Taariikhda Khibradeed ee Gen.Maxamed Faarax Nuur oo Dhawaan loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool.
 

 



Taliyaha Cusub ee Gobolka Sool General Maxamed Faarax Nuur waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Aasaaska  Cii danka Somaliland ku soo gudo jiray tan iyo intii Dalka somaliland la soo galay isaga oo ka hor ka mid ahaa  Sar aakiishii Ciidamadadii Dawladii la isku odhon jiray somaliya wakhtigii Afwayne, Xilal kala duwanna ka soo  Qabt ay Ciidankii Xoogga somaliya.


Hadii aan soo koobo taariikh koobana idiinka iftiimiyo Taliyihii hore ee Gobolka Gabiley ahna Taliyaha Cusub ee Gobolka Sool Gen.Maxamed Faarax Waxa uu ka mid ahaa Dadkii fara ku tiriska ahaa ee soo maray somaliland, hadii aan ka soo bilaabo wakhtigii dawladii la odhon jiray somaliya waxa uu ahaa sarkaalka kaliya ee  bad baad iyay Ardaydii wax ka baran jiray dugsigii Qalax ee ku yaalay Gabiley kuwaasi oo mudaharaad ka sameeyay isla markaana Afwayne Amray in la laayo balse uu ka hor istaagay isla markaana dhirbaaxo kaga saaray laba  xidi glihii Watay Ciidanka iyo beebeeyadda lagu xasuuqi lahaa Ardayda, Badbaadiyayna Boqolaal arday oo qaab qaabiil loo xasuuqi lahaa, taasi oo taariikh ahaan ardaydii iyo dadkii reer Gabiley ee Wakhtigaasi ay sifiican u wada garan karaan dhacdadaasi.


Taliye Maxamed Faarax oo taariikh ahaan xusuus gaar ah ku lahaa Wakhtigii Dawladii somaliya badbaadinta  iy o illaalinta Dadkiisa gaar ahaana marka ay ciidamadii Afwayne isku dayaan inay dhac iyo dilal u gaystaan  dad ka reer somaliland oo wakhtigaa ahaa Gobolladda Woqooyi ee somaliya. Iyada si gaar ah loo soo qaadan karo dhacdadii uu ka sameeyay tuuladda Agabar oo ay deganaayeen Qoxooti afwayne dajiyay isla markaana lagu dhici jiray dadkii dhalasho ahaa Woqooyiga ka soo jeeday ee halkaasi deganaa, Kuwaasi oo uu dhamaantood qoray kuna daray Ciidamadii Guulwadeyaasha si ay u badbaadiyaan Naftooda iyo maalkooda oo lagu dhici jiray halkaasi isaga oo siiyay Hub ay isku difaacaan, taasi oo ay ka marag kici karaan Dadkii reer Agabar ee  Dhibaa tadu ka haystadda Goobahaasi oo maanta odayadii wakhtigaasi uu badbaadiyay ay joogaan.



Gen.Maxamed Faarax oo ka qayb galay Halgankii dib u Xoraynta Dalka ee SNM, isla markaana ka soo Qabtay Xilka Taliyaha Guutadda Shanaad wakhtiyadii ay ugu qadhaadhayd, halganka adagna lagula jiray kalidii taliyihii Maxamed Siyaad barre, kuna Wareejiyay Xilka guutadda Shanaad Gen.Maxamed jaamac.



Gen.maxamed Faarax 1990 waxa uu Noqday Taliyaha Nabadgalyadda Qoxootiyadda SNM oo uu kala Wareegay Muj.Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Gudoomiyaha Xisibga Talladda haya ee Kulmiye.

Intaasi kadib Taliye Maxamed Faarax Nuur Waxa uu Tababar ku soo Qaatay Mandheera oo markii uu ka soo Noqday loo Magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Gabiley 1994-kii isaga oo Wata Seddex Boqol oo Askari oo tababar ku soo qaatay mandheera, halkaasi oo Seeska u dhigay Aasaaskii Saldhiga Gabiley isla markanaa uu ka fuliyay Hawlgalkii ugu Balaadhnaa ee lagu furayay jidadka udhexeeya Borama iyo Hargeisa oo ay Xidheen Day,daygii iyo jidgooyo fara badan ay u Xanibnaayeen Jidadkaasi.

