Geeljirow
dhuguflow dhegeyso
Sidii uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey madal lagu kulmay oo ninkii
geli kariwaayey ciil la hagoogtey, ninkii galena jibo la hagoogtey
oo ku taal bariga London, oo ahayd soo dhaweyntii madaxweynaha iyo
weftigiisii, wuxuu yidhi: “Somaliland way dhaqaaqday”.
Haddaba waxaa la isweydiinayaa xagay u dhaqaaqday ma dib bay u
dhaqaaqday mise hore , ma hare eraha ayay u dhaqaaqday, ma galbeed
bay u dhaqaaqday mise bari ayay afka saartay, ma koonfur b ay
u dhaqaaqday mise waqooyi bay u quluulaysaa, ma xaga cusmaan jaamac
Cali aya u dhaqaaqday mise xagga safir, ma xag baa laga lisayaa mise
waa la daranndooriyayaa, ma xagga go’aamadii guurt ida ee
Ceelbardaale ayay u dhaqaaqday oo fulineysaa mise ged iyo
maaweelooyin hor leh ayay ku dh aqaaqday, ma Kashkaale ayay u
dhaqaaqi oo kudbaa qanjo looga guurayaa.
Ma Golayaasha sharci de
jinta iyo hirgelinta hay’adaha dawliga ah ayay u dhaqaaqday mise
waxay u dhaqaaqday dhinaca suld aanada iyo caaqilada, Ma nafta
dooji mooyee xarago laga dawaaree ayay ku dhaqaaqi.oo ay ku
danb ayn doontaa oo musuq bay ku dhaqaaqi, xaggee dhaanka loo
rarayaa du ruufbaa dhababtay ceelkiiye .? Ma
xusbiyo hor leh ayay xaggooda u dhaqaaqda mise habkii beelaha ayay
dib ugu laabanaysaa oo la soo noolaynayaa.? Isbedelkii Kulmiye ma
horaadbaa ma danbeedbaa? Xaggan ay u dhaqaaqday ee aan weli caddayni
tolow yuu u daran yahay? Su’aalahan jawaabtooda ilaa hadda waa
muruqa laba suul ninba si la ah, laakiin waxaa daaha ka rogi doona
camalka dawlada iyo waqtiga innagu soo fool leh.
Ilaa imika waxaan arkaa keliya wasiiro kii hadalaaba kii kala ka
daran yahay oo diblomaasiyada ka qaa wan oo qaarkood xantii
beeshooda dhexdooda ee gaarka ahayd ku khudbadaynaan.oo warbaahinta
caalamiga soo dhexdhigayaan, hore waxaan u qoray meelinba kii hadlaa
kii kale ka daran. Waxaa todo baadana dad badani la yaabeen oo
salluugeen cabdillaahi geeljire, hadalo badan oo ka soo yeedhay .oo
aan haba yaraatee la meeqaan ahayn xilka dawladnimo iyo duubiga aan
dadweynuhu u xidhin ee Madaxweynuhu ku xariiray.
Waxaan arkaa…………………………
|