeen barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii
London 12-kii bishii February ee sana dkii 2012-kii, kaasi oo ay
dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada
hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaasi ka dib waxa dhacay
labadii kulan ee London iyo Dubia, waxaanan ku kala saxeexanay
qodobo dhaxal gal ah hor dhacna u ahaa wada hadaladaa.”
“Mana jiraan wax iska kaaya bedelay diyaarna waanu u nahay in loo
wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysaa wax aanay dani
ugu jirin ummadayada,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u
yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo
ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u
soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan
yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe
Mudane Jaamac Ismaaciil Cigge.
Cumar Maxamed Faarax
|