Wakhtigaasi oo uu taliye ku Xigeen u ahaa Daahir yare, waxa uu ku Mutaystay Bilad sharaf uu ubalan Qaaday Alle ha unaxariistee Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxwaynihii Dalka somaliland.



General Maxamed Faarax Waxa ka soo shaqeeyayn Lixda Gobol ee Dalka somaliland oo uu ka noqday Taliye  Q aybeed, dhamaantood Marka lagu darro Gobolka sool oo dhawaan loo magacaabay oo ah Gobolka  dhamays tiray, isaga oo ka soo bilaabay Taliyaha Gobolka Togdheer oo uu laba jeer Xilkaasi ku noqday aadna uga soo qayb qaatay Hanaankii iyo Hirgalintii Nabadgalyo ee Gobolkaasi Dadku aad u jeclaayeen,waxa aan la ilaawi  Ka rin Wakhtiyadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Nabadgalyadda Wadooyinka Somalialnd (Traffic) oo uu kaalin  laxaa dle ka qaatay illaalinta taabo galinta Nidaamka Nabadgalyadda Wadooyinka somalialnd iyo dhismaha Ciidanka Traffic Police-ka.



Marka laga yimaado Taliye Maxamed Faarax Lixda Gobol ee Dalka oo uu dhamanatood ka Noqday Taliye Booliis, Waxa kale oo noqday ku xigeenka Hogaanka Qorshaynta ka dib markii uu Wareejiyay Xilka Traffic-ga, isaga oo intaasi ka dib loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Goboka Gabiley oo uu hayay labadii sanno ee ugu Danbeeyay, halkaasi oo uu ka ahaa Taliye iyo Nabadoon si khibradaysan uga qayb qaatay nabadaynta iyo  Da minta Colaada Ceelbardaale ee ay ku dagaalamayaa Beelaha walaalaha ee jaarka ah.



Taliye Maxamed Waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa Wakhtigii Guurtidu ku gudo jirtay soo saarista Go,aanka  S oo afjaridda Muranka Dhul beereedka Ceel bardaale oo ay Sugeen Nabadgalyadooda si ay Guurtidu  go,aanke eda u gaadho, isaga oo Xidhiidh Fiican la lahaa Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal oo ay iska kaashan jireen Daminta Colaadda Wakhtiyadda Shaqaaqooyinka ka soo Cusboonaadaan.

Taliye maxamed Faarax oo ah Sarkaal aad u nabad jecel ayaa Gobolka Gabiley ka dhisay Dhinacyadda Nabad  g alyadda isku soo dhawaanshaha Bulshadda Gobolka Wada degta, isku xidhka dhalinyaradda iyaga oo la Ciyaari jiray Kubadda si ay u dhiiri galiyaan dhalinyaradda una Tusaan Wanaaga Maamulkoodu uqabaan  dhalinyarad da kana Samaysteen Saaxiibtinimo Waarta.



General Maxamed oo khibrad ahaan maanta ka mid ah Dadka Faro ku tiriska ah ee Ciidamadda somaliland ku  ji ra, kana soo qaatay Billaddo iyo Tababaro Wadanka Kuuba Wakhtigii dawladii somaliya,Tababaro Milatari oo  k ala duwana ku Qaatay Dalka Somaliland, ayaa dhawaan loo magacaabay Taliyaha Gobolka Sool, taasi oo  Noqo n doonta Gobolkii ugu danbeeyay goboladda Dalka ee uu Xil ka qabto, marka loo eego Goboladda kale ee Dalka oo uu dhamaantood soo maray.



Taliyeyaasha Noocan oo kale ah waxa ay ka mid yihiin Dal ahaan in kayd loo haysto isla markaana ay  illaasha to Dawladda Somaliland, kana Faa,iidaysto Waayo Aragnimadda iyo khibradda uu Xambaarsanyahay, Isla mar kaana ka dhigato janano kayd ah oo u faa,iideeya Ciidanka Xoogga Dalka Somaliland.


 

 

 

Sciid Cali Daahir (Sacad Guray)
Hargeisa/somaliland
sacadguray@hotmail.